Kulan Balaadhan oo Duuriyada Reer Sheikh Isxaaq iskugu Timi

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Kulan Balaadhan oo Duuriyada Reer Sheikh Isxaaq iskugu Timi

Post by LiQaaye_TDH »

Image
Image
Image
Image
Image

Kulan ballaadhan gaar ah oo duco iyo Alle bari ah oo aan shaqo lahayn siyaasad iyo ujeedeeyin gaar ah oo kale ayaa maanta ka dhacay xarunta lagu magacaabo Sir Ali Muslim Clup oo ku taala caasimadda dalka Kenya, waxaana kulankaa dadweynaha kala qayb galay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Md Maxamed Axmed Idha-Buur, iuo Maxamuud Aar oo ah madaxa ganacsatada xaafadda Islii, iyo Ibraahim Axmed Johny oo hadda ka hor isku soo sharixay xubin baarlaamaani ah oo u taagan xaafadda Islii. Maxamed Jaamac Madar oo ah gudoomiyaha Isxaaqiya.

Kulankan ducada ah oo ay isugu yimaadeen beesha Dhexe ee Somaliland, ayaa ahaa mid loogu ducaynayay Sheekh Isaqaax iyo guud ahaan dadka Somaliland meel kasta oo ay Joogaan.

Maxamuud Aar, ayaa ku nuux nuuxsaday taariikhda ay leedahay beesha Isxaaq, isagoo tilmaamay in beeshu siday iminka tahay iyo hadda ka hor ay u dhexayso farqi aad u wayn, wuxuu xooga saaran in dhalinyarada aan aqoonta lahayn laga saacido sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen ku filan dhalintaas.


Waxaa isna hadal qiiro leh halkaa ka jeediyay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Md Maxamed Axmed Idha-Buur, wuxuu isaguna marka hore hadalkiisa ku bilaabay fariin uu ka siday madaxweynaha Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuuna safiirku isna si qoto dheer uga hadlay kala-qaybinta maanta ka socota dalka Suudaan, oo uu ku tilmaamay in Somaliland ay dulqaad u yeelato inta laga gaadhayo inay gooni isu taagaan, maadaama ay Afrika ka bilaabatay in wadamo ka mid ah la kala qaybiyo.

Safiirku wuxuu intaa ku daray hadal gaaban oo ahaa "Mar dhow waxaanu ku talo jirnaa inaanu halkan Kenya ka furno safaarad ay leedahay Somaliland, maadaama dadka u socda wadanka Somaliland aysan jirin meel ay ka qaataan dal-kugalka Somaliland."

Waxaa goobta iyana hadal ka jeedisay madaxa haweenka jaaliyadda reer-Somaliland maama Aamino Kinsi, oo marka hore salaan u dirtay madaxweyne Siilaanyo iyo shacabka Somaliland meel walba oo ay joogaan, waxay aad dadkii goobta yimid ka codsatay in la is cafiyo si Illaahay umuurta Somaliland iyo umuuraha kale ee dhexdeena inoogu fududeeyo.

Halkaas oo markii dambe la isla ogolaaday dhamaan wixii lasoo jeediyay ee talo iyo tusaaleba ahaa, shirkaas ayaa ku soo idlaaday guul.
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Kulan Balaadhan oo Duuriyada Reer Sheikh Isxaaq iskugu T

Post by Cumar-Labasuul »

What was the purpose of the meeting?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”