Maamulka degmada Bosaaso iyo bahda Saxaafada ee ka howlgala magaalada ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta kulan wada qaatay.
Kulanka ayaa duhurnimadii ka dhacay Hotelka Jubba,waxaana soo qaban qaabiyey maamulka iyadoo uu ku saabsanaa sidii maamulka iyo Saxaafada u wada shaqayn lahaayeen.
Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje iyo Kuxigenkiisa C/qaadir Yuusuf Daahir ayaa ugu horeyn saxaafada uga mahadceliyey howlaha ay hayaan kuna dhiirageliyey in ay halkaas kasii wadaan.
Duqa Bosaaso ayaa ka codsaday dhamaan Suxufiyinta goobjoog ka ahaa kulanka in ay la shaqeeyaan maamulka isla markaana ka qayb qaatay horumarka magaalada iyo wacyigelinta shacabka.
Suxufiyinta sidoo kale kulanka ka hadlay ayaa ballanqaaday in maamulka kala shaqeynayaan arimaha horumarka magaalada iyo wacyigelinta dadweynaha,iyagoo codsaday in loo tixgeliyo howlahooda shaqo.
Kulanka ayaa noqonaaya kii u horeeyey oo dhexmara maamulka degmada iyo bahda saxaafada ee ka howlgala degmada.
Horseed Media