sland as always will be reer sheegtoGarowe(Riinji.com)Waxaanu halkan ku beeninaynaa Warar lagu soo daabacay bogaga hore ee websityada kala ah HADHWANAAG.COM iyo RAMAASNEWS.COM oo sheegay in Wasiir,Maayaro,Kornayl iyo Cuqaal Ka Soo Goostay Puntland oo u Soo Goostay Dhinaca Soomaaliland
Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in Wasiir,Maayaro,Kornayl iyo Cuqaal midna aysan ka soo goosan Puntland isla markaana ay been qaawan tahay. Wasiirka Warshadaha Xasan Geerash ayey sheegeen in uu soo goostay iyo Taliyihii Booliska arintaas oo ah been aan sal iyo raad toona layan isla markaana ay dhammantood ku sugan yihiin Garowe. Hadaba SI XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN ayey somalidu ku maahmaahdaa warkan oo ay Websityadu si khaldan u soo dabaceen ayaanu halkan ku saxaynaa Weftida tagtay Hargeysa. Saaka ayaa Tuulada Sarmaanyo waxaa ka soo ambabaxay Wefti ay kala Hogaaminayaan Sayid Orgiya liqe oo 2005 ahaan jirey Tali ku xigeenka labaad ee PL,Iyo Xasan Dhiilood Warsame oo xiligii Cabdilahi Yusuf ahaan jirey Wasiirkii Wax barashada. Xubnahan ayaa iyagu u hunguri doontay maadama aysan wax xilal ah ka hayn meelna xiligan,maha markii ugu horeysey oo ay koox ka soo jeeda deeganaka SSC ay Hargeysa ama Garowe isku shubaan si ay xilal ama xogaa ka soo dhex qaadaan. YASIN MAXAMED AXMED RIINJI GAROWE
Hadaba SI XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN good words indeed

