
Hargeysa/ToggaHerer Axad January 16 2011
Mayerka Caasimadda Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa maanta soo saaray magacaabid iyo xil ka qaadis qaar ka mid ah gudoomiyayaasha Degmooyinka Hargeysa .
Qoraalka Magacaabista iyo xil ka qaadista oo ay ku saxeexnaayeen Duqa Caasimadda Eng Jiciir iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Deeq Xirsi Canbuur ayaa ahaa sidan..
Cabdilaahi Aw Aden Maxamed Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Axmed Dhagax
Cabdi Rooble Cabdi waxa loo Magacaabay Gudomiye ku xigeenka Koowaad ee Degmada Ibrahim Koodbuur.
Maxamed Cabdilaahi Geeljire Waxa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Degmada Gacan Libaax.
Sidoo kale Maamulka Sare ee Dawlada Hoose waxa uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada Axmed Dhagax Khadar Yusuf Cali.
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa