SNM Militia Ee KuSugan LasAnod Oo CabsiWeyni Soo FoodSaartay

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

SNM Militia Ee KuSugan LasAnod Oo CabsiWeyni Soo FoodSaartay

Post by EastAfrica »

Image

Image


Image

Image



Image

Image






SNM Militia Ee Ku Sugan Las Anod Oo Cabsi Weyni Soo Food-Saartay Ka Dib Culays Kaga Yimid Ciidamada SSC





Maleeshiyaadka SNM Ee Ku Sugan Magaalada Laascaanood Oo Cabsi Weyni Soo Food-Saartay Ka Dib Culays Kaga Yimid Ciidamada SSC.
Written by Jidbaale.com
Thursday, 13 January 2011 16:16

Laascaanood{Jidbaale.com}:-Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood caawa oo habeenimo goor danbe ah, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka SNM, ee ku sugan hareeraha iyo gudaha magaalada Laascaanood ay soo wajahday cabsi weyni, ka dib markii ciidamo uu wato Xoghaya Birmadka, ahna ku simaha Madaxa Gaashaandhiga ee SSC uu soo gaadhay daafaha maagaalada Laascaanood.

Ciidamada SSC qaybtooda Ismaaciil Mire, oo ah guuto Halaag fara badan badday maleeshiyaadka soo duulay ayaa la sheegay inay soo gaadheen Buuraha magaalada Laascanood, halkaasoo lagu wado inay hawlgallo culculus ka fuliyaan saacadaha soo socda.

Qayb ka mid ah Ciidamada Lugta ee SSC ayaa la wareegay magaalada Widhwidh, oo ay shalay ka Hulleeleen maleeshiyaadkii SNM, ka dib markii ay hayn waayeen culayska SSC ee dhinacyada badan iyo weliba quluubtooda is khilaaftay.

Fadhiisimada hareeraha ee ay ku sugnaayeen maleeshiyaadku, ayaa la sheegay inay caawa ka yaaceen, ayagoo gudaha u galay saldhigyada Booliska ee gudaha magaalada. Dhanka koonfurta goobta lagu magacaabo Waqderi ayey banneeyeen, ayagoo u guuray dhanka Nugaasha meesha lagu magacaabo Dhuxun, halka kuwii ku sugnaa dhanka maraagana ay isku barbariyeen dhanka Dhunya-xoosho.



Maleshiyaadkii dhanka Widhwidh ka soo cararay ayaa la sheegay in qaarkood ay gaadheen Burco, Beer, Ina Afmadoobe iyo deeganada gudaha ee maamulka Hargaysa, halka kuwa Calooshood u shaqaystayaasha ah ee deegaanka ka soo jeedaan ay Biciidsadeen waddada dheer ee laamiga ah, sida Adhicaddeeye, Tuulo Samakaab iyo Canjiid.

Waxaana la sheegay in xaalka Calooshood u shaqaystayaasha uu yahay mid jahawareer ah, ayagoo garan la' waxaan is hor iyo daba maraya, iyo ciidamada SSC oo ayaguna soo kubbaareeyey dhammaan deeganada SSC oo idil marka laga reebo xagga gobolka Sanaag.

Mar aan xidhiidh la sameynay Kayse Cabdi Yuusuf wuxuu noo xaqiijiyey inuu ku sugan yahay buuraha ku xeeran Laascaanood, lagana yaabo inuu gudaha u galo, walow uu diidey faahfaahin inuu baxsho arrimo la xidhiidha xagga Militeriga.

Isku soo wada duubo xaaladda SSC ayaa u eg mid kala guur ah, ayadoo jaanis weyn ay haystaan ciidamada SSC, haddii ay helaan taageerada shacabka debed iyo gudana ay hubaal tahay inay dabada iska raacin doonaan maleeshiyaadka SNM, oo tacaddiyo badan ka gaystay deeganada Dhulbahante intii ay haysteen.



Jidbaale.com

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”