
Hargeysa(HWN):Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa maanta laba Wasiir oo ka mid ahaa Golihiisa Wasiirada xilka ka qaaday, kuwas oo kala ahaa Wasiirkii hore Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Maxamed Yaasiin Xasan Iyo Wasiirkii hore Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed,isla markaana magacaabay wasiiro cusub oo uu ku bedelay labaada Wasiir.
Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo]
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cukuse] oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa.
Waxaanu u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Waxa uu maanta Digreetooyin Madaxweyne Xilkii kaga Qaaday laba Wasiir, sidoo kalena ku Magacaabay laba Wasiir oo Cusub, Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Wasaaradihi hore ee ay hayeen ka bedelay labada Wasiir ee Wasaaradaha ee Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha oo uu u Magacaabay Wasaarado Cusub.
Madaweynaha JSL. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.
2. In Mudane, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.
3. In Dr. Axmed Xaashi Oday,oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horu-marinta Reer Miyiga laga Bilaabo Maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL.
4. In Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jirre), oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL.
Madaxwweynaha JSL isagoo uga Mahad celiyey Mudadii ay Xilka soo hayeen waxa uu Xilkii Wasiir-nimo ka Qaaday isla markaana Faray in ay Wasiirada Cusub ku wareejiyan Xilkii Wasaaradaha ee ay hayeen.
1. Wasiirkii Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Dr. Maxamed Yaasiin Xasan
2. Wasiirkii Boosaha iyo isgaadhsiinta
Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed”