Siilaanyo Waa Carab Dheere Kale

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
AbrahamXirsi
Posts: 136
Joined: Wed May 05, 2010 7:09 pm

Siilaanyo Waa Carab Dheere Kale

Post by AbrahamXirsi »

Lasanod Online. Tuesday, January 11, 2011



Maqaal:- Axmed Siilaanyo, Madaxweynaha maamulka Somaliland ee ka dhisan magaalada Hargeysa, wuxuu ku socdaa oo hirgelinayaa ama fulinayaa..

siyaasaddii awoowgiis Carab Dheere.

Qofkaan aqoon ayaa loo sheegayaa, Carab Dheere wuxuu ahaa gaashaanle (mijir) ka tirsan ciidamadii Ingiriiska ee sanadkii 1921 jebiyey ciidamadii dawladdii Daraawiishta ee magaalda Taleex xarunta u ahayd.

Kadib markii dawladdii Daraawiishtu bur-burtay ayaa Carab Dheere badhasaab (governor) looga dhigay magaalada Burco. Waxaa la sheegay inuu Carab Dheere ahaa nin dilaa ah oo naxariis daran oo aan Alle ka baqin cidna u tudhin. Wuxuu ku kacay falal aad u xun oo waxshinimo ah uu u gaystay dad Dhulbahante ah. Waxaa la sheegay inuu rag geed kasoo del-delay dabadeedna cagaha ka karbaashay.

Cadaalad darrada iyo dulmiga uu ku kacay waxaa ka mid ahaa isagoo ku yidhi beesha Habarjeclo iyo Habar Yoonista bari “haddii hal aad leedihiin dhereg u dhimato, waxaad dhahdaan Dhulbahantaa dilay kadibna anaa idiin xukumaya. Waxaa dhacday in markii ay u adkaysan kariweyday cadaadiskii iyo bahdalaadii Carab Dheere ku hayay, ay beeshii Dhulbahante barakacday oo dhulkeedii ka guurtay kadibna waxaa dhulkii dadkii lahaa laga raray ku habsaday Habaarjeclo iyo Habar Yoonis bari.

Muddo boqol sano ah (qarni) beesha habarjeclo iyo HaabarYoonista bari waxay si aan kalago’ lahayn u wadeen dhul-durugsi, is-ballaadhin, dhul ku habsi, xoog ku boob dhul ay leedahay beesha Dhulbahante. Axmed Silaanyo wuxuu hadda u dhaqmaa sidii awoowgiis Carab Dheere. Wuxuu si cad u muujiyey inuu si gaar ah ugu hiilinayo beesha uu ka dhashay. Wuxuuna isticmaalayaa tab iyo taag si uu Dhulbahante oo xoog ku muquuniyo oo ku khasbo inay qoorta dhigtaan oo madaxa hoos u rogaan(reer barigu waxay dhahaan aa la tahay).

Waxaan soo bandhigayaa liisto aan dhammays tirnayn oo mujinaysa dhulkii Habarjeclo iyo Habar Yoonista bari ay beesha Dhulbahante ka qabsadeen boqolkii sano ee la soo dhaafay. Deegaanada laamiga xagga bariga ka xiga waa kuwan:

Gawsaweyne, gar-adag, siigodheer, fadhigaab, ceel-afweyn, dararaweyne, dogoble, bohol, docosha, sincaaro, qoridheere iyo godheeli.

Laamiga iyo wixii galbeed ka xiga:

Kiridh, wadaamogo, caynabo, ceeldhaab, oog, guumays, qorilugud, ballidhiig, coodanle, ballicalanle, harawaati, balliwayn, badwayn, kalshaale, maygaagle, hagoogane. Intaas waxaad ku dartaa dhulka ay xukumaan laakiinse ayan weli lawada wareegin. Waxaa ka mid ah: Yagoori, adhicaddeeye, Laascaanood, kalabaydh iyo widh-widh. Intaa waxaa dheer beesha habarjeclo gaar ahaan Solowmadow oo la soo
baxday tab cusub oo ah ku qabso, qadimayside sida hadda ka dhacday Kalshaale.

Doolaalada iyo duulaanka beesha Habarjeclo dhammaad ma leh. Haddaba shacabka SSC
waa inuu dhulka inta ka hadhay ku faro adaygaa oo difaacaa.


Maxamed Cali Daad


http://lasanod.com/details.php?num=5178
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Siilaanyo Waa Carab Dheere Kale

Post by Cali_Gaab »

:lol: :lol: :lol: :lol:

This is just pathetic man. Delete this clan topic.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”