Gabadha ku sawiran lacagta 1000SHL iyo nolosha maanta

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Gabadha ku sawiran lacagta 1000SHL iyo nolosha maanta

Post by malakumod »

Gabadha ku sawiran lacagta kunka Shilin ah iyo nolosha ay ku jirto

Image
Image
Ijaabo Sugule Xalane waa mid ka ah gabdhaha ku sawiran lacagta kunka shilinka Soomaaliga ah ee farsameynaya farshaxanka hidaha iyo dhaqanka dalka, waxay darajadaas ku muteysatay 15 boos oo sida ay sheegtay ay siisay Dowladdii dhexe ee dalka ka jirtay.

Gabadhii Nasiibka u yeelatay in sawirkeeda wax lagu iibsado waxa ay haatan ku nooshahay Aqal Soomaali ay ka dhex sameysatay Shaleemo Shenteraale ee degmada Xamar weyne, da’deeda oo 75 jir ah waxaa u wehliya Duruuf adag oo ay ku jiraan ayada iyo carruur ay ayeeyo u tahay.



Ijaabo Sugale Xalane ayaan maanta booqanay ayadoo ku sugan Aqalkeeda oo ay ku sameysatay Musqul ay ayadu qodatay, waxaana hareero 9 carruur yar yar ay ayeeyo u tahay oo daruufeaysan, xilligaasi oo Duhurkii ku dhweyd waxay gacanta kula jireen ayada iyo carruurteeda raashin laga keenay meelaha cuntada bisil laga dhiibo oo aad u qalalnaa (aan iidaan laheyn), waxaan weydiinay nolosheeda, si gaaban ayay ku jawaabtay.

“Shan iyo toban Boos iyo maal kale maanta waxaan ka fadhiyaa Shineemo Shentaraale, waxaan ka shaqeynayay wasaaradda warfaafinta, farshaxanka ayaan sameyn jiray, Laakin noloshaas waa is bedeshay, aniga iyo carruurtaan aan ayeeyada u ahay, cuntadan (cuntada bisil ee laga qeybiyo kaamaka) ayaan ku nool nahay.

Ijaabo Sugule xalane ayaan wax ka weydiinay sida sawirkeeda loogu daabacay lacagta kunka shulin ee Soomaaliga, waxayna sheegtay in ayada iyo koox kale oo farshaxanka ka shaqeeya bandhig ay ka sameeyeen Xeebta Liido, kaddibna ay ka warheshay sawirkeeda oo ku daabacan lacagta.

Sidoo kale Ijaabo waxay sheegtay in howl karnimo ay ka muujisay shaqooyin ay qabatay xilligii dalku dhisnaa ayna ka qeyb qaadatay mashaaric badan oo iskaa wax u qabso lagu fuliyay, abaal marino badana ay ku heshay intii ay shaqada qaranka gudaneysay, hase yeeshee waxay si dareen leh u tiri “Aduunyada ayaa sidaan iska ah”.

Baaq ayay u dirtay shacabka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay carruurta iyo dhallinyarada ha la siiyo fursad ay ku hagaajiyaan noloshooda iyo mustaqbalkooda, waxayna sheegtay in gabadha kula sawiran lacagta oo ay magaceeda ku sheegtay Faadumo Xirisi Maxamuud ay ku jirto nolol la mid ah tan ay ku sugan tahay ayadu.

Xigasho: Radiomuqdisho
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Gabadha ku sawiran lacagta 1000SHL iyo nolosha maanta

Post by Cali_Gaab »

I don't see the difference :|
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”