S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole nation
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole nation
Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL Oo Sheegay In Ay Lacagtii Giimbaarta Ahayd Ka Bedelayaan Gobolada Bari
Guddoomiyaha Baanka Dhexe Oo Sheegay In Ay Lacagtii Giimbaarta Ahayd Ka Bedelayaan Gobolada Bari, Kana Hadlay Qiimaha Sarrifka Dollarka.
(Hadhwanaagnews) Saturday, January 08, 2011
Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay in qiimaha sarrifka dollarku uu sare u kacay ka dib markii ay suuqyada ku sii daayeen lacag.
Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi waxa kale oo uu sheegay in ay gobolada barriga ku dedaali doonaan sidii ay lacagta giimbaarta ah uga bedeli lahaayeen goboladda Barriga.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayay Wargeyska Madaxa banaan ee geeska afrika iyo shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.
Waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bibaabay sedan “Markii isugu keen dambaysay qiimaha sarifka Doollarku hoos ayuu u dhacsanaa, markaasoo aanu hawl-adag galay oo aannu Suuqyada Magaalada Hargaysa ku sii daynay Lacag, taasoo sare u soo qaaday qiimaha Safirka Lacagta Doollarka ah.
Illaahay mahadii maanta qiimaha sarifka Lacagta Doollarka ah wuxuu marayaa 580,000, ilaa aanu meel Munaasaba gaadhsiino waanu wadaynaa waxaana hada naga maqan oo aannu sugaynayaa Lacag cusub daabacaadeedii, taana mudo laba bileed ilaa saddex bilood ah ayaanu filaynaynaa inay dalka soo gaadho.dabadeetana uu Sixirka qiimaha Doollarku halkiisii ku noqoto. Dhibaatooyinka hoos u dhaca Doollarka waxa keenay Lacagteenii oo gobolada oo dhan wax laga iibsanayo, isla markaana dibada u baxday markii ay Birtii jabtay oo waxay noqotay Lacag culus oo wax lagu kala iibsado, waxaanan rajaynayaa marka ay Lacagtaas cusubi dalka soo gaadho in Doollarku halkiisii ku noqon doonno, dadweynaha waxaannu ka codsanaynaa inay la socdaan oo ay samir u lahaadaan, khaasatan waxyaabaha dibada inooga yimaada waxa ka mid ah Lacagta ee dibada inooga timaado oo ilaa Afar boqol oo Kun ah Sannadkii, markaa xoogaagii yaraa ee dibada uga imanaayey haddii ay qiimahoodii hoos u dhaco waxa ku adkaanaysa Maceeshadii oo taa anagubba waanu fahamsanahay. Waxaan ka codsanayaa qolyaha Ganacsatada ah ee Bakhaarada ku haysta Lacagta Kaashka ah inay Ummadda u soo daayaan si uu qiimaha Doollarku sarre ugu kaco oo uu Shacbiga wax ugu taro.
Waxaanu rajaynaynaa in aanu Lacagta Giimbaarta ah ee gobolada bariga ka bedelno si loo hello Lacag isku mid ah oo dalku leeyahay oo ay meesha uga baxdo Lacag kala nooc oo qayb waliba dalkii dhinac kaga socoto markaa si dhakhso ah ayaa loo bedelayaa Lacagta ku socota Burco, Sanaag iyo wixii la mid ah.
Runtii waxaannu ku hawlanahay horumarinta dalka haddii Illaahay nala qabto, waxaanu doonaynaa in aanu Casri ka dhigno Baanka oo waxaanu u samaynaynaa nidaam xidhiidhiya Shaqaalaha Baanka, waayo Baanka waxa lagu xaman jirey waxa yaalla Teebabkii laga baxay hadda Comqutero ayaanu keennay, kuwaasoo aannu u samaynay Borogaraam xidhiidhinaya dhammaan qalabka Xafiisyada oo qof walba u sahlaysa inuu ogaada Xisaabtu halkay marayso, mida kale waxaanu ku hawlanahay in aannu wax ka bedelno Maamulka baanka oo aad markii hore moodaysay in uu isku yar dhex daadsan yahay, markaa imika Laamo ka mid ah Maamulka baanka waannu xoojinay qaar kalena waannu xoojinaynaa.
Waxaan dadweynaha la socodsiinayaa inay iska ilaaliyaan Lacagta Foojariga ah, qofkasta xilbaa ka saaran qaranka inuu soo qabto haddii uu arko qof sida Lacag foojariya, khaasatan xilliga ay Lacagahaasi soo baxaan xilliga ay Suuqyada ku yaraato Lacagta Shallinka Somaliland. Waxa kale oo aannu fududaynay Lacagtii la xawali jirey ee markii hore Berbera laga keeni jiray, taasoo xitaa la dhici karo markaa waxaannu samaynay Nidaam aanu isla qaadanay Wasaarada Maaliyada.
Guddoomiyaha baanka oo la weydiiyey inuu wax Kulan ah la yeeshay Sarifleyaasha waa weyn oo iyaga inta lagu eedeeyo inay Kaantaroolka u hayaan hoos u dhaca iyo kor u kaca Lacagta Doollarka, waxaanu ku jawaabay “Arrintaas waxbaa ka jira oo marar badan Kulan ayaanu la yeelanay oo way jiraan Nimankaa Istoodhada ku keydiya Lacagta, oo ay sugayaan wakhti uu Doollarku sare u kaco oo ay iibsadaan, taanna waxaanu leenahay joojiya oo arrintaas iska daaya.
Guddoomiye waxa dhacda in qiimaha Doollarka hoos u dhac wayni ku yimaado markaas ma kala hadasheen Wasaarada Ganacsiga, waxaannu yidhi “ Arrintaas waa mid anaga noo taalla waanna mid aan Maskaxdayda ka bixin.
Dhinaca kale waxa isna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe Cabdilaahi Xasan Aadan, waxaanu sheegay in mudadii koobnayd ee ay baanka joogeen ay wax badan ka qabteen hawlaha isla markaana ay shaqada baanku u socoto sidii la rabay.
Agaasimaha guud waxa xusay in ay qorshaha ugu jirto sidii loo samayn lahaa baanankii gaarka loo laha waxaanu yidhi “Waxa aanu ku hawlanahay in la sameeyo baanankii gaarka loo lahaa, waxaanay taasi ku xidhan tahay oo keli ah marka ay ansixiyaan mudanayaasha golaha wakiiladu.” Ayuu yidhi agaasimaha guud ee baanka dhexe.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole na
What are ilmo xaglatoosiye going to do when their somalia shillings are refused in burco airport 

Re: S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole na
that is fine since the so called somaliland shilling is not accepted by most of business in lasanod.Cumar-Labasuul wrote:What are ilmo xaglatoosiye going to do when their somalia shillings are refused in burco airport
and the very few that accept take it for less than half of its supposed value

-
- SomaliNet Super
- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole na
lascaanood maxaa nageynaya, however you guys have only two methods to visit your tuulos: either land in burco and drive to sool or to land in bosaso and drive to sool. But it seems you guys still land in burco as well as hargeisa.malakumod wrote:that is fine since the so called somaliland shilling is not accepted by most of business in lasanod.Cumar-Labasuul wrote:What are ilmo xaglatoosiye going to do when their somalia shillings are refused in burco airport
and the very few that accept take it for less than half of its supposed value

Re: S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole na
Why not Galkacayo or Garowe Airports?, I have never heard of anyone landing in Burco
-
- SomaliNet Super
- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole na
Horaan ku sheegay adigu reer waqooyi ma tihide, ask peace where he landed and you'll be suprised, or even ask babygirl I think she wentExecutive wrote:Why not Galkacayo or Garowe Airports?, I have never heard of anyone landing in Burco

Furthermore, who will land in galkacyo to drive all the way back up to sool

Re: S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole na
I though Futoole banned SSC supporters from Galckayo airport? or was that the Garaads.
Re: S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole na
Cumar-Labasuul wrote:
Horaan ku sheegay adigu reer waqooyi ma tihide, ask peace where he landed and you'll be suprised, or even ask babygirl I think she went
Furthermore, who will land in galkacyo to drive all the way back up to sool
Galkacyo is the nearest major Airport to Laascanood, thats the natural choice of travel. Most carriers fly through Galkacyo. Last year after the reconstruction of Garowe airport, this airport has been used more frequently by the commercial airlines. It could potentially become a major airport in Somalia.
The closest airport to Las Anod is Garowe and the closest major airport is Galkacyo.
Re: S/land chairman of centr bank Sl shiling in the whole na
oormaa La Beddelayaa Lacagta Giimbaarta Ah Ee Ka Socota Gobollada Bariga Somaliland?
Hargeysa(Ramaas) Jan.09, 2011 - Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa caddeeyay inay dhowaan dalka soo gaadhi doonto lacag ay daabacaaddeeda dalbadeen oo aan laga ansixin golaha Wakiilada oo sharcigu awood u siiyay.
Ilaa shantii sannadood ee u dambeeyay, waxa la hadal-hayay bedelaada lacagta Giimbaarta ah ee laga istimaalo gobollada Bariga Somaliland, taas oo Xukuumaddii hore oo dhawr miisaaniyadood ku dartay qorshahaas ay ku guuldaraystay.
Hase yeeshee, guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mr. Dirir Cabdi Dirir, waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin bedelista lacagta Giimbaarta, si ay u suurtogasho in dalka laga isticmaalo lacag isku mid ah, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qorsheyaal uu sheegay inay kula dagaalameen hoos-u-dhaca lacagta Doolarka. “Illaahay mahadii maanta qiimaha sarifka lacagta Doolarka ahi wuxuu marayaa 580,000 (halka doolar), illaa aanu meel munaasib ah gaadhsiinona waanu wadaynaa, waxaana hadda naga maqan oo aanu sugaynayaa lacag cusub daabacaadeedii, taana muddo laba bilood ilaa saddex bilood ah ayaanu filaynaynaa inay dalka soo gaadho, dabadeetana uu sixirka qiimaha Doollarku halkiisii ku noqdo. Dhibaatooyinka hoos-u-dhaca Doollarka waxa keenay lacagteenii oo gobolada oo dhan wax lagaga iibsanayo, isla markaana dibada u baxday markii ay Birtii jabtay oo waxay noqotay lacag culus oo wax lagu kala iibsado, waxaanan rejaynayaa marka ay lacagtaas cusubi dalka soo gaadho in Doollarku halkiisii ku noqon doono.
Dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa inay la socdaan oo ay samir u lahaadaan, khaasatan waxyaabaha dibada inooga yimaada waxa ka mid ah lacagta oo ilaa afar boqol oo Kun lacag ahi sannadkii ay inooga timaado, markaa xoogaagii yaraa ee dibada uga imanayey haddii ay qiimahoodii hoos u dhaco waxa ku adkaanaysa Maceeshadii oo taa anaguba waanu fahamsanahay,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo isaga iyo Agaasimaha guud ee Baanka Mr. Cabdilaahi Xasan Aaden si wadajir ah shalay ugu warameen qaar ka mid ah warbaahinta. Wuxuuna intaa raaciyay, “Waxaan ka codsanayaa qolyaha ganacsatada ah ee Bakhaarada ku haysta lacagta Kaashka ah inay ummadda u soo daayaan, si uu qiimaha Doollarku sare ugu kaco oo uu shacbiga wax ugu taro.”
Mr. Dirir Cabdi ma sheegin sharciga ay u adeegsadeen dalbashada daabacaadda lacagta uu xusay inay dhowaan dalka soo gaadhi doonto, maadaama aan laga ansixin golaha Wakiilada Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay wax ka qabteen isku dhex daadsanaa dhinaca maamulka ah oo ka jirtay Baanka Dhexe, isla markaana ay xoojiyeen laamo ka mid ah Baanka. “Waxaanu rajaynaynaa in aanu lacagta Giimbaarta ah ee gobolada bariga ka bedelo, si loo helo lacag isku mid ah oo dalku leeyahay oo ay meesha uga baxdo lacag kala nooc oo qayb waliba dalkii dhinac kaga socoto, markaa si dhakhso ah baa loo bedelayaa lacagta ku socota Burco, Sanaag iyo wixii la mid ah. Runtii waxaanu ku hawlanahay horumarinta dalka haddii Illaahay nala qabto, waxaanu doonaynaa in aanu casri ka dhigno Baanka oo waxaanu u samaynaynaa nidaam xidhiidhiya Shaqaalaha Baanka, waayo Baanka waxa lagu xaman jirey waxa yaalla Teebabkii laga baxay, hadda Kambayuutaro ayaanu keenay, kuwaasoo aanu u samaynay barnaamij xidhiidhinaya dhammaan qalabka xafiisyada oo qof walba u sahlaysa inuu ogaada Xisaabtu halkay marayso. Midda kale, waxaanu ku hawlanahay in aannu wax ka bedelo Maamulka Baanka oo aad markii hore moodaysay in uu isku yar dhex daadsan yahay, markaa imika laamo ka mid ah Maamulka Baanka waanu xoojinay, qaar kalena waanu xoojinaynaa,” ayuu yidhi.
Guddoomiyuhu waxa uu dadweynaha reer Somaliland uga digay lacago been-abuur ah, taasoo uu tilmaamay inay suuqyada soo gasho marka lacagta Shillin Somalilandka ahi ku yaraato.
Waxa uu sheegay inay jiraan dad bakhaaro ku kaydiya lacagta Somaliland, si ay suuq soo gelinteeda ugu beegaan waqti lacagta Dolar-ku sare u kacdo. “Way jiraan nimankaa istoodhada ku kaydiya lacagta oo ay sugayaan waqti uu Doollarku sare u kaco oo ay iibsadaan, taana waxaanu leenahay joojiya oo arrintaas iska daaya,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo la waydiiyay inuu wax kulan ah la yeeshay sarrifleyaasha suuqyada lacagaha.
Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe Mr. Cabdilaahi Xasan Aaden oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas,waxa uu sheegay in muddo kooban oo maamulkoodu joogay ay wax badan ka qabteen hawlaha Baanka oo uu xusay in shaqadiisu sidii la doonayay haatan u socoto. “Waxaanu ku hawlanahay in la sameeyo Baanankii gaarka loo lahaa, waxaanay taasi ku xidhan tahay oo keli ah marka ay ansixiyaan mudanayaasha golaha Wakiiladu,” ayuu yidhi Agaasimuhu.
Wargeyska Ogaal.
http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=5476

if this turns out to be a success then the Kulmiye administration made real progress something both the rayaale administration and cigaal administration could not achieve

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 248 Views
-
Last post by Sanaagian
-
- 11 Replies
- 1359 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 23 Replies
- 1402 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 12 Replies
- 1679 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 3 Replies
- 692 Views
-
Last post by Substance
-
- 2 Replies
- 801 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 8 Replies
- 1458 Views
-
Last post by sconosciuto
-
- 22 Replies
- 3112 Views
-
Last post by AwRastaale
-
- 19 Replies
- 2946 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 1 Replies
- 671 Views
-
Last post by quark