Diyaarado Nooca Dagaalka Ah Oo Joog Hoos Ku Duulaya Oo Cabsi Xoog Leh Ku Beeray Dadweynaha Ku Nool Deegaanada Balli-gubadle Balli-cabane Iyo Gumar Oo Ka Tirsan Gobolka Hawd.
Hargeysa (Ramaas) Jan.16, 2011 - Diyaarado nooca dagaalka ah oo ku duulaya joog hoos, ayaa argagax ku riday dadka ku nool deegaamada Balli-gubadle, Balli-cabane iyo Gumar oo ka tirsan gobolka Hawd, kuwaas oo aan la garanayn cida iska leh iyo waxa ay raadinaynaan.
Diyaaradahan oo afar iyo laabankii saacadood ee ugu dambeeyay dul heehaabayeen Magaalooyinka iyo dhulka baadiyaha ee gobolkaas, ayaa waxaa ay saamayn ku yeesheen dad iyo duunyada, iyada oo ay cabsi hor leh soo food saartay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas oo iyagu si weyn u la yaaban diyaaradahan dhulka u soo dhawaanaya ee xoolaha ka didinaya.
Badhasaabka gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre oo arintan ka hadlay, ayaa sheegay inuu Magaalada Hargeysa si degdeg ah ugu yimid si uu xukumada Somaliland la socodsiiyo amuurtan, waxaana uu sheegay in ay diyaaradahani si isdaba joog ah oo aan hakad lahayn u dulmarayeen deegaanada gobolka Hawd, isla markaasna aanay ilaa hada fahmin ka maamul gobol ahaan ujeedada ka dambaysa duulimaadka diyaaradahan iyo waxa ay ka raadinayaan deegaanka gobolka Hawd ee soo galay.
Diyaaradahan dul heehaabaya deegaanada gobolkaas, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay daba yaaqadii todobaadkii hore ay laba habeen oo isku xigta ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay sidan oo kale u dul heehaabayeen, kuwaasoo werwer cabsiyeed iyo seexanwaa ku riday bulshada reer Burco. Iyadoo wararka ka imanayey magaaladaasina ay sheegeen in hawlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka amaanka ee magaalada Burco lagu soo qabqabtay saddex nin oo laga shakiyey iyagoo lagu weeraray guryahooda.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.
Diyaarado Nooca Dagaalka Ah Oo Joog Hoos Ku Duulaya Oo Cabs
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 28 Replies
- 1810 Views
-
Last post by original dervish
-
- 36 Replies
- 2839 Views
-
Last post by Nubis
-
- 2 Replies
- 426 Views
-
Last post by TAATIKO
-
- 4 Replies
- 368 Views
-
Last post by Galol
-
- 2 Replies
- 356 Views
-
Last post by ramzy2277
-
- 1 Replies
- 369 Views
-
Last post by Aseelah-Raaida
-
- 29 Replies
- 1819 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 5 Replies
- 343 Views
-
Last post by Qumanyoo
-
- 5 Replies
- 318 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 34 Replies
- 1357 Views
-
Last post by Qumanyoo