America oo Shabaab Ka Qafaashay Badhtamaha Burco

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

America oo Shabaab Ka Qafaashay Badhtamaha Burco

Post by EastAfrica »

oo Ka Qafaashay badhtamaha Burco

Dad laga qafaashay badhtamaha magaaladda Burco
Sunday, 16 January 2011 00:51 | Written by Buhodle.net

Habeenimadii Jimcadii saqdii dhexe ayaa magaaladda Burco waxaa laga qabqabtay dadk lagu qiyaasay tobon ruux oo u dhasahay magaaladaa laguna tuhmay in ay xidhiidh toos ah la lahaayeen ururka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee mayalka adag ee ka dagaalama Koonfurta dalka Soomaaliya.

Nimanka lagu qabqabtay ayaan ilaa hada la cadayn karin cida qaadatay balse waxaa cad in habeenimadii Jimcahii soo gelaysay ee bishan Jan 14 ahayd abaar 11:50 daqiiqo ayaa waxaa gurigii nimankaasi deganaayeen waxaa dul yimid diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter kuwaas oo ay si qaabaysan niman tababarani uga soo hoobteen galena guriga gudahiisa oo ay ku sugnaayeen nimankaasi.

Waxaana dad xoggogaali cadaynayaa in diyaaradaa niman wardooni oo la shaqaynayaa kooxdaa diyaarada wadatey ay ka hagayeen xaga dhulka.

Nimankaa laga qafaashay gudaha magaaladda Burco ayaan ilaa hada la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ama la geeyey, ilaa hadana aan wax war ah oo arintaa ku saabsan laga maqal maamulka uu hogaamiyo Siilaanyo ee ka taliya magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan qafaalatay nimankan ayaa maalmahii ugu danbeeyey laga soo sheegayey in ay ku dul wareegaysay magaalada Burco markii horena dadka magaaladaa ku dhaqani hore ugu eedeeyeen in diyaaradaasi ka imanayso dhanka maamulka Puntland.

Raga magaalada Burco laga qafaashay waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Saleebaan Maxamed Xuseen Naaleeye oo in mudo ah ka shaqaynayey shirkadda Telesom ee magaaladaas, waxaa kale oo warar aan weli la cadayni sheegayaan in nimankaa lala qabtay shikhsiyaad kale oo Ajinebi ah oo aan la garanayn dalalka ay ka soo kala jeedeen.

Arimahan qafaalka ah ee lagula baxayo dadka sirdoonka wadamada reer galbeedku doonayaan ayaa hore sidaa qayaxan looga afduubi jirey dhanka Koonfureed ee dalka Soomaaliya, tanina waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee magaalo weyn oo ku taala dhanka Woqooyiga dalka Soomaaliya si badheedh ah looga qafaasho dad sidan oo kale.

Waxaa kale oo dhanka Woqooyi ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ku soo badanayey Saraakiisha ururadda mayalka adag ee Al-Shabaab iyo Husbul-Islaam oo sida la cadaynayo u soo wareegay magaalooyinkaa bilahii ugu danbeeyey.

Waxaana hore maamulka Siilanyo loogu eedeyey in toban Wasiir oo maamulkaa ka tirsani ay xidhiidh toos ah la leeyahiin ururadda ka dagaalama Koonfurta dalka Soomaaliya.

Taliyaha ururka Al-Shabaab Axmed Godane oo lagu naanayso Abu-Zubeyda ayaa isna ka soo jeeda, kuna dhashay magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka la magac baxay Somaliland.



Buhodle.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”