Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by grandpakhalif »

Editorial: Riyadii Dowlad Goboleedka Jubbaland Halkee Maraysaa?
Image
Prof. Gaandi oo MN lagu soo dhaweeyay

Ku-taamida dhismaha dawlad goboleedka Jubbaland waxaa uu ka horeeyay Puntland iyo kuwo kale oo aad u mugac dheer. Waxayna noqotay arritnu “Caynabaa ka biyo dhow” oo had iyo jeer waxaa hareeya dagaal iyo muran xoog leh. Sadexda gobol ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe weeye kuwa lagu wado in maamulkaasi ka hirgalo. Waxaa dhamaantood gacanta ku haya kooxda xag-jirkaa ee Al-shabaab ee Soomaaliya. Balse waxaa jira dadaal ka soconaya dalka Kenya ayna hormuud ka tahay dawlada Kenya.

Shirar iyo hawlo lagu doonayo dhismaha maamul dibad joog ah oo goboladaasi yeeshaan ayaa ka socda magaalada Nairobi. Waxaana lagu wadaa in dhawaan maamulkaas dibad-joogaa lagu dhawaaqo. Sida dhacday in horey maamul goboleedyo noocan oo kalaa looga dhawaaqo dalka dibadiisa deegaano aanba gacan ku jirin. Waxaana laga xusi karaa maamulada dibad joogaa Hiiraan, Ximan iyo Xeeb, iyo Galmudug, dhamaantood waa magac u yaal ama maamul isku sheeg.

Midkan cusub ee loo doonayo Jubbooyinka iyo Gedo ayaa isagu xiiso gooni ah leh. Maxaayeelay naakhuudayaasha ama gacmaha ku jiraa waa kuwo aad u badan. Waxaana muuqata caqabadihiisu inay aad u badan yihiin. Wadada uu hayana tahay mid ay adag-tahay inuu suurto galo.

Hawshan waxaa in mudaaba sal-dhig u ahaa Prof. Maxamed Cabdi Maxamed “Gaandi” oo isagu haysta taageerada Midowga Yurub iyo Dowlada Kenya. Waxaa uu haystaa dhalashada Faransiiska oo u wax ku bartay kana soo shaqeeyay. Waana nimay faransiisku aad ugu kalsoon yihiin, inta badana danahooda fuliya. Taasna ay gayaysiisay inuu helo taageeradooda loona kasbay in urur goboleedka Midowga Yurub gacan buuxda oo dhaqaale ku siiyo arrintaasi. Dhanka Kenya waxaa uu xiriir fiican la sameeyay wasiirka gaashaandhiga Yusuf Xaaji oo ay isku qabiil yihiin. Wasiirku isna waxaa uu dawlada Kenya ku qanciyay sida muuqata in goboladan xuduuda xiga siyaasad ahaan dalka Kenya lagu soo xiro.

Waxaa in mudaa dalka Kenya gaar ahaan deegaanka Siyeeglow ku xaraysan kumanaan ciidan Soomaaliyeed ah oo halkaasi lagu tabo baro, oo sida la sheegayna loo wado inay noqdaan ciidankii goboladaas lagu xoreyn lahaa laguna xukumi lahaa. Misaaniyadooda waxaa bixiya ciidanka Midowga reer Yurub, tabo barka iyo nidaamkana waxaa qaabilsan Kenya. Cududda ciidan waxaa garab socda shirar is dabo jog ah oo ka dhacaya magaalda Nairobi kuwaas oo lagu raadinayo taageero qabiilada deegaanka ee ay hormuudka ka yihiin Ogaadeen iyo Mareexaan. Sida hawshu ay ku socotana waxaa macquul ah in dhawaan maamul goboleedkaas lagu dhawaaqo.

Waxaa sidoo kale soo shaac-baxay in si weyn dowlada Itoobiya arrintaas uga soo hor-jeedo. Itoobiya waxay ay u-gashay dadaal in la baajiyo qorshahan maamul iyo ciidan. Waxay dood ka dhex abuurtay dowlada Kenya ee ayadu sal-dhiga u ah qorshahan. Walisa waxaad moodaa in hawshaas Itoobiya wax badan ka badali la’dahay. Dacwada arrintan waxay gaartay in dalka Itoobiya uu Maraykanka ku dacweeyay Kenya sida ka soo shaac baxday sirtii dalada Mareykanka ka fakatay ee lagu daabacay Wikileaks. Itoobiya waxa ay ku mudacaysaa in dhismaha Jubbaland la mid yahay “ONLF oo xarun iyo sal-dhig cusub la siiyay” aysana marna raali ka noqonayn in maamul goboleedka Jubbaland hirgalo. Qabiilada hormuudka ka ah maamulkan weeye sababta Itoobiya u liqi la’dahay arrinta. Ayadoo aaminsan in Ogaadeen yahay ONLF ama mucaarad hubaysan, halka Mareexaankuna yahay wadaniyiin aaminsan fikirka Soomaali weyn (Nationalists) labaduba uma kala sokeeyaan xeerka dhabtaa ee Itoobiya waana cadowgooda rasmigaa ee geeska Afrika.

