Maamulka Ahlu Sunna oo digniin u jeediyay ganacsatada Caabudwaaq.
Caabudwaaq: (R.CW)) Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq ayaa ganacsatada degmadaasi ku amray inay ka guuraan goobo ganacsi oo ay si sharci daro ah ugu soo batay wadooyinka magaaladaasi.
Kadib markii ay soo buuxdhaafiyeen ganacsato farabadan hareeraha wadooyinka degmada Caabudwaaq oo ay soo galayaan dhismo yaal cusub ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Maamulka Ahlu Sunna ee degmadaasi.
Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee degmada Caabudwaaq Sheekh Xasan Cabdi Calas oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inaysan u dulqaadan doonin dhismayaasha sharci darada ah iyo wadooyinka hal bowlaha u ah isu socodka gaadiidka iyo dad waynaha oo ay ganacsatada bilaabeen inay ganacsigooda ku xiraan.
Sheekh Xasan ayaa waxaa uu soo jeediyay digniin, isagoo dadka ganacsatada u qabtay fursad yar oo ay goobahooda ganaci kaga qaadayaan wadooyinkaasi, wuxuuna sheegay hadii ay ka qaadi waayaan sandaqadahaasi magaalada in uu Maamulka samayn doono howlgalo ay kula wareegayaan dhamaan agabyadaasi ganacsi.
Baaqaan kasoo yeeray Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaan la ogayn qaabka ay u dhaqan galin doonaan dad waynaha degmada Caabudwaaq gaar ahaan ganacsatada, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen miisas yar yar oo qaar ka mid ah ganacsatada yar yarka ah ay soo dhigaynayeen hareeraha wadooyinka, kwuaasi oo ciriiri galiay marista gaadiidka iyo dad waynaha.
C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq.
ASWJ Caabudwaaq warns merchants not to crowd the roads
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- mudugawi
- SomaliNetizen
- Posts: 697
- Joined: Wed Jun 17, 2009 5:10 pm
- Location: Ras Asir to Ras Kamboni
Re: ASWJ Caabudwaaq warns merchants not to crowd the roads
Great initiative. Sharciga iyo kala dambeeynta in la dhowro wa muhiim.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 412 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 4 Replies
- 928 Views
-
Last post by Togdeer
-
- 51 Replies
- 2372 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 322 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 23 Replies
- 2151 Views
-
Last post by Canuck2
-
- 4 Replies
- 950 Views
-
Last post by Saar
-
- 4 Replies
- 539 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 0 Replies
- 623 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 1 Replies
- 415 Views
-
Last post by Togdeer