Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah
Posted: Sat Jan 15, 2011 2:00 am
Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanib ah oo xalay Hawl-gal ka fulisay Magaalada Burco
Waxay qabteen Sadex Nin iyagoo Gacan ka helay Ciidanka Bilayska
Burco (Waaheen)- Diyaarad ay wateen Ciidamo Ajanab ah ayaa xalay Hawl gal ka fulisay Xaafada Tuurta oo ka tirsan Magaalada Burco,waxanay sida la sheegay hawl galkaasi ku qab-qabteen saddex nin oo ay daba socdeen.
Sida ay sheegayaan warar Xogo-gaal ah oo aanu xalay saacadihii dambe ka helnay magaalada Burco,diyaaradan oo habeenadanba ku dul wareegaysay Magaalada Burco ayaa Xalay si lama Filaan ah u fadhiiisatay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Burco ,isla markaana weerartay Guri ku yaala Magaaladaasi oo ay ku qabteen 3 Nin oo ay hore u daba socdeen.
Waxaana Sida la sheegay Hawl-galkan gacan ku siiyey Cidamada Ajaanibka ah Ciidanka Boolsika Somaliland ee Magaalada Burco oo iyagu galay Guriga ay ku jireen Ragaasi la qabtay, Amaanka Magaalada Burcona Xalay si aad ah u adkeeyey.
Diyaaradan Hawl-galka Fulisay iyo Ciidamada La socday ayaan la garayn meesha ay ka socdeen iyo cida ay ka dambaysay,isla markana ragan la qab-qabtay ayaan la Aqoonsan Magacyadooda waxaase la sheegay in mid ka mid ahi uu ka yimi dalka debadiisa labada kalena u dhasheen Somaliland.
Ragan la qabqabatay oo sida la sheegay hore ay u daba socdeen Ciidanka diyaarada watay ayaa lagu tuhunsanyahay inay Xidhiidh la leeyihiin Kooxa argagixisada ah, mana cada in diyaaradasi qaday iyo inay Gacan Somaliland ku jiraan.
Diyaradan oo habeenadanba ku dul wareegaysay Burco ayaa habeenkii xalay ahaa Abaaro 10 Habeenimo waxa si lama Filaana Loogu baraarugay guuxeeda haybteedana la garanaynin oo joog hoose ku duulaysa taas oo keentay in guuxa diyaaradaasi dibeda u soo saaray dadkii guryaha Ku jiray.
Diyaaradani waxay ku wareegaysay daafaha magaalada iyadoo isla waqti yar ka diba dib ugu soo labanaysa gudaha iyadoo halkaasi ka sii wada guuxa iyo jooga hoose ee ay ku duulayso taas oo mararka qaarkeed shidaysa guluubo bixinaya iftiimo isugu Jira Casaan iyo Buluug.
Dadka magaalada ayaa tan iyo waqtigii Guuxa diyaaradu soo baxay si weyn u hadal hayay taas oo qof waliba dareenkiisa ku cabirayay waxa ay la tahay diyaaradani iyo sababta ay ugu waragayso magaalada Burco.
Madaarka Diyaardaha ee Magaalada Burco oo isaga ay dhawaan dib u furtay Xukuumada Cusubi ayaanay habayaraatee wax diyaarad ahi ka soo degin iyadoo xiligani madaarka ay ka socoto Hawl Qodis ah oo aan la garanaynin waxa laga Baadhayo taas oo Masuuliyiinta wasaarada warfaafintu ay ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan,waxaanay dadka magaaladu isla dhexmarayaan in laga baadhayo hub ku aasan madaarka, madaama oo madaarku uu ka mid ahaa Saldhigyadii ay ugu Xooga badnaa ee ay isticmaali jireen ciidamada Kaligii taliyihii Siyaad Barre.
Inta badan waxa dhacda Diyaarado badan oo ku soo xad gudba hawada Somaliland kuwaasi oo aan wax ogolaansho ah ka haysanin wasaarada Duulista iyo Hawada oo ay shaqadeeda tahay Arintani waxaanay arintani ku soo beegmaysaa xili dhawaan ay madaarka magaalada Hargaysa Soo Fadhiisatay Diyaarad Saanad Milatari u siday Maamul Goboleedka Puntland