Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Educati

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Educati

Post by LiQaaye_TDH »

S/no Goboladda Tirrada Darajada Xilka

1. Gobolka Gabilay 91 Macalamiin B Barre

2. Gobolka Saraar 72 Macalamiin B Barre

3. Gobolka Awdal 119 Macalamiin B Barre

4. Gobolka Salal 20 Macalamiin B Barre

5. Gobolka Tog-dheer 381 Macalamiin B Barre

6. Gobolka Sanaag 194 Macalamiin B Barre

7. Gobolka Sool 40 Macalamiin B Barre

8.Gobolka Saaxil 193 Macalamiin B Barre

9. Gobolka M/jeex 444 Macalamiin B Barre

TOTAL-KA 1500/= Kun iyo shan boqol
Ceelafweyn
Posts: 199
Joined: Sat Aug 29, 2009 3:29 pm

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by Ceelafweyn »

Liqaaye,

Inaader, as you can see from the list it is not balanced, also regions missing.

For instance the new regions which are missing are;
- Hawd
- Oodweyne
- Buhoodle

I think it is fair to treat regions equally. Fair in social justice and education for all.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by LiQaaye_TDH »

Ceelafweyn wrote:Liqaaye,

Inaader, as you can see from the list it is not balanced, also regions missing.

For instance the new regions which are missing are;
- Hawd
- Oodweyne
- Buhoodle

I think it is fair to treat regions equally. Fair in social justice and education for all.
Yeah there 3 actually missing, but remember Hawd was not actually fully recognised (Buhoodle and Oodweyne was thou) but other then that, i think its perfectly fine distribute..

I think they fallowed this according to the last Vote Registration in the Country, Thats why you can see Gabiley gets 91 Teachers Paid for! and you can see Sanaag has more teachers then Awdal, because really Sanaag registared something like 210.000 while The whole of awdal only got 130.000..
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by Mr_Alfaas »

LiQaaye_TDH wrote:S/no Goboladda Tirrada Darajada Xilka

1. Gobolka Gabilay 91 Macalamiin B Barre

2. Gobolka Saraar 72 Macalamiin B Barre

3. Gobolka Awdal 119 Macalamiin B Barre

4. Gobolka Salal 20 Macalamiin B Barre

5. Gobolka Tog-dheer 381 Macalamiin B Barre

6. Gobolka Sanaag 194 Macalamiin B Barre

7. Gobolka Sool 40 Macalamiin B Barre

8.Gobolka Saaxil 193 Macalamiin B Barre

9. Gobolka M/jeex 444 Macalamiin B Barre

TOTAL-KA 1500/= Kun iyo shan boqol
Saaxil sanaag n awdal............................awdal got 119 macalin while saaxil got 193 n sanaag 194............

reer saaxil ma macalim ayey u badan yihin :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by Mr_Alfaas »

the total numbers of the teachers equals to 1554............................WHy not 1500.


ma saaxafda khaldantay mise WASAARADA WAXBARASHADA oo ah aqoonti Somaliland ku dhisneyd. :shock: :shock: :roll:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by LiQaaye_TDH »

Mr_Alfaas wrote:
LiQaaye_TDH wrote:S/no Goboladda Tirrada Darajada Xilka

1. Gobolka Gabilay 91 Macalamiin B Barre

2. Gobolka Saraar 72 Macalamiin B Barre

3. Gobolka Awdal 119 Macalamiin B Barre

4. Gobolka Salal 20 Macalamiin B Barre

5. Gobolka Tog-dheer 381 Macalamiin B Barre

6. Gobolka Sanaag 194 Macalamiin B Barre

7. Gobolka Sool 40 Macalamiin B Barre

8.Gobolka Saaxil 193 Macalamiin B Barre

9. Gobolka M/jeex 444 Macalamiin B Barre

TOTAL-KA 1500/= Kun iyo shan boqol
Saaxil sanaag n awdal............................awdal got 119 macalin while saaxil got 193 n sanaag 194............

reer saaxil ma macalim ayey u badan yihin :lol:
Thats actually out of order, i never saw Saaxil, they deserve fockin same as Salal 20 :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by Siciid85 »

What clan is agaasimaha Waxbarashada?
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by Bohol iyo karaman »

Agaasimaha Guud waxbarashadu waa waarsangeli, Cali Maxamed Cali
Agaasimaha guud ee Waaxda tacliinta sarenaa waa Habar Yoonis, Khadar Axmed Diiriye
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by Mr_Alfaas »

Siciid85 wrote:What clan is agaasimaha Waxbarashada?
wasiirku xigeenku waa samaroon. :)
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Why Is Oodweyne Region not Included? in the new Free Edu

Post by Siciid85 »

So let me get this straight Cali Maxamed Cali is Warsangeli.


Muran Hadheeyey W/Waxbarashada oo la sheegay In Shaqaale is Farasaareen.
MONDAY, 17 JANUARY 2011
Hargeysa (TogdhNews) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil iyo Agaasimaha Guud ee
Wasaaradaasi Cali Maxamed Cali
ayaa khilaaf wayn oo gaadhay in ay is fara-saaraan uu ku dhex-maray shalay iyo doraad ka dib markii ay isku qabteen qorshe ay soo saartay Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu oo ay 1500 Macalin ugu dartay Miisanaaniyadda 2011ka.

Labada Mas’uul ayaa la sheegay in ay gacanta iskula tageen iyadoo midba midka kale u awood sheeganayo isla markaana uu marankoodu ka dhashay qaabka loo qaybiyay 1500 ee Macalin oo laga tagay saddex Gobol oo ka mid ah Gobolada Dalka, sidoo kalana ay ka muuqato Gobolada loo qaybiyay sad-buursiimo dhinaca tirooyinka Macalimiinta ah, taasoo uu saluug ka muujiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddu isagoo go’aansaday inuu dib ugu celiyo Hay’adda Shaqaalaha si labadaasi arrimood wax looga qabto, hase yeeshee Agaasimaha Guud ayaa la sheegay inuu arrintaasi ka hor yimid.

Khilaafkan labada Masuul ayaa ka dhashay qoraal ay Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu ku dartay 1500 oo Macalin Miisaaniyadda 2011, qoraalkaasi oo ay ku kala socdsiisay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare kaaasoo aanay ku jirin saddexda Gobol ee Hawd, Oodweyne iyo Buuhoodle waxaanu qoraalkaasi u shaxaysnaa sidan “Tixraac warqadda summadeedu tahay MOE/DG/04/503/2022 ee 02/01/11 kuna saabsan ku daridda miisaaniyadda 2011.

Hay’adda shaqaalaha Dawladdau (Civil Service Commission) waxa ay u ogalaatay in loogu darro (1500) Kun iyo shan boqol oo jago Miisaaniyadda sannadka 2011, Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta Sare D/H/Dhexe ee Goboladda dalka”


Gunayntan Macalimiinta ee ay Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu soo saartay waxa isaguna ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Eng. Maaxamed Xaashi waxaanu yidhi “Waxaanu idin ogaysiinayna in aanu joojinay ardeydii laga qaadi jiray lacagaha ee dhigan jiray Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Xukuummada, taas oo dhibaato ku ahayd qoysas tiro badan. Maanta oo danyartii looga tagay Iskuuladii dawlada, 1500 oo macalin ayaa qaadan jiray Gunada laga qaado ardeyda, taas oo keentay in la eryi-waayo ardeygii akhlaaqda xumaa oo la eegto laccagta laga qaadayo, iyo in Glass-yadu buuxsamaan, waxyaabahaas oo dhami waxay hoos u dhigeen tayadii waxbarasho ee Dugsiyada Xukuumamda, taas oo keentay in qofkii lacag heystay ardeydiisa geysto meel kale”

Talaabadaasi ay xukuumaddu qaaday ee ay Miisaaniyadda ugu dartay 1500 ee Macalin ee aan hore ugu jirin Liiska Shaqaalaha Dowladda iyo go’aanka ay ugu kordhisay Mushaharkii Shaqaalaha oo ay ku jiraan Macalimiintu waxay keentay khilaafkan ka dhex aloosmay Mas’uuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Waxbarashada. Sidoo kalana waxay keentay dareemo badan oo lagu qiimaynayo khasaaraha iyo faa’idada go’aanka xukuumaddu u leeyahay Macalimiinta iyo adeegii Waxbarasho ee Dalka.

Aragtiyaha ugu waaweyn ee lagu naqdinayo go’aankan ayaa ah in ay arrintani keeni doonto cawaaqib xumo la soo darista Waxbarashadii Dalka, waxaanay dadka aragtidaasi qabaa ku doodayaan kordhsiimada boqolka ah ee lagu daray Mushaharki Macalimiinta in ay ka yar tahay marka la isku daro Mushaharooyinkii ay Macalimiintu hore u heli jireen, tusaale ahaan Lacagta Waalidku ka bixiyo ardayda Macalinkiiba ka heli jiray in ka badan inta Dowladdu Mushaharka u siiso, taasoo marka la isugu daran ka badan Mushaharka ay Dowladdu siiso oo ah gaadhaysa 300,000/= iyo korodhsiimada boqolkiiba boqolka ah ee lagu daray, si kale haddii loo dhigo Macalinku wuxuu heli jiray cel-celis ahaan 800,000/= illaa 900,000/= halka uu imika ka helayo 600,000/= amaba ka yar.

Dadka aragtidan aynu soo sheegnay qabaa waxay ku salaynayaan in aanay xukuumaddu ka fiirsan ama aanay hoos ugu daadegin qaabka ay u soo noolaayeen Macalimiintu ee ay u heli jireen gunooyinka, marka leego Maamul ahaan iyo Macalimiinba, waxaanay xiganayaan Wareegto soo baxday 2003 oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyihii hore Waxbrashada ee Gobolka Hargeysa Axmed Cali Aadan “Toor) Taasoo dood iyo falanqayn ka dib la soo saaray go’aan dib loogu habaynayo habka qaybsiga Gunnada Waalidka laga helo, taasoo u dhignayd sidan “Tixraac wareegtada summadeedu ahayd W/W/08/66/03, taariikhda 23/08/2003 kuna saabsanayd baadhis dacwo iyo warbixinta ay soo gudbiyeen Guddida loo xilsaaray in arrinta ay soo baadhaan tariikhduna ahayd 27/08/2003”

■Maamulka, Macalimiinta iyo Shaqaalaha hoose ay ku leeyihiin 90%
■Dhigaalka dugsiga oo isticmaalkeeda ay isla kaashan doonaan maamulka, Guddida Waalidiinta iyo Guddida wacyigelinta, kadib marka la caddeeyo in dugisga qabo baahida 02%
■Telefoonada iyo Biyaah 04%
■Kormeerayaasha 2.5%
■Guddoomiyaha (REO0 or (DEO) 1.5%
■Lacagta waalidku bixiyo waxa lagu qaban doonaa (Duplicate) oo ardayga la siiyo nquul isla markaana bil kasta diiwaan ayaan la gelinayaa lacagta tiradeeda guud iyo hab-qaybsigeedaba.
■Dugsiyadda ardaydoodu tahay ama ka yar tahay 200 kama hrigalayo qoddobkani
■Lacagta kormeerayaasha/Guddoomiyaha waxa uu maamule kastaa ku soo xeraynayaa xarunta guddoomiyaha waxbarashada iyadoo guddoomiyuhu u xil saari doono cid ka qabata iyadaana lagu qaybsan doonaa, waxay isugu jirtaa kharashkii hawl socodsiinta xafiiska Guddoomiyaha oo ah 1.5%, Gunnada Kormeerayaasha oo ah 2.5%.
Haddaba go’aanka wuxuu dhaqan galayaa laga bilaabo 28/09/2003, waxaana la farayaa dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada JSL in ay ugu dhaqmaan sida uu yahay, sida ugu dhakhsaha badan u dhaqan-geliyaaan, ciddii xad-gudub ku sameysa ee ugu dhaqmi wayda sida uu yahay waxa loo qaadan doonaa nin ka horyimid sharciga iyo nidaamka u dhigan Wasaaradda Waxbarashada waxaana laga qaadi doonaa tallaabada ku habboon.

Marka laga shidaal-qaato habka loo qaybsan jiray Gunnada Waalidku ka bixiyo Ardayga waxa soo baxay Go’aanka xukuumadda cusubi qaadatay in ay wax ku waayaan dad badan oo bilaa gunno ku shaqayn jiray kuwaasi oo aanay xukuumaddu wax tix-gelin ah aanay siinin, tusaale ahaan Macalimiinta dalka ka shaqayn jirtay ee Gunnaysnay ama aan Gunnaysnay kala badhkood waxay shaqayn jiree laba jeer (Gelinka hore iyo Gelinka Dambe) taasoo ay gelinka dambe ku kabi jireen Mushaharaadkooda taasina way ka baxaysaa dakhligoodii, sidoo kale waxa meesha ka baxay 250 Macalin oo ka mid ah Macalimiinta aan muddada dheer gunnaysnayn, halka haba yaraatee Xukuumaddu aanay qorshaha sanadkanba aanay ku darsan Macalimiinta Dugsiyadda sare wax ka dhiga ee aan gunnaysnayn.

Ilduufka ka muuqda go’aanka xukuumadda ayaa waxay sababi kartaa in kala badh arday Dugsiysadu ay waayaan Macalimiin, sidoo kalana Macalimiintu ay saluugaan Mushaharaadka imika loo qoondeeyay oo kaba yar kii ay u hore u heli jreen, daboolina Karin baahiyahoodii nololeed iyagoo markooda horeba dulmanaa.

Hase yeeshee aragtidan tan ka soo horjeedaa waxa taageeraysaa hadalka Wasiirka Maaliyadda, waxaana suurta-gal ah in Waalid faro badan oo ay ku adkay bixinta Fee-ga Iskulku ay ardaydoodu waxbarasho hesho, ardayda qaarkoodna ay ka raysato erigii ay macalimiintu kula kici jirtay ardayda marka ay waydo Lacagta.

Si kasta ha ahaatee waxa la gudboon xukuumadda in ay il-dheer ku hayso khaladaadka ka soo bixi kara go’aankeeda, isla maraana diyaarsato wixii ay kaga hortagi lahayd cabashooyin ka yimaada Macalmiinta guud ahaan. Maadaama Mas’uulkii ugu sareeyay Wasaaradda Waxbarashada uu dalka ka maqan yahay Masuuliyiintii xilka uga hoosaysayna ay is-haystaan.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”