dawlada dhexe sanaag u gudbiyey heerka ay marayso Abaarta

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

dawlada dhexe sanaag u gudbiyey heerka ay marayso Abaarta

Post by FBISOMALIA »

Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay wafti sare oo kasocda Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland ayna la socdaan qaarkamid ah odayaasha & Waxgaradka ku dhaqan gobolkaasi ay kusugnaayeen Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland halkaas oo ay kulamo kaladuwan oo ku saabsan abaarta ba’an ee gobolkaas kajirta & heerka ay marayso ay u gudbiyeen madaxda dawlada Puntland gaar ahaana gudiga sare ee qiimeynta Abaaraha dalka.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee dawlada Puntland Maxamuud Siciid Nuur (Dabeyl) oo waftigan horkacaya ayaa APL u sheegey in ay deegaano kamid ah gobolkaasi ay kajiraan dhibaatooyin culus oo dhanka Abaaraha ah kuwaas oo ay ugu horeyso biyo yari laga dareemayo deegaanada qaarkood oo uu sheegey in sanadihii tageyba ay ku yaraayeen roobabkii caadiga ah ee uu gobolkaasi caanka ku ahaa.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegey in kasokow roob yarida ay dhibaatooyinka ugu waaweyn ay yihiin ceelashii ay isticmaali jireen intabadan degmooyinka gobolkaas oo uu sheegey in ay intooda badani halaysanyihiin islamarkaasna hadii aanan dadkaas waxbadan loo qaban ay khatar galayso jiritaanka dadka & doonyada halkaas ku dhaqan.

Dhinaca kale wuxuu Maxamuud Siciid Nuur (Dabeyl) baaq ku saabsan xaalka gobolkaas kasoo saaray magaalada Garoowe,waxaana uu baaqaas u diray dawlada dhexe ee Puntland & hay’adaha caalamiga ah oo uu sheegey in ay abaartu gaartay meel xun islamarkaasna ay khatar geli karaan faa’iidooyinkii beeraha oo uu gobolka Sanaag hodan ku yahay.
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: dawlada dhexe sanaag u gudbiyey heerka ay marayso Abaart

Post by sheekh-Farax-zero »

FBISOMALIA wrote:
,waxaana uu baaqaas u diray dawlada dhexe ee Puntland & hay’adaha caalamiga ah oo uu sheegey in ay abaartu gaartay meel xun islamarkaasna ay khatar geli karaan faa’iidooyinkii beeraha oo uu gobolka Sanaag hodan ku yahay.
WTF

webside yada somalida kuwa qora in wax la baray u baahan yihiin,, goormay Puntland dowlad dhexe noqotay :arrow:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: dawlada dhexe sanaag u gudbiyey heerka ay marayso Abaart

Post by FBISOMALIA »

^
when makkhir rejoin with puntland that time puntland choice Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur responsible of bari sanag recently he was in garowe for asking for water shortage and as you read the government give them what the daqan ppl wants and before that build baraan jail ....not to mention minister of internal puntland ilkajiir visit many time the lands and check for what they need :ugeek:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”