TFG gives money to displaced people in Degmada Dharkenley

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

TFG gives money to displaced people in Degmada Dharkenley

Post by XimanJaale »

Muqdisho: (Sh. M. Network) Mauumulka degmada Dharkenley ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu deeq lacag shilin Soomaali ah gaarsiiyay dad barakacaal ah oo kasoo cararay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyay dad kasoo barakacay gobolada Soomaaliya ay soo garayeen gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Dharkenley ayaa maanta barkacayaashaashi waxaa gurmed u sameeyey Maamulka degmada Dharkenley ee dowladda KMG Soomaailya.

Gudoomiyaha degmada Dharkenley Macalin Cadulle Cali Hilowle oo markii barkacayaasha gurmedka lagaarsiiyay kadib warbaainta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in deeqda maanta oo aheeyd lacag shilin Soomaali ah ay kasoo gaartay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden isagoo ugu baaqay bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Hay’adaha samafalka in dadkaani dhibaataysan ay gurmed lasoo gaaraan.

Sidoo kale Madiina Axmed oo ka mid aheeyd dadkii maanta gurmedka lagaarsiiyay ayaa waxaa ay si aad ah ugu mahad celisay Maamulka degmada iyo Soomaalida u soo gurmatay, waxana hadalkeeda raacisay in ay ku nool yihiin nolol aad u liidata

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa soo badanayay dadka kasoo barakacay gobolada Soomaaliya ee soo gaarayay magaaalada Muqdisho, kuwaasi oo u adkeysan waayay abaaraha ba’an ee ka jira gobolada dalka Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”