Page 1 of 1

Al shabab initiates operation against drought in Kismayo

Posted: Sat Jan 08, 2011 12:10 pm
by Coeus
Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ee xarakada Mujaahidiinta Al shabbab ayaa waxa uu gudaha magaaladaasi ka bilaabay ol-ole balaaran oo uu deeq gar gaar ah ugu aruurinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha noolal xumo ee ka jira gobbalada jubbooyinka.

Baabuur ay ku xiranyihiin cod baahiyaal iyo shaqaalo gaar ah ayaa waxaa lagu arkayay xaafadaha iyo suuqyada magaalada Kismaayo,kuwaasoo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi ku boorinayo inay caawiyaan dadka xoolo dhaqatada ah ee ay galaafatay xaaladaha abaareed ee ka jira magaalada Kismaayo iyo guud ahaanba gobbalada jubbooyinka.

Deeqdan laga aruurinayo gudaha magaalada Kismaayo oo ka kooban,Raashin iyo lacag ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo la gaarsiiyo dadka dhibaataysan,ee xoolahoodii inta badan ku waayay abaaraha laga soo sheegayodeegaanadaasi.

Aruurinta deeqdaan loo idinayo dadka tabaalaysan ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xili gudoomiyaha mamulka Kismaayo Mr Xasan Yacquub Cali,uu qaylo dhaan aad u daran ka soo saaray xaalada noolaleed ee ay ku suganyihiin qaar ka tirsan dadka ree guuraaga ha ee dega jubbooyinka,isagoona sheegay in dadkani gar gaar ka sugayaan oo kaliya walaalahoda somaliyeed.

Boqolal qoysas xoolo dhaqata ah ayaa waxaa aad looga dayrinayaa xaalada ay ku suganyihiin,waxaana laga soo waramayaa in dadku ay hoos jiifaan Geedaha hoostooda ka gadaal markii ay waayeen biyo iyo baad toono,laakiin waxaa soconayo gurmad balaaran oo la doonayao in wax loogu qabto dadkaasi dhibaataysan,ilaa iyo hadana ma jiraan hadal ka soo yeeray qurbo joogta gobbalada jubbooyinka oo ku aadan taakulaynta dadkaasi ay abaaruhu halakeeyeen.

Re: Al shabab initiates operation against drought in Kismayo

Posted: Sat Jan 08, 2011 3:38 pm
by Talo alle udaa
Wilaayad islaamiga ee bay iyo bakool ayaa bilowday howlo Zako loogu qaybinayay dakii xaqa u lahaa inay qaataan zakooyinkiinkii laga soo qaaday dadkii ay ku waajibtay,xoolo qaybintaan ayaa ku soo aadaysa xili ay dalka ka jiraan abaaro saameeyay dad iyo duunyaba.





Waxaa horay u iclaamiyay howlahaan Zako qaybinta ah madaxa Zakawaatka ee Dowlada Islaamiga ee Soomaaliyeed Sh Suldaan aala Mohamed, isagoo carabaabay inay qaybin doonaan xoolo kor u dhaafayo 50,000 oo neef oo ka kooban Ari ,Lo iyo Geel intaba.

Waxaana maanta ay ka bilaabatay Wilaayada Islaamiga ee Bay iyo Bakool oo noqatay Wilaayadii ugu horeysay ay qaybinta xoolahani ka bilowdaan iyada oo lagu wado in wilaayaatka islaamiga ah dhamaantood laga bilaabo qaybin taas la mid ah, waxaana Bay iyo Bakool laga qaybinayaa Xoolo gaaraya 35,000 oo neef, hadaba Shabakada AmiirNuur Media oo goobjoog ka ahayd meshii lagu qaybinayay Zekadaas ayaa idiin soo gudbinaysaa Sawirada iyo Codadka Mas'uuliyiinta ka qayb gashay munaasabadaas qiimiga badan.




Zako qaybintaas ayaa ku soo beegmaysa xili aad loogu baahnaa madaama wadanka ay ka jiraan abaaro aad u baaxad weyn ,Waxaana muuqata in shacabka Soomaaliyeed hadii aanu ku dhaqano diinteena in aanu ka kaaftoomayno gaalada iyo kuwa la halmaalo oo aanu gaarayno barwaaqo iyo baraare.


Warbixintaas oo dhamaystiran waxaan hadii alle idmo aan idiinkugu soo gudbin doonaa wararkayaga danbe.



Xafiiska warqabadka AmiirNuur Media ee Bay iyo Bakool

amiirnuurmedia@gmail.com


Image