SSC forces move towards Las Anod

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

SSC forces move towards Las Anod

Post by Executive »

Laascaanood:SSC oo kulaalaysa toga Waqaderi
Friday, 14 January 2011 09:10 | Written by Buhodle.net

Ciidamadda hogaanka goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa meel ay hore u joogi jireenba maanta ku sii qulqulaya agagaarka magaaladda Laascaanood iyaga oo doonaya in ay si toos ah ugalla wareegaan magaaladaa ciidamadda Soomaalidiidka ah ee iminka gacanta ku haya.

Ciidamo aad u gaashaaman oo maalintii shalay ahayd ka amba baxay dhanka gobolka Cayn iyaga oo ka sii qudbeeyey magaalooyinka Widhwidh, Balihadhac iyo Dhumay ayaa maanta gelinkii hore ka caydhsaday magaaladda Kalabaydh ciidamo ka soo jeeda dhanka ciidmada jabhadda SNMta.

Wararkii ugu danbeeyeyna waxay hadda sheegayaan in ciidamadii hogaanka SSCdu uu maanta gelinkii danbe ku soo hoobanayey toga dheer weyn ee soo dhex mara magaalada Laascaanood iyaga oo ilaaladii ciidamadaasi ay saacado ka hore geleen magaaladaas.

Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa waxay sheegayaan in ciidamo aad u badan oo ka kala yimid dhamaan goboladda SSCdu ay ilaa maanta ku soo biirayeen ciidamada hogaanka iyada oo si toos ah loogu wada balansayahay gudaha magaalada Laascaanood dagaalkan si wada jir ah looga bilaabi doona gudaha magaaladaa.

Toga Waqaderi ayaa lagu wadaa in uu noqondoona saldhiga ugu weyn ee ciidamadda hogaanka SSC uu ku yeelan doono duleedka magaalada Laascaanood, togaas oo ah meel aad iyo aad ugu wacan qaabka jabhadaynta.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa iyana ku soo waramaya in magaaladaa ay iminka soo gelayaan ciidamo ka tirisan jabhadda SNMta oo difaac ka gelaya magaalada dhexdeeda cabsi aad u balaadhanina ay ka muuqato.

Waxaanad moodaa in xaaladda ciidan ee laga soo sheegayo magaalada in aan marnaba dagaal ka dhaca aaga la gafaynin, ciidamada SSC ay ka goantahay dib u soo celinta magaalada Laascaanood oo hada in mudo ah gacanta ugu jirtay jabhada SNMta.



Buhodle.net
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: SSC forces move towards Las Anod

Post by quark »

inshallah victory is near, take no prisoners :som: :up:
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: SSC forces move towards Las Anod

Post by Babygirl- »

:clap: :clap: :clap:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: SSC forces move towards Las Anod

Post by FBISOMALIA »

Babygirl- wrote::clap: :clap: :clap:
ayeeyo check in puntland section for exe topic he write about puntland military moving from 54 garowe section to lasscound :ugeek:

so you dream come true :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”