Degmada EYL oo Markii u horeysay Yeelatay Gole degaan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Degmada EYL oo Markii u horeysay Yeelatay Gole degaan

Post by FBISOMALIA »

Image
Degmada EYL ee gobolka Nugaal ayaa markii u horeysay yeelatay gole degaan kadib dhowaan loo dhisay.

Masuuliyin ka tirsan Wasaaradda arimaha gudaha ee Puntland iyo saraakil kale ayaa dhowaan halkaas gaarey,waxaana la dhisay 23-xubnood oo si rasmi ah u noqday Xildhibaanada golaha degaanka ee EYL.

Dhisitaanka golaha degaanka kadib ayaa la doortay maamul cusub,waxaana Duqa degmada loo doortay Muuse Cismaan Yuusuf oo mar kale xilkaas qabtay.

Gudoomiye kuxigeenka degmada EYL oo ay u tartameen labo musharax ayaa waxaa ku guuleystay Feysal Khaliif Waceys.

Duqa degmada EYL Muuse Cismaan Yuusuf ayaa warbaahinta Horseed Media maanta u sheegay in ay rajeynayaan waxqabad balaaran oo dhanka amniga iyo horumarka,isagoo codsaday in laga caawiyo arimahaas.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”