guys im saying the true siiland has link what ever call atom imagine how small counted solder stand a chance agains puntland in 2007
the Russian plane story failed so now they went to new one
check the Dialogue between ody from sanaag no one knows his clan at the same time living in hargisa and qaran siiland web news ..!!!
Gobolka Sanaag Ma Wuxuu Noqday Goboladii Baakistan ee Qabaa'ilku ka Talin jireen
Hargeysa(Yool)-Siciid Cilmi Hoori oo ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga ixtiraamo Gobolka Sanaag, ayaa ka dayriyey xaaladaha is-barkan ee xilligan ku gaddaaman Gobolka, kuwaasoo uu sheegay inay inay Gobolka ka a dhigeen mid dhinac walba ka shabaha Gobolada qabaa'ilku ka taliyaan ee dalka Baakistaan.
Md. Siciid Cilmi isago oo jooga Magaalada Hrgeysa Xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Wergryska "Yool", waxa uu si mugle u iftiimiyey xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee xiligan ka aloosan Deegaano ka tirsan, kuwaasoo uu sheegay in qaarkood ku lug leeyihiin Dawlado iyo Shirkado Ajnebi ah, isagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi: "...Adeer arimaha Gobolka Sanaag ka socda way farabadan yihiin, haday tahay Macdan, iyo Shidaal labadaba waxa lagu hayaaa farobaas, waxana Gobolka ka socda boob Hantidii iyo Macadantii Gobolka lagu guranaayo. tusaale ahaan Gal-xamudh iyo Laasqoray One, labada Ceel oo midna 1956-kii la qoday kan kalena 1985-kii la qoday, waxaana qoday shirkado Maraykan ah, waxa labadaa meeloodba hadda ku doodaysa rabtana inay qaataan Maamul-goboleedka Puntland..."
Waxa kaloo, Md. Siciid uu carabka ku dhiftay Macdanta iyo khayraadka kele ee deegaanada ku jira, kuwaasoo uu iyagana xusay inay hadda gurtaan shirkaddo iyo dawlado is huwan oo ka socda dhinaca Maamul-goboleedka Puntland.
".. Waxa kaloo jira dhul Macadan iyo khayraad badan oo kale ku jiro oo iyagana sida kuwaa hore oo kale ay maamushaan reer Puntland, waxa ka mid ah meelaha la wada ogyahay ee ilaa iyo hadda ay ku guulaysteen inay Macdanta ka gurtaan Manjo-yahan iyo Dhalan oo labaduba ka tirsan Gobolka Sanaag.." Ayuu yidhi Md. Siciid.
Siciid Cilmi Hoori isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu canaan weyn dusha ka saaray Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo uu sheegay inay ka gaabisay xilkii iyo masuuliyaddii ka saarnayd ilaalinta khayraadka dalka, waxaanu ugu danbayntii ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu yahay shaqsiga keliya ee lagala xisaabtami doono goor ay noqtaba hantida iyo khayraadka kale ee dalka ee sida aan xisaabtanka lahayn loo guranayo, waxaanu hadalkiisa ku soo ururiyey "..Gobolka Sanaag ma waxa uu noqday Goboladii Qabaa'ilku ka talin jireen ee Baakistaan oo kale.."



