Monday, 10 January 2011 09:46 Read : 401 times
(Muqdisho – Jannaayo 10, 2010) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta ugu
bishaareeyay ciidamada qalabka sida in mushaarkii bisha Jannaayo 2011 uu diyaar u yahay in la
bixiyo, taasoo imaaneysa in ka yar toddobaad markii ay Xukuumaddu dhameysay bixinta
mushaarka bishii Diseembar 2010. Arrintan ayaa daba joogta kaddib markuu Baarlamaanku
ansixiyay miisaaniyadda dowladda, iyadoo baahida ciidanka iyo shaqaalaha dowladdu ay
meesha sare kaga jiraan miisaniyadda la ansixiyay.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji, ayaa yiri:
“Xukuumadda waxay daryeeli doontaa doontaa ciidamada qalabka sida si ay dalka uga
xoreeyaan arxan-darrada ay shacabka ku hayaan xag-jirka. Marka Xukuumaddu idin daryeesho,
waxaa idinkana laydinka doonayaa inaad kordhisaan dadaalka aad dalka kaga difaaceysaan
cadowga gudaha iyo kan dibedda.
Wasiirku wuxuu ugu mahadceliyay ciidamada howl-karnimada iyo naf-hurista ay sameeyeen,
isagoo ku dhiirrigeliyay inay horseed ka noqdaan geeddi-socodka nabadda iyo ammaanka dib
loogu soo celinayo dalka.
“Xukuumaddu waxay mudnaan siin doontaa bixinta mushaarka ciidanka waqtigii loogu
talogalay, iyo wax-ka-qabashada baahida saadka, caafimaadka iyo adeegyada kale.”
“Madaxeynaha, oo ah Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida, wuxuu waqti badan ku bixiyay
siduu wax uga qaban lahaa baahida ciidamada qalabka sida. Raysal-wasaaraha iyo Golaha
Wasiiraduba waxay ka wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka dalka iyo daryeelka
ciidanka.”
Mrcheese is somehow better than the fatguy after all.

