Dagaal u dhaxeeyay Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay nawaaxiga Kismaayo
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaallo habeen hore ka dhacay deegaanka Kaam jaruun ee galbeedka magaalada Kismaayo kaas oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Shabaab iyo kuwo deegaanka oo ka dhiidhiyay dhibaatada ay maleeshiyaadka Shabaab ku hayaan dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in xoogiisu uu dhacay habeen hore iyo shalay, waxaana uu dagaalku bilowday kadib markii maleeshiyaadka deegaanka oo is abaabulay ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kam jaruun oo galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo,
waxaana halkaasi ku geeriyooday tiro Maleeshiyaad ah oo ka tirsan Shabaab, halka dhaawac aad u farabadana ay soo gaarsiiyeen Cisbitalka weyn ee magaalada Kismaayo, iyadoo xiligaasi ay Cisbitalka ka kala ceyriyeen dadkii halkaasi ku sugnaa si aaneey u arkin dhaawaca ay wadaan.
Warka ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyaadka Shabaab halkaasi lagaga gubay gaadiid dagaal oo farabadan, iyadoo maleeshiyaadka deegaanku ay la wareegeen gacan ku heynta goobtii dagaalku ka dhacay.
Warar kale ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay gelinkii danbe ee shalay weerar ku qaadeen deegaankii lagala wareegay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mar kale lagu soo jebiyay waxeyna ku soo laabteen Kismaayo.
Horjooge lagu magacaabo Xasan Yacquub ayaa la sheegay in dagaalkaasi uu hogaaminayay, kaas oo lagu xasuusto dhibaatooyin farabadan oo uu u geystay dadka deegaanka iyo faagida qubuuraha ay ku aasnaayeen Mashaa’iiqdii caanka ka aheyd dalkeena Soomaaliya.
Fight breaks out between Al shabab and the locals in Kismayo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- XimanJaale
- SomaliNet Super

- Posts: 12577
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
Re: Fight breaks out between Al shabab and the locals in Kis
Yes this happened because this mentaly ill Reer Ahmed kid, from the UK got killed by al-shabaab for accusing him of being a spy because he spoke in English the people of Xaafada Taleex majority reer Ahmed got angry and started to attack Al-Shabaab bases, also more people are getting angry at Al-shabaab for increasing the house prices.
- Cirwaaq
- SomaliNet Super

- Posts: 6472
- Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
- Location: Event Horizon periphery... HIILumination
Re: Fight breaks out between Al shabab and the locals in Kis
I hope the civilians win
let us see is shabab will learn to negotiate and value human life.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 408 Views
-
Last post by zingii
-
- 33 Replies
- 2295 Views
-
Last post by LobsterUnit
-
- 12 Replies
- 1783 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 4 Replies
- 823 Views
-
Last post by BuuloXubeey
-
- 1 Replies
- 362 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 23 Replies
- 3690 Views
-
Last post by dalalos101
-
- 26 Replies
- 2540 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 20 Replies
- 3137 Views
-
Last post by Shift
-
- 1 Replies
- 531 Views
-
Last post by dalalos101