Dugsi Cusub Oo Loo Dhisay Tuulada Shilmaale Gobolka Oodweyne

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Dugsi Cusub Oo Loo Dhisay Tuulada Shilmaale Gobolka Oodweyne

Post by Siciid85 »

Dugsi Cusub Oo Loo Dhisay Tuulada Shilmaale Oo Xadhiga Laga Jaray + SAWIRO


Hargeysa (OWN)- Dugsi cusub oo markii ugu horaysay loo dhisay tuulada Shilmaale oo ka tirsan deegaanka gobolka Oodweyne, isla markaana noqon doona hoose/dhexe ayaa xadhiga laga jiray, kaas oo ay maalgelisay Hay’ada CARITUS.

Xaflada xadhiga lagaga jarayay iskuulkaas oo lagu qabtay isla xarunta dugsiga, ayaa waxa ka qayb-galay Agaasimaha waxbrashada ee W/warbarashada, guddoomiyaha gobolka Oodweyme, madaxda hay’adda CARITUS, masuuliyiinta madaxda iyo odoyaasha tuulada Shilmaale, guddoomiyaha uruka ururka Caglibaaxle, macalimiinta iyo ardayda deegaanka Shilmaale.

Agaasimaha wasaarada waxbarshada Cali Axmed Cali oo halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey hay’adda CARITUS ee suurtagelisay dhismaha iskuulka oo deegaanku baahi weyn u qabay, isla markaana waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan kaalintooda ka qaadan doonaan wixii gacan ah ee ay ka gaysan karayaan baahida waxbarasho ee deegaanka Shilmaale.

Guddoomiyaha gobolka Oodweyne Maxamed Gahayr Xirsi, oo isna madashaas hadal ka jeediyey ayaa si weyn u bogaadiyey hay’ada dhismaha hirgelisay, isla mar ahaantaana tilmaamay in dugsigani ahaa mid weyn baahi weyn loogu qabay, isaga oo dadweynaha Shilmaalena ku adkeeyey inay ilaashadaan iskuulka.



Madaxa hay’adda CARITUS Nuura Cali Magan oo yaduna halkaa hadal kooban ka soo jeedisay, ayaa xustay inay hay’ad ahaan mar kasta diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada horumarinta kaabayaasha waxbarashada, iyada tilmaantay inay deegaagno badan oo ka tirsan gobolka Oodweyne inay ka hirgeliyeen iskuulo waxbrasho.



Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Caglibaaxle Khadar Ibraahim Barbaraawi, Gudoomiyaha tuulada Shilmaale Cabdiqaadir Muuse Yaasin iyo xubno kale oo dhammaantood ku nuux-nuuxsaday baahida deegaanku u qabay iskuul sidan oo kale ah.


Ugu dambayntii waxa halkaa lagu bixiyey shahaadooyin ay soo diyaariyeen guddidad tuulada Shilmaale, iyada oo la kala guddoonsiiyey hay’adda CARITUS, Wasaarada waxbarashada, Fowsi Ismaaciil Cilmo ooh ore tuulada uga hirgeliyey maxad waxbarasho, shirkada iskuulka dhistay, hay’adda wadaniga ahee ADO oo iyana ka halwgalo ka fulisay beeraha deegaanka iyo wacyigelino kale.


Image


Image


Image



Image


Image
Last edited by Siciid85 on Thu Jan 13, 2011 11:42 am, edited 1 time in total.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dugsi Cusub Oo Loo Dhisay Tuulada Shilmaale Gobolka Oodw

Post by Siciid85 »

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dugsi Cusub Oo Loo Dhisay Tuulada Shilmaale Gobolka Oodw

Post by Siciid85 »

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dugsi Cusub Oo Loo Dhisay Tuulada Shilmaale Gobolka Oodw

Post by The_Emperior5 »

Mashallah good work :sland: :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dugsi Cusub Oo Loo Dhisay Tuulada Shilmaale Gobolka Oodw

Post by Siciid85 »

Indeed good work. :up: Shilmaale is the hometown of Kalil. :lol: Carablaha ba deega.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”