
Siyaasiyinta iyo Waxgaradka Beesha Cali Saleebaan oo Bayaan Kasoo Saaray Shir ay Yeesheen
Beelaha Cali Saleebaan ayaa maalmihi lasoo dhaafay kulan ku lahaa xarunta akadeemiyada degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana uu ku saabsanaa amaanka guud,hormarinta arimaha bulshada iyo waxyaabo kale.
Kulanka ayaa lasoo gaba gabeeyey maanta,waxaana kasoo qaybgalay Siyaasiyin,Waxgarad,Haween,Aqoonyahano iyo dhalinyaro iyadoo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen qurbajoog.
Masuuliyinta kasoo qaybgashay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire,Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland,Wasiir kuxigeenka howlaha guud Cabdishakuur Mire Aadan,Siyaasi Muxiyadiin Cali Yuusuf iyo madax kale.
Kulanka ayaa kadib waxaa saxaafada u akhriyey qodobada kasoo baxay Maciin Jaamac Cali,waxaana qodobada ay ahaayeen;
* In si wadajir ah looga howlgalo sugida amniga guud ee Puntland gaar ahaan degaanada Beelaha Cali Saleebaan iyadoo si gaar ah loola dagaalamayo Burcadbadeeda iyo tahriibta
* In ay taageerayaan qorsheyaasha siyaasadeed,amni iyo dhaqaale ee ay Dawladdu ku fulinayso hadafka iyo hindisayaasha loo idmaday
* Waxay Beeluhu soo jeedinayaan in dawladda iyo ganacsatadu si wadajir ah uga qayb qaataan sidii ganacsiga xorta ah loo horumarin lahaa loona casriyeyn lahaa si uu ganacsiga Puntland ula jaanqaado tartanka dhaqaale ee ka jira mandiqadda geeska Afrika.waxay sidoo kale beeluhu ganacsatada ugu baaqayaan in ay ka qayb qaataan horumarka dalka iyo masiibooyinka dabiiciga ah
* Waxay Beelaha si cad u bayaaninayaan inay diyaar u yihin xalinta khilaafaadka ka dhaxeeya iyaga iyo beelaha kale ee ay deriska yihiin.waxay doonayaan inay si nabad iyo walaaltinimo ah uga xaq baxaan dhamaan waxyaalaha lagu leeyahay ee dhiiga iyo gashiga ah isla markaana ay beelaha deriska la ah ka helaan waxay iyagu ku leeyihiin ee ah dhiiga iyo gashiga
* Waxay Beeluhu soo dhoweynayaan go’aankii Dawladda Puntland gaadhey ee kalsoonida kagala noqotay Dawladda Federaalka ilaa laga xalinaayo khilaafka Puntland iyo TFG,lagana helaayo dawlad loo dhan yahay oo cadaalad ku dhisan
* Shirku wuxuu dawladda Puntland iyo Hay’adaha caalamiga ah ugu baaqaya in degaanada Puntland ee abaaraha iyo biya la’aantu saameysay si deg deg ah loo caawiyo
