Puntland goverment planning to pave the roads in all Bosaso

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Puntland goverment planning to pave the roads in all Bosaso

Post by Coeus »

Maamulka degmada Bosaaso ayaa bilaabay olole aad u balaaran oo lagu hagaajinayo bilicda degmada iyo wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala goobaha faras magaalaha ee degmadu leedahay.

"Waxaan ugu tala galnay in isbadal lagu sameeyo fiditaanka magaalada,maadaama ay tahay magaalo ganacsi oo uu ciriirigu badan yahay"ayuu yiri duqa degmada oo la hadlay warbaahinta.

Maxamuud Beeldaaje Faarax ayaa sheegay in qorshahan ay ku baxayso lacag aad u fara badan,iyadoo ay taageerayaan ha'yado maxalli ah oo Bosaaso ka howl gala

Wadada ugu isticmaalka badan Bosaaso marka laga reebo laamiga ayaa waxaa ka howlgalayay shaqaale ka tirsan dowlada hoose ka tirsan,iyadoo dhamaan la xanibay isku socodkii dadka iyo gaadiidka wadadaasi inta ay shaqadu ku socoto.

"Sida aad la socotaan shaqada wadadan marka ay dhamaato waxaa loo badalayaa Laammi la mid ah keena caadiga ah sidaas ayaana loo isticmaali doonaa"ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha degmada.

Waxaa la sheegay in wadadan ay wax badan ka qaban doonto adeegyada bulsho ee magaalada ,waxaana ay ka imaataa laamiga ,iyadoo ku dhamaata madaxtooyada ilaa iyo maxjarka wayn ee xoolaha.

"Wajiga koowaad marka uu dhamaado wajiga labaad waxa uu noqon doono in laami la dhigo,taasi oo wax badan sahli doonta "ayuu yiri isna injineerka shirkadda wadadan gacanta ku haysa.

Ugu danbayntii maamulka ayaa ka codsaday shacabka degmada in laga taageero howlaha kor loogu qaadayo bilicda degmada oo iminka aad u kortay wixii ka danbeeyay bur-burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.
User avatar
waryaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5889
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: Puntland goverment planning to pave the roads in all Bos

Post by waryaa »

coeus, the mayor was on local radio stations last nite asking for $$$. He said even if you can afford $1.00 pls pitch in instead of buying phone minutes with it. This is waaaaaay overdue - full twenty years since they took responsibility (1991 - 2011). Not even one paved road :evil:
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: Puntland goverment planning to pave the roads in all Bos

Post by Coeus »

waryaa wrote:coeus, the mayor was on local radio stations last nite asking for $$$. He said even if you can afford $1.00 pls pitch in instead of buying phone minutes with it. This is waaaaaay overdue - full twenty years since they took responsibility (1991 - 2011). Not even one paved road :evil:
Wow...
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”