Ayadooy Itoobiya tahay caqabada ugu weyn ee wali hortaagan hirgalka Jubbaland ayaa waxaa kaloo caqabadaha kamid ah danta dowlada Kenya oo qudheedu ah mid guracan oo aan wali si buuxda u qeexnayn lagana yaabo inay himiladeedu maamul samayn kasii qoto dheer-tahay oo hunguri ka hayo inay max-miday ama qeyb u hesho goboladaan. Kooxaha xag-jirkaa ee iyagu gacanta ku haya deegaanka iyana waa caqabad weyn oo aad moodo in is haysiga Kenya iyo Itoobiya u hiilinayo ama u sii cimri dheeraynayo.

Intaas waxaa sii dheer is faham la’aanta dhex taal Soomaalida deegaanka gaar ahaan qabiilada hormuudkaa ee Ogadeenka iyo Mareexaanka. Mareexaanka oo iyagu hormuud ka ahaa maamulkii deegaanadaas ee Isbahaysiga Dooxada Jubba ee ka arriminayay deegaanka intaanay kooxha xag-jirkaahi la wareegin, ayaa xoogiisa ciidan waxaa uu fadhiyaa Doolow waxaana ay awood ahaan ku tiirsan yihiin dowlada Itoobiya. Halka Ogadeen uu awooda ahaan ku tiirsan yahay dowlada Kenya ciidankooduna ku sugan yahay Siyeeglow. Mareexaanku uma muuqdo kuwo ku qanacsay ama si buuxda looga talo galinayo qorshaha iminka Kenya hormuudka ka tahay waxaadna moodaa inay yihiin halka uu qorshahani eersan doono iyo hubka kaliya ee Itoobiya ku bur-burin doonto wax kasta oo Kenya wado.

Qabiilada Soomaalida ee gaar ahaan Ogaadeen iyo Mareexaan, Xisbiyada diinigaa ee Al-shabaab, Ahlu-Suna Wal Jamaaca, Dowladaha Itoobiya, Kenya ama guud ahaan IGAD, Midowga Yurub, iyo Mareykanka, dhamaan deegaankaas waa ku lug leeyihiin, Jubbaland se waa ku kala arragti duwan yihiin. Dadaalka Prof. Gandi, Col. Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobana hadaan lamiday midkoodna meel gaari maayo. Arrintuna intaan ka qodo dheer siday wax u wadaana waa lawada arkaa.

Arrintu waa jug-jug meeshaadi jog iyo isreereeb hor-leh kana wareeg dheer kii Moorgan iyo Hiiraale ee 7 sano socday. Riyada Jubbalana maahan waligeed ma hirgali doonto ama suurto gal ah. Hadiise ay hirgasho waxaa dhow xalka Soomaaliya oo dhan, maxaa yeelay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya wixii ka danbeeyay 1991kii waxaa uu ka dhacay intiisa badan sadexdaan gobol iyo Muqdisho. Hadaba, talo waxay u taalaa Jaalayaasha Absame iyo Sade, haday ogolaadaan in kor-kooda kubada lagu ciyaaro layskuna jabsho iyaga waa u nasiib daro. Hadayse dantooda gartaan iyo in Itoobiya iyo Kenya midna aanu geed har-leh u jiidayn, waa u bad-baado.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by The_Patriot »

User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Post by Shift »

Well done gedoonline,its about time they except reality :lol:
Waxaa sidoo kale soo shaac-baxay in si weyn dowlada Itoobiya arrintaas uga soo hor-jeedo. Itoobiya waxay ay u-gashay dadaal in la baajiyo qorshahan maamul iyo ciidan. Waxay dood ka dhex abuurtay dowlada Kenya ee ayadu sal-dhiga u ah qorshahan. Walisa waxaad moodaa in hawshaas Itoobiya wax badan ka badali la’dahay. Dacwada arrintan waxay gaartay in dalka Itoobiya uu Maraykanka ku dacweeyay Kenya sida ka soo shaac baxday sirtii dalada Mareykanka ka fakatay ee lagu daabacay Wikileaks. Itoobiya waxa ay ku mudacaysaa in dhismaha Jubbaland la mid yahay “ONLF oo xarun iyo sal-dhig cusub la siiyay” aysana marna raali ka noqonayn in maamul goboleedka Jubbaland hirgalo. Qabiilada hormuudka ka ah maamulkan weeye sababta Itoobiya u liqi la’dahay arrinta. Ayadoo aaminsan in Ogaadeen yahay ONLF ama mucaarad hubaysan, halka Mareexaankuna yahay wadaniyiin aaminsan fikirka Soomaali weyn (Nationalists) labaduba uma kala sokeeyaan xeerka dhabtaa ee Itoobiya waana cadowgooda rasmigaa ee geeska Afrika.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by The_Patriot »

