Garowe(Puntlandi.com)Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya mudane Cabdirahmaan Faroole ayaa booqasho rasmi ah ku aadi doona wadanka Sweden bisha Maajo (May) 2011, Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelin doona dhowr wasiir oo ka tirsan Golaha wasiirada Puntland iyo Masuuliyiin ka tirsan Gobolada qaarkood sida aan warka ku helney.
Safarka uu Madaxweyne Faroole ku aadayo Yurub ayaa ah mid shaqo iyo casuumaado uu ka heley wadamada qaar,balse wuxuu safarku ka bilaabanayaa wadanka Sweden.
Waftiga Madaxweyne Faroole ayaa ku wajahan Sweden bilowga bisha Maajo ee sanadkaan, wuxuuna kulamo kala duwan la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan Dowlada Sweden, Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden ayaa iyana heli doona jaanis ay kula kulmaan Waftiga, waxaana jaaliyada Puntland ee Sweden ay kulan la yeelan doonaan Waftiga uu horkacayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole (HAI).