Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah oo xalay Hawl-gal ka fulisay Magaalada Burco
Waxay qabteen Sadex Nin iyagoo Gacan ka helay Ciidanka Bilayska
Burco (Waaheen)- Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanab ah ayaa xalay Hawl gal ka fulisay Xaafada Tuurta oo ka tirsan Magaalada Burco,waxanay sida la sheegay hawl galkaasi ku qab-qabteen saddex nin oo ay daba socdeen.
Sida ay sheegayaan warar Xogo-gaal ah oo aanu xalay saacadihii dambe ka helnay magaalada Burco,diyaaradan oo habeenadanba ku dul wareegaysay Magaalada Burco ayaa Xalay si lama Filaan ah u fadhiiisatay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Burco ,isla markaana weerartay Guri ku yaala Magaaladaasi oo ay ku qabteen 3 Nin oo ay hore u daba socdeen.
Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey.
Diyaaradan Hawl-galka Fulisay iyo Ciidamada La socday ayaan la garayn meesha ay ka socdeen iyo cida ay ka dambaysay,isla markana ragan la qab-qabtay ayaan la Aqoonsan Magacyadooda waxaase la sheegay in mid ka mid ahi uu ka yimi dalka debadiisa labada kalena u dhasheen Somaliland.
Ragan la qabqabatay oo sida la sheegay hore ay u daba socdeen Ciidanka diyaarada watay ayaa lagu tuhunsanyahay inay Xidhiidh la leeyihiin Kooxa argagixisada ah, mana cada in diyaaradasi qaday iyo inay Gacan Somaliland ku jiraan.
Diyaradan oo habeenadanba ku dul wareegaysay Burco ayaa habeenkii xalay ahaa Abaaro 10 Habeenimo waxa si lama Filaana Loogu baraarugay guuxeeda haybteedana la garanaynin oo joog hoose ku duulaysa taas oo keentay in guuxa diyaaradaasi dibeda u soo saaray dadkii guryaha Ku jiray.
Diyaaradani waxay ku wareegaysay daafaha magaalada iyadoo isla waqti yar ka diba dib ugu soo labanaysa gudaha iyadoo halkaasi ka sii wada guuxa iyo jooga hoose ee ay ku duulayso taas oo mararka qaarkeed shidaysa guluubo bixinaya iftiimo isugu Jira Casaan iyo Buluug.
Dadka magaalada ayaa tan iyo waqtigii Guuxa diyaaradu soo baxay si weyn u hadal hayay taas oo qof waliba dareenkiisa ku cabirayay waxa ay la tahay diyaaradani iyo sababta ay ugu waragayso magaalada Burco.
Madaarka Diyaardaha ee Magaalada Burco oo isaga ay dhawaan dib u furtay Xukuumada Cusubi ayaanay habayaraatee wax diyaarad ahi ka soo degin iyadoo xiligani madaarka ay ka socoto Hawl Qodis ah oo aan la garanaynin waxa laga Baadhayo taas oo Masuuliyiinta wasaarada warfaafintu ay ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan,waxaanay dadka magaaladu isla dhexmarayaan in laga baadhayo hub ku aasan madaarka, madaama oo madaarku uu ka mid ahaa Saldhigyadii ay ugu Xooga badnaa ee ay isticmaali jireen ciidamada Kaligii taliyihii Siyaad Barre.
Inta badan waxa dhacda Diyaarado badan oo ku soo xad gudba hawada Somaliland kuwaasi oo aan wax ogolaansho ah ka haysanin wasaarada Duulista iyo Hawada oo ay shaqadeeda tahay Arintani waxaanay arintani ku soo beegmaysaa xili dhawaan ay madaarka magaalada Hargaysa Soo Fadhiisatay Diyaarad Saanad Milatari u siday Maamul Goboleedka Puntland

Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Cali G
Burco ma la hadashay

"Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey"
Well done siilaanyo
Well done siilaanyo

-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
"Diyaaradan Hawl-galka Fulisay iyo Ciidamada La socday ayaan la garayn meesha ay ka socdeen iyo cida ay ka dambaysay,isla markana ragan la qab-qabtay ayaan la Aqoonsan Magacyadooda waxaase la sheegay in mid ka mid ahi uu ka yimi dalka debadiisa labada kalena u dhasheen Somaliland."
- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Gacan ku siiyey ku lahaa,you know well boliska somaliland were told to stand down,and they watched the action while smoking cheap cigaretes and posing for pictures hoping to get a white guy in a photoGoljano Lion wrote:"Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey"
Well done siilaanyo