Shift wrote:Well done gedoonline,its about time they except reality :lol:

dude its well done Alitixad :lol: :lol: :lol:
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by Talo alle udaa »

Al Itihaad Ethiopia ayeey la heshiiyeen ama isu dhiiben, kolba saad hadalka u dhigto.

Adiguse maxaad ku taagerta ONLF, ma qabiilba? Ma principle ba mise caqiido? Ma kooxeysibaa?

Hadii ey is dhiibaan ama la "heshiiyaan" maxaad odhan?

Afkaad hada ku amaanto ma ku caayi beri?
Last edited by Talo alle udaa on Thu Jan 13, 2011 7:26 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by Shift »

The_Patriot wrote:
Shift wrote:Well done gedoonline,its about time they except reality :lol:
Waxaa sidoo kale soo shaac-baxay in si weyn dowlada Itoobiya arrintaas uga soo hor-jeedo. Itoobiya waxay ay u-gashay dadaal in la baajiyo qorshahan maamul iyo ciidan. Waxay dood ka dhex abuurtay dowlada Kenya ee ayadu sal-dhiga u ah qorshahan. Walisa waxaad moodaa in hawshaas Itoobiya wax badan ka badali la’dahay. Dacwada arrintan waxay gaartay in dalka Itoobiya uu Maraykanka ku dacweeyay Kenya sida ka soo shaac baxday sirtii dalada Mareykanka ka fakatay ee lagu daabacay Wikileaks. Itoobiya waxa ay ku mudacaysaa in dhismaha Jubbaland la mid yahay “ONLF oo xarun iyo sal-dhig cusub la siiyay” aysana marna raali ka noqonayn in maamul goboleedka Jubbaland hirgalo. Qabiilada hormuudka ka ah maamulkan weeye sababta Itoobiya u liqi la’dahay arrinta. Ayadoo aaminsan in Ogaadeen yahay ONLF ama mucaarad hubaysan, halka Mareexaankuna yahay wadaniyiin aaminsan fikirka Soomaali weyn (Nationalists) labaduba uma kala sokeeyaan xeerka dhabtaa ee Itoobiya waana cadowgooda rasmigaa ee geeska Afrika.

dude its well done Alitixad :lol: :lol: :lol:
Mayee waxaan ka waday gedoonline went from dacaayad towards ghaandi and his plans to including beesha sade and advising both ogadeen iyo marexaan to unite for the couse :lol:
Hadaba, talo waxay u taalaa Jaalayaasha Absame iyo Sade, haday ogolaadaan in kor-kooda kubada lagu ciyaaro layskuna jabsho iyaga waa u nasiib daro. Hadayse dantooda gartaan iyo in Itoobiya iyo Kenya midna aanu geed har-leh u jiidayn, waa u bad-baado
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by Shift »

The_Patriot wrote:
Shift wrote:Well done gedoonline,its about time they except reality :lol:
Waxaa sidoo kale soo shaac-baxay in si weyn dowlada Itoobiya arrintaas uga soo hor-jeedo. Itoobiya waxay ay u-gashay dadaal in la baajiyo qorshahan maamul iyo ciidan. Waxay dood ka dhex abuurtay dowlada Kenya ee ayadu sal-dhiga u ah qorshahan. Walisa waxaad moodaa in hawshaas Itoobiya wax badan ka badali la’dahay. Dacwada arrintan waxay gaartay in dalka Itoobiya uu Maraykanka ku dacweeyay Kenya sida ka soo shaac baxday sirtii dalada Mareykanka ka fakatay ee lagu daabacay Wikileaks. Itoobiya waxa ay ku mudacaysaa in dhismaha Jubbaland la mid yahay “ONLF oo xarun iyo sal-dhig cusub la siiyay” aysana marna raali ka noqonayn in maamul goboleedka Jubbaland hirgalo. Qabiilada hormuudka ka ah maamulkan weeye sababta Itoobiya u liqi la’dahay arrinta. Ayadoo aaminsan in Ogaadeen yahay ONLF ama mucaarad hubaysan, halka Mareexaankuna yahay wadaniyiin aaminsan fikirka Soomaali weyn (Nationalists) labaduba uma kala sokeeyaan xeerka dhabtaa ee Itoobiya waana cadowgooda rasmigaa ee geeska Afrika.

dude its well done Alitixad :lol: :lol: :lol:
War itixaad mar horeey is dhiibtay.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by The_Patriot »

Talo alle udaa wrote:Al Itihaad Ethiopia ayeey la heshiiyeen ama isu dhiiben, kolba saad hadalka u dhigto.

Adiguse maxaad ku taagerta ONLF, ma qabiilba? Ma principle ama cadiidaa?

Hadii ay bari is dhiibaan ama la "heshiiyaan" waxaad odhan?

Afkaad hada ku amaanto ma ku caayi?

ONLF waxan kutageero wa Qabil because shacabkeena bey xaqooda udagalamayan wana princuple iyo cadiida.

So you like someone saying dont give Zakah to your close kins as you will be qabilesyte.

you know waxa kucun cunayo :lol: :lol: :lol:

Alitixad told Meles not to arm Huraale thats why Meles disarmed them :mrgreen:
Antishukaansi
Posts: 104
Joined: Fri Dec 31, 2010 9:21 pm
Location: Over the rainbow, Australia
Contact:

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by Antishukaansi »

Somaliland hanolato! :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll:
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by Shift »

The_Patriot wrote:
Talo alle udaa wrote:Al Itihaad Ethiopia ayeey la heshiiyeen ama isu dhiiben, kolba saad hadalka u dhigto.

Adiguse maxaad ku taagerta ONLF, ma qabiilba? Ma principle ama cadiidaa?

Hadii ay bari is dhiibaan ama la "heshiiyaan" waxaad odhan?

Afkaad hada ku amaanto ma ku caayi?

ONLF waxan kutageero wa Qabil because shacabkeena bey xaqooda udagalamayan wana princuple iyo cadiida.

So you like someone saying dont give Zakah to your close kins as you will be qabilesyte.

you know waxa kucun cunayo :lol: :lol: :lol:

Alitixad told Meles not to arm Huraale thats why Meles disarmed them :mrgreen:
War shaatigi itixaad mar horeey iska tureen,hada waa ictisaam go figure :lol:
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by quark »

Antishukaansi wrote:Somaliland hanolato! :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll:
:som: :up: :sland: :down: how about a shukaansi session between you and me abaayo. politics sucks 8-)
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by The_Patriot »

Shift I know thye are done but still since they are 'wadaad' they conviced Meles not to Back Hiraale.

Cos they knew there support would fade if he did so as most of the region would turn into pro Shabaab.

So karki ilkayartu kudawarsanayen ba void laga digey .
:lol: :lol: :lol: :lol:

they lobbied against Gandi and someone lobyed against them :up: 8-)
Antishukaansi
Posts: 104
Joined: Fri Dec 31, 2010 9:21 pm
Location: Over the rainbow, Australia
Contact:

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by Antishukaansi »

quark wrote:
Antishukaansi wrote:Somaliland hanolato! :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll:
:som: :up: :sland: :down: how about a shukaansi session between you and me abaayo. politics sucks 8-)
The truth is I am allergic to xamaris nachos ( I read from another book that they lack the most essential ingredient of masculinity). ;)
Inaba caadhi maaha.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by quark »

Antishukaansi wrote:
quark wrote:
Antishukaansi wrote:Somaliland hanolato! :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll: :roll:
:som: :up: :sland: :down: how about a shukaansi session between you and me abaayo. politics sucks 8-)
The truth is I am allergic to xamaris nachos ( I read from another book that they lack the most essential ingredient of masculinity). ;)
Inaba caadhi maaha.
:sland: :up: how about now :D
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Riyadii Kooxda Gandi iyo Jubbaland halkee maraysaa?

Post by Shift »

The_Patriot wrote:Shift I know thye are done but still since they are 'wadaad' they conviced Meles not to Back Hiraale.

Cos they knew there support would fade if he did so as most of the region would turn into pro Shabaab.

So karki ilkayartu kudawarsanayen ba void laga digey .
:lol: :lol: :lol: :lol:

they lobbied against Gandi and someone lobyed against them :up: 8-)
War aniga waxaan hubaa gaalada ama gandhi hasoo diraan ama huraale ama madoobe,waa la fashilin kuligood,besides hadeey etopia huraale soo dirto kenya gandhi soo dirto soo labo dabaqoodhi ma aha? Labadaba mucaarad baan ku ahay,ninki maamulkaa islamka ee meesha ka dhisan soo weerara wuu ku jabi :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”