
Ambassador Donald Yamamoto oo Kulan La Qaatay Xubno ka Socdey Jaalliyada SSC ee Seattle
Ku xigeenka u qaybsanaha arimaha Africa ee wasaarada arimaha dibeda Maraykanka Ambassador Donald Yamamoto ayaa shir khaas ah la yeeshay xubno ka tirsan jaaliyada SSC ee Seattle. Daawo
Kulankan oo daba socday is aragyo hore oo dhexmaray wasaarada arimaha dibeda maraykanka qaybta qaabilsan Africa iyo ergayo ka socday SSC ayaa la iskula lafa guray xaalada murugsan ee ka taagan geyigii Soomaaliyeed, waxayna labada dhinacba isla qaateen in ay muhiim tahay in la qaato hanaanka ku salaysan in cid walba lagu soo daro xal u helida mushkilada ka aloosan Soomaaliya.
Ergada ka socotay SSC ayaa warbixin dheer ka bixiyay dhibta ka jirta deegaanka SSC iyagoo soo bandhigay tacadiyada ay sida joogtada u geystaan maleeshiyaadka Somaliland ee ku soo duulay SSC kuwaasoo caasimadii SSC ee Laascaanood la wareegay sanadkii 2007 bishii tobnaad, kuwaasoo dadkii deegaanka ka dhigay kuwo ay xasuuqeen, kuwo ay barakiciyeen iyo kuwo ay jeel ku silcinayaan.
Ergadu waxay si balaadhan u faahfahiyeen xaalada guud ee deegaanka SSC haday noqonlahayd dhinaca abaaraha, caafimaadka, barakacayaasha iyo nabaelyo la`aanta ay sababeen maleeshiyada Somaliland. Ergada SSC waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen dacaayaadka ay faafiyaan maamulada hareeraha ka xiga SSC ee dhanka ka ah shacabweynaha ku dhaqan mandaqada SSC iyo hogaankiisa.
Dhanka kale, Amb. Yamamoto ayaa aad u soo dhaweeyey dadaalada ay sameeyeen dadka ku dhaqan mandaqada SSC wuxuuna bala qaaday inay wada shaqayn la yeelanayaan SSC iyo cidii kasta ee doonaysa inay soo celiyaan sharcigii iyo kala danbayntii maqnayd mudada dheer. Shirkan ayaa ahaa mid dhamaan arimihii la iskula soo qaaday la isku af gartay. Waxaana shirkii ku soo gabagaboobay guul iyo is af garad iyadoo kulamo kale loo balamay mustaqbalka dhaw.