K/T Zinawi gogol beenaadka uu u fidinayo dadka loogu yeedhay qurba-joogta S.Ogadenya iyo dhex-joogiisa iyo dhoola cadayntiisa ay ka muuqato makriga iyo xasadnimada uu qarin la'yahay waxay leedahay un hal fasiraad. Ha ka dhex baaro qofkii doonaya inuu ogaado fasiraada ay leedahay riwaayadan uu jilayo dhiigyacab Meles taxanaha taariikhda dhow ee shacabka S. Ogadenya iyo kooxda budhacadda ah ee masuulka uu ka yahay Zinawi ee Wayanaaha. Sidoo kale haka dhex baaro taariikhda dalkan loo yaqaano hadda Itobiya iyo waxa ay ka aaminsanyihiin umadda Somaliyeed guud ahaan iyo dalka ay leeyihiin ee dhaca koonfur-berri ee boqortooyadii Abyssinia.
Zinawi wuxuu ahaa midkii ugu hanjabay odayaasha 1995tii markuu dalbaday in loogu soo ururiyay Qabridahare iyo midkii ka horeeyay ee ka dhacay Godey inuu hortooda keeni doono muddo 3ex bilood ku siman hadaanay soo celin maydka wiilashooda duurka galay (siduu hadalka u dhigay). Maxaa is-badalay?
Wax badan ayaa is-badalay intii u dhexeysay maalintaa iyo maanta. Hadaad xusuusataan qoramadii uu noo soo gudbiyay N/hure Ciraaqi oo uu kaga warbixinayay xaaladihii ay soo mareen 1995kii wuxuu ku bilaabay sidan;
- Waxaan ka soo baxay magaalada Dhagaxbuur 14/11/1995 saacadda markay ahayd todoba iyo badh kii fiidnimo anigoo aad u baqanaaya maxaa yeelay waxaan horjooge u ahaa unugtii magaalada ka hawl galaysay oo markaa waanu fashilanay oo aniga iyo gabadh ayaa lana sheegay. Makaan sadex habeen magaada ku dhex gabanayay ayaan go’aan gaadhay ah inaan baxo oon qoriga qaato. Sidaan kuu sheegay waxaan magaaladii ka baxay 7.30 fiidnimo waana guurogalay. Waxaan u hooyday meel tuulo ah. Markaan salaadii subax tukaday ayaan sii watay socodkaaygii oo waxaan ku hagaagay meeshii aan kaga warhayay jabhadii oo ah qaybta Jarareed. Waxaan tegay meel mukhaayd ah 12kii duhurnimo. Markaan fadhiistay ee la yidhi war Eebe ma kaa soo nabadgaliyay cadowgii oo aad loogu farxay ayaa waxaa soo muuqday ciidan. Markaasey dadkii waxaay yidhahaadeen waatan jabhadii. Waxaa markaa gudoomiye ka ahaa mudane Sulub Cabdi. Waxaa meeshii iigu yimid rag ay ku jiraan mudane Sulub iyo Xaliye. Meeshiibaan isku waraysanay oo waxaan u sheegay inaan go’aansaday inaan qoriga qaato. War bixintii ka dib ayaan waxaan ka caroownay galabnimadii oo waxaan tagnay xeradii oo ciidan aad u yari joogo. Waxaan ku idhi imisaa tihiin? Waxaay yidhahaadeen waxaanu nahay 26 nin. Waxaan weydiiyay; imisaa maqan? Waxaay yidhahaadeen 11 nin oo dhaqaale noo soo guraysa. Isu-geyn waxay noqdeen 37 nin oon ku noqoday 38. Waxyaroo fasax ku maqnaa way jireen. Qoyaha la haaysto markaa waxaa badankood lahaa shacabka. Xabaduhu aad bay u yaraayeen.
Taariikhdaa hadaad ka soo ambaqaado ood barbardhigto maanta xaaladda sida ay tahay waxaa kuu soo baxaya is-badala badan oo laga soo gudbay. Itobiya midii hore ma'aha. Zinawi-na midkii hore ma'aha. ONLF-na midii hore ma'aha.
- Itobiya waxay xaqiiqsatay in dhulka la yidhaahdo Ogadenya (magacaad rabto ula bax) ay joogaan dadkii lahaa oo aanay jirin beentii lagu soo anqadhiyay ee ahayd waa dhul Itobiya ah oo reer guuraa Somali ah ay kolba xadka dhan uga daaqsin tagaan oo dawladda Somaliya ay doonayso inay xoog ku qaadato. Somaliya burburtay, halgankii Ogadenya ka socday iyo dagaalkii u dhexeeyay gumaysiga iyo gumaysi diidkana sidii iyo si ka daran ayuu u socdaa.
- Zinawi waxaa u cadaadatay inuusan shacabkan dil iyo dhac iyo xadhig ku maquunin karin oo ay yihiin shacab ka duwan kana bisil siyaasad ahaan iyo heer ururunimo-ba shacabka daanta kale ka daga xadka u dhexeeya labada dal. Wuxuu soo taabtay geesinimada shacabkan iyo isku duubnidooda iyo kani adaygooda. Gude iyo dibadba wuxuu ugu tagay dad Somali ah oo ka duwan qolyihii uu soo dhex maray markuu riday xukunkii Mingisto ee kabaha madax uu u soo saaray.
- ONLF-tii ahayd waagaa uu u hanjabayay odoyaasha sidaa uu inoo tilmaamay N/hure Ciraaqi isla qoraalkiisii ayuu ku soo gabagabeeyay sidan;
- Hadaan ka hadlo horumrka aan gaadhnay, meeshii aan ugu tegay markaan soo baxay 1995/11/14 ee ciidanka jooga qaaybtoo idil ay ahayd 40ka nin oo watay qoryo shacabku leeyahay, ayaa lagu diyaariyay hawl-galkii Cobole. Markaay qaybtii isutimid oo layidhi ciidanka maanta waa inuu ku qadeeyaa hilib waxaa la soo gaday 90 neef oo adhiya. Waa laqalay waa la bisleeyay waxaay u heleen nin iyo waslad, waxaana la yaqaanaa halka neef ee adhiga ahi wuxuu deeqaa 20 nin. Taasi waxaay ku tusi horumarka la gaadhay ee dhan walaba ah. ciidankaa kuligood waxay wateen hub jabhadu leedahay oo rasaas ka buuxdo. Waa Ilaahaay mahadii.
Sidoo kale ururadii bulshada iyo kuwii jaaliyadaha ayaa taabagalay. Waxay noqotay markii ugu horeysay taariikhda qoran in gole caalami ah oo ay maamulayaan ururo caalami ah in lagu dhex arko wafti ka socda Ogadenya, Itobiyana ay awoodi kari weydo inay dhex fadhido goobtii oy ka cararto.
Mudadaa dhowr iyo labaatanka sano ah waxaa lagu waraabiyay dhirta Ogadenya dhiiga naftood-hurayaasha. Geed walba oo hadh macaan leh waxay ula bexeen CWXO magac shihiid (Geedkii hebel la dhigay), ubadkii ku dhashay halganka JWXO ayaa maanta hubka qaaday. Waxaa kaloo ku cayaaraya ulo ay qoryo ka dhigteen caruurtii ay dhaleen oo ah jiilka 3xaad ee JWXO.
Waa gartii marka inuu seexan waayo K/T Zinawi oo beenta loo sheego uu rumaysto. Waa caado kalitalisnimo inuu beenta ku raaxaysto, runtana is-diidsiiyo. Waxaana hubaal ah inay isla godgali doonaan isaga iyo ku-dul-noolayaasha (parasites) bulshada sida ay isula godgalaan gorayaanka (tape worm).
ONA.