-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
waar hadhee nimaka H-jeclo ee shiish kebaab tageeraa waa la iska ogaa ciday yihiin, Dahiir riyaale wuu ka baqan jiray, oo wuu ku dhici kari waayey, lakiin siilaanyo waa nin H-jeclo kolkaa amar buu ku siyeey in la qabto oo ay police-ka somaliland gacan ku siiyeen. i wanna hear from Ilkoyarta yadanew-york24 wrote:Gacan ku siiyey ku lahaa,you know well boliska somaliland were told to stand down,and they watched the action while smoking cheap cigaretesGoljano Lion wrote:"Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey"
Well done siilaanyo

- new-york24
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Waa yahay bal aan generalsnm ka war sugno.Goljano Lion wrote:waar hadhee nimaka H-jeclo ee shiish kebaab tageeraa waa la iska ogaa ciday yihiin, Dahiir riyaale wuu ka baqan jiray, oo wuu ku dhici kari waayey, lakiin siilaanyo waa nin H-jeclo kolkaa amar buu ku siyeey in la qabto oo ay police-ka somaliland gacan ku siiyeen. i wanna hear from Ilkoyarta yadanew-york24 wrote:Gacan ku siiyey ku lahaa,you know well boliska somaliland were told to stand down,and they watched the action while smoking cheap cigaretesGoljano Lion wrote:"Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey"
Well done siilaanyo:
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Innalillahi winna illayhi rajicoon
waxaan ma ku faanay qashinyahow?
Your own citizens get kidnapped by foreign helicopters while the police watch by, cajeeb. Secularist idoors are the worst scum wallahi.

Last edited by Kanada on Sat Jan 15, 2011 2:29 am, edited 1 time in total.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Ilo xog xogaal oo hadhwanaagnews xuuraansatay aya u sheegay in Diyaaradani ahayd Diyaarad Daba joogtay kooxo la sheegay inay debedda uga yimaadeen fulinta falal argagaxiso ay ka fuliyaan Gudaha Dalka
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
they were A terrorists who were planning suicide bombs in Somalilan, Bravo and well doneKanada wrote:Innalillahi winna illayhi waricoon
waxaan ma ku faanay qashinyahow?
secularist idoors are the worst scum wallahi.

Dadkani ay diyaaraddu dabajoogtay ayaa ku soo degey mid ka mid ah xaafadaha magaalada Burco, gaar ahaan xaafad u deggenaa Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Telesom.
Abbaaro 10:00 Fiidnimo ee xalay ayay ahayd markii Ciidan Milleteri iyo Bileys isugu jiray ay iskuweer ka qabteen Goobaha ay u bartilmaameedsanayd Diyaradani ee ay sida aadka ah ugu wareegaysay
- abdisamad3
- SomaliNet Super
- Posts: 12628
- Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
- Location: Kismayo
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
and how can you prove this while sitting on your pathetic ass somewhere in the west..unknown people are openly kidnapping people and your here celebrating..cajiib walahi..but typical ignorant somali monkey..nothing new.Goljano Lion wrote:they were A terrorists who were planning suicide bombs in Somalilan, Bravo and well doneKanada wrote:Innalillahi winna illayhi waricoon
waxaan ma ku faanay qashinyahow?
secularist idoors are the worst scum wallahi.![]()
Dadkani ay diyaaraddu dabajoogtay ayaa ku soo degey mid ka mid ah xaafadaha magaalada Burco, gaar ahaan xaafad u deggenaa Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Telesom.
Abbaaro 10:00 Fiidnimo ee xalay ayay ahayd markii Ciidan Milleteri iyo Bileys isugu jiray ay iskuweer ka qabteen Goobaha ay u bartilmaameedsanayd Diyaradani ee ay sida aadka ah ugu wareegaysay

- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Goljano xaafada ragga laga qabqabtay waa Xaafad Habar Yoonis oo galbeedka Burco ku taala markaa ilkoyar maaha koley.
Burco(OWN)- Wararka laga helayo Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in caawa howlgalo ay ka sameeyeen magaaladaasi Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheerb ay ku qab qabteen Saddex Qof oo lagu tuhunsanyahay in lagu xidhay arimo la xidhiidha Argigixisnimo.
Ciidamada amaanka ayaa Caawa Saddex qof ku qab qabteen Agagaarka Xaafadla candle-light loo yaqaana ee ku taala Magaalada Burco, iyagoo loo taxaabay dambiilayaashaas saldhiga wayn ee magaalada Burco, waxana ay ciidamada ka gaabsadeen inay sheegeen ilaa iyo inta ay baadhayaan arinta ragaas lagu xidhay.
Wixii warar ee dheeraad ah ee la xidhiidha arintaas kala soco Oodweynenews.com.
Oodweynenews.com
Burco/Office
Burco(OWN)- Wararka laga helayo Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in caawa howlgalo ay ka sameeyeen magaaladaasi Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheerb ay ku qab qabteen Saddex Qof oo lagu tuhunsanyahay in lagu xidhay arimo la xidhiidha Argigixisnimo.
Ciidamada amaanka ayaa Caawa Saddex qof ku qab qabteen Agagaarka Xaafadla candle-light loo yaqaana ee ku taala Magaalada Burco, iyagoo loo taxaabay dambiilayaashaas saldhiga wayn ee magaalada Burco, waxana ay ciidamada ka gaabsadeen inay sheegeen ilaa iyo inta ay baadhayaan arinta ragaas lagu xidhay.
Wixii warar ee dheeraad ah ee la xidhiidha arintaas kala soco Oodweynenews.com.
Oodweynenews.com
Burco/Office
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Ciidamada Amaanka Somaliland oo Hawl-gal Balaadhan Ku Xidhxidhay Saddex Nin oo Laba Ka Mid ah ay Reer Koonfureed Yihiin.
Burco(Ramaas) Jan,15.2011- Ciidamada Amaanka ee Soomaliland oo Isugu jira Boolis iyo Meleteri ayaa xalay abaara 11:00 hawlgal aad u balaadhan oo laga fuliyey xaafadda Tuurta ee magaalada Burco.
Saddexdan Ruux oo Rag ahaa ayaa laga qabqabtay guri uu lahaa mid ka mid ah,oo magaciisa la yidhaahdo Saleebaan Good Abees, sida wararka shabakadda Ramaas news ay ku heshay waxa labada nin ee kale lagu sheegay in ay ahaayeen qaar ka soo jeeda soomaaliya, oo muddo saddex maalmood ah, joogay magaalada.Saleebaan waxa uun ka mid ahaa shaqaalaha ka hawl gala mid ka mid aha shirkadaha is gaadhsiinta ee dalka ka shaqeeya, waxaanu ka soo laabtay oo hore u deganaa dalka Ingriiska, waxaanu sannadadii u danbeeyay deganaa Burco.
Haddaba mar aan wax ka waydiinay dadkii xaafadda deganaa sida xaaladdu u dhacday waxa ay noo sheegeen in xaafadda gebi ahaanba lagu wargeliyay inaanay debada u soo bixin iyada oo ay diyaarad aad u xoog weyn oo aan haybteeda la garanayn ay ku dul meehanaabaysay magaalada dusheeda. Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta xadhagga ragaas lagu xidhiidhiyey.
Dhinaca kale mar ay shabakada wararka ee ramaas isku dayday in ay la xidhiidho mas’uuliyiinta maamulka gobolka si ay u xaqiijiyaan xaaladda dhabta ah ee ka danbaysay qabashada dadkaas, ayaa waxa aan u suura gelin in ay ka helaan jawaabo, iyada oo qaarkoodna ay ka gaabsadeen in ay saxaafadda la hadlaan.
Ramaasnews Desk
Burco

"Cidamada Amaanka Somaliland oo Hawl-gal Balaadhan Ku Xidhxidhay Saddex Nin oo Laba Ka Mid ah ay Reer Koonfureed Yihiin."
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Dawlada Axmed Siilaanyo waa dawlad liidata. Saddex nin ayay ajanabi diyaarado wata ugu yeedheen markaasay dawlad isku sheegayaan.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 1465 Views
-
Last post by kaliil
-
- 3 Replies
- 9 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 7 Replies
- 5629 Views
-
Last post by Oxidant
-
- 2 Replies
- 1128 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 1 Replies
- 1006 Views
-
Last post by rabanam
-
- 0 Replies
- 983 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 0 Replies
- 412 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka
-
- 0 Replies
- 1026 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 4888 Views
-
Last post by TheblueNwhite