Maxamed Cabdillaahi Oomaar Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Sifihii Uu Ugu Biiray Dawladda Ku Meel-gaadhka Iyo Ciddii La Ogayd, Isla Markaana Daaha Ka Fayday Qorshe Lala Maagan Yahay Somaliland Wixii Ka Dambeeya Bisha Siddeedaad Ee Sanadka 2011.
Oslo(Ramaas) Jan.16, 2011 – Wasiirka Arimaha Dibedda ee Dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo todobaadkan isaga iyo wefti uu hogaaminayey ku sugnaayeen magaalada Oslo, ayaa mar uu la kulmay xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway, ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay, sifihii uu ugu biiray dawlada Sheekh Shariif sanadii 2009 iyo ciddii la ogayd.
Maxamed Cabdillaahi Oomaar waxa kale oo uu ka hadlay, waxa lala maagan yahay shacabka iyo dawlada Somaliland, wixii ka dambeeya bisha Siddeedaad ee Sanadka 2011.
Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay ”In bishii koowaad akhirkeedii sanadkii 2009 isaga oo Hargeysa ku soo socda uu Jabuuti ku soo maray Sheekh Shariif, halkaana ay shan daqiiqo kulmeen, dabadeedna uu Hargeysa usoo ambabaxay. Laba todobaad kadib isaga oo marxuumkii Aabihii la qadeynaya in uu soo wacay Raysal wasaarihii Cumar Cabdirashiid, kuna yidhi arintaasaanu(Xilkaasaanu) isla soo qaadnee, maxaad ka odhan lahayd.
”Waxan ugu jawaabay maba xumee, laakiinse Somaliland baan jooggaaye bal horta waa inaan iyada weydiiyaa, in aan iska soo dhaqaaqo oo idhaahdo waa ikan wax caqliga gala ma aha’e.
Adigu Odayaashii iyo Cuqaashii baan u tagay oo aan u bandhigay, Saddex Saacadood kadib, waxay iigu soo jawaabeen Adeer haddii aad na weydiisay waad fasaxan tahay. Waan ka tegay Saraakiishii SNM ayaan doontay, Maxamed Kaahin, Dhagaweyne iyo Cali Guray iyo Qayrkood, waxay igu yidhaahdeen haddaad wax na weydiinaysaba waad wanaagsantee orod oo iska tag.
Markaa annigu kumaan tegin mansab raadis, mansabkeeda iyo nabadeeduna wax la hubo may ahayn. Balse anniga waxay iigu muuqatay, wakhti lagu qanco in dhibaato jirto waynu soo marnay, in meel uun lagu dhego oo maya la yidhaahdo waa laga fiican yahay. Kolkaa in la baadho dariiqooyinka jira, waxaanan isbarbardhigay laba shay:
Ka bilow Gigaal illaa Rayaale oo markaa joogay iyo Axmed oo markaa ahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye illaa Odayaasha Guurtida. Qolo waliba waxay lahayd Koonfuri maalintay wax noqoto ayaanu la hadlaynaa, taa micnaheedu waxay ahayd bal meeshaa intay wax ka unkamayaan in la sugaa.
Qodobka labaad: Labaatan Sannadood baynu sugaynoo waa iska laalaadnaa, xal meesha jiraana ma muuqdo. Anniguna siyaasi ma ahayn, haddii aan siyaasi ahay kuma dhiiradeen, balse danbaan u arkay. Kolkaa waxan isweydiiyey haddii aad ku jirtid xaalad la iska laadlaado, maxay dhaxli doonaan jiilka yaryari? Koonfuri tashan kari wayday, innaguna danteena u seegi mayno, lahadli mayno.
Markaa waxan is idhi, haddii aad wax ka gaysan karo iyaga inta wax lala dhiso, hadhowto labada dawladood ha is hor-fadhiistaan oo iyagu go’aan ha ka gaadhaan, waa wax fiican haddii taa la heli karo.
Markaa haddii aan soo koobo, intii aanan tegina dad waa weydiiyey, markaan tegayna si san in aan uga hawlgalo waan ku dadaalay ”Xamartaa la leeyahay hanti iyo daaro ayuu raadsaday Huteel baan kaga jiraa,” ma garatay!.
Mar uu ka hadlayey waxa lala maagan yahay Somaliland, wixii ka dambeeya bisha siddedaad ee sanadkan, wuxu yidhi: annigu waan ka hadlay waanan ku dhex jiraa, haddadaa aynu joognana iyo Siddeeda Bilood ee soo socdana waxa loo baahan yahay in wax la isla meel dhigo. Go’aankana idinkaa la idinka rabaa, sababtoo ah imika nidaamka socdaa waa dawlad ku meel-gaadh ah, bisha siddeedaad wixii ka dambeeya, Dastuurka cusub inta la dhaqangeliyo waa in loo gudbaa dawlad Federaal ah. Waxa laga baxayaa dawlada ku meel-gaadhka ah, waxaana loo gudbayaa dawlad rasmi ah.
Micnihii markaa muxuu noqonayaa, haddii aanay Somaliland ogayn oonay go’aan ka keenin, dadkeediina ka tashan. Iyada oo dad kale iska wataan bay ku daneysanayaan oo meeshay rabaan ka gaadhayaan. Kolkaa annigu waan ku dhex jiraa, qodob baanan taaganahay, qododkaasina mid la iga furfurayo maaha, laakiinse hiil baan u baahanay. Hiilku muxuu yahay? Waar dalka dhami hal sharci buu ku taagan yahay, sharci kaliya ayaa aasaaskiisa oo dhamiba yahay, kaas oo ah ”Act of union”. Laba dawladood baa isu yimi, qoraal bay kala saxeexdeen, kaas ayaa abuuray Somali Republic. Heshiiskaas ayaa yaalla Security Councel-ka, Africa Union-ka iyo Arab Leage-ga, kaasaanay aqoonsan yihiin.
Annigu waxan taaganahay Baydhabo iyo Kaalkacyo lama mid aha Gobolada Waqooyigu ee Koonfur oo kaamil ah iyo Waqooyi oo kaamil ah baa isku darsamay oo heshiis caalamiya ku midoobay. Markaa horta halkaa ha laga bilaabo, annigu halkaasaan taaganahay ee maxaa idinla gudboon.
Ramaasnews Desk
Oslo.
http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=5522
Maxamed Cabdillaahi Oomaar Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadl
Moderator: Moderators
- Voltage
- SomaliNet Super
- Posts: 29214
- Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
- Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron
Re: Maxamed Cabdillaahi Oomaar Oo Markii Ugu Horeysay Ka Had
Wallahi qolodaan caadi maaha, if dreams were reality



They didn't even let him attend his dad's funeral. Ka diidayne waa his own clansmen, that fat ex vice-president Laakin mayee ninkaan waa nin la fasaxay oo qadiyad Somaliland ku tagay hadane hamigiisu halkaa ku sugantahayWaxan ugu jawaabay maba xumee, laakiinse Somaliland baan jooggaaye bal horta waa inaan iyada weydiiyaa, in aan iska soo dhaqaaqo oo idhaahdo waa ikan wax caqliga gala ma aha’e.
Adigu Odayaashii iyo Cuqaashii baan u tagay oo aan u bandhigay, Saddex Saacadood kadib, waxay iigu soo jawaabeen Adeer haddii aad na weydiisay waad fasaxan tahay. Waan ka tegay Saraakiishii SNM ayaan doontay, Maxamed Kaahin, Dhagaweyne iyo Cali Guray iyo Qayrkood, waxay igu yidhaahdeen haddaad wax na weydiinaysaba waad wanaagsantee orod oo iska tag.



- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Maxamed Cabdillaahi Oomaar Oo Markii Ugu Horeysay Ka Had
Kan wa iska doqon cidba wax ma weydiso muxu hada ka hadlayey maxa la maaganyahay war kan wa iska habar indho la
- Cirwaaq
- SomaliNet Super
- Posts: 6472
- Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
- Location: Event Horizon periphery... HIILumination
Re: Maxamed Cabdillaahi Oomaar Oo Markii Ugu Horeysay Ka Had
He is simply preparing his escape route out of Moq.
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: Maxamed Cabdillaahi Oomaar Oo Markii Ugu Horeysay Ka Had
Cirwaaq wrote:He is simply preparing his escape route out of Moq.



maxamed Omar is a clown walahi

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 368 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 592 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 16 Replies
- 915 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 30 Replies
- 1190 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 0 Replies
- 607 Views
-
Last post by kaliil
-
- 11 Replies
- 636 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 0 Replies
- 415 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 0 Replies
- 731 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 28 Replies
- 1580 Views
-
Last post by Khalid Ali