Hargeysa, January 7, 2011 (Haatuf) - Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa sheegay in biyo la’aan ba’an iyo abaaro ku habsaday magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ay khatar ugu jiraan dadka ku dhaqan deegaanadaasi iyo Xoolahoodaba in masiibo weyni ku habsato oo gayeysiin karta baaba iyo dhimasho soo food saarta.
Mr Xaabsade waxa uu intaa ku daray hadii aan gurmad deg-deg ah lala gaadhin in cudurka Kalooruhu ka dilaaci doono waxaanu intaa ku daray in dadka dan yarta ah markii ay goyn waayeen qiimaha Foostada biyaha ah oo gaadhay $12 dollar ay dantu ku khasabtay inay cabaan biyaha qadhaadh ee sumaysan.
Xaabsade waxa kale oo uu sheegay in xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka joogaa ay ka hawl galaan sidii loo samata bixin lahaa dadka ku dhaqan gobolkaasi Sool oo uu sheegay in dad badan oo ka soo hayaamay degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Burco ay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah iyaga iyo xoolahooduba deegaanada gobolka Sool ee Abaaraha iyo biyo la’aanta ba’ani ka taagan yihii.
Dhinaca kale Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu sheegay in shaqaaqadii Kal-shaale xalinteeda gacanta lagu hayo labadii beelood-na ay diyaar u yihiin inay wada hadlaan.
Waxa uu sidaasi ku sheegay xoog waran khaas ah oo uu shalay galab wargeyska Haatuf siiyay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa baaq ku wajahan abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan laascaanood, waxa uu yidhi “Magaalada laascaanoo waxa ka jirta abaar ba’an gaar ahaan biyo la’aan baahsan, magaalada laascaanood gudaheeda Foostada biyaha ah qiimaheegu waxa uu ka badan yahay $12 ayay maraysaa, booyadii 30 Foosto qaadaysana waxay maraysaa $360 oo aan tafaariiq lagu iibinayn oo dadkii dan yarta ahaa aanay fosto fosto u iibsan karayn, waxa kale oo dhibaato ka taagan tahay deegaanadii biyaha laga soo dhaamin jiray oo biyihii ka dhamaadeen, waxay maraysaa in Masaafo gaadhaysa 70 Km ilaa 80 Km ayay booyadihii biyaha u raadinayaan taasina waxay keentay inaanay dadweynuhu awoodi karayn qiimahaa biyuhu gaadheen. Xukuumada Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah xaalada iyo duruufahaa taagan ay wax uga qabtaan, xilna iska saaran xaaladaasi oo ah mid aan la sii eegan Karin, wixii la sii eegtaaba dhimashey keenaysaa, waxa iyaduna dabad socota saddex bilood oo abaar ah iyadoo biyihiina ay sidaa ku dhamaadeen, Xooluhuna ay biyaahasi ku noolaayeen, taas oo gurmad deg-deg ah ay u baahan yihiin oo lala soo gaadho Xoolaha, iyadoo deeganadaasi ay iskugu tageen Xoolo dhaqatadii gobolada Burco iyo Ceel-afweyn waa laga soo qaxay, oo waxay dadku soo aadeen gobolkaasi Sool oo ay iskugu yimaadeen biyo la’aanta halkaasi ka jirta, hay’adaha caalamiga ah waxaan ka codsanayaa inay arintaasi wax ka qabtaan”
Mar aanu weydiinay in dad haraad u dhintay ay jiraan biyo la’aanta jirta, waxa uu yidhi “Dhimasho nalooma sheegin laakiin waxaa na loo sheegay in dad iibsan kari waayay biyaha ay cabayaan biyihii qadhaadha ee sunta ahaa cabayaan oo cuduro calool xanuun, xundhur iyo kalooraba ka dilaaci karo”
Mar aanu weydiinay madaama abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan Sool muddooyinka danbe qaylo dhaantu ka soo yeedhaysay deegaanadaasi in xukuumada Siillaanyo la odhan karo wey hagratay wax ka qabashadeeda waxa u yidh “Taa lama odhan karo, dhibaato maal kastaba wey taalaye waa meeshii ugu danbeysay ee Roob ka da’ay ee dadkii oo dhami iskugu tageen”
Mar aanu weydiinay shaqaaqadii ka aloosanayd Kal-shaale oo heshiis nabadeed isla qaateen labadii beelood halka ay marayso xal u helidii colaadaasi beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle, waxa uu yidhi “Arinta Kal-shaale waa la wadaa waanay socotaa, labada beedloodba waxay diyaar u yihiin in la wada hadlo oo la si dhex galo, beelahaasina dad dagaalami kara oo coloobo kara oo kala tagi kara maaha, waa dad wada dhashay waxaan iyagana ugu baaqayaa hawshaa Kal-shaale ee gacanta lagu hayana si dhakhso ah ah loo dhamays tiro”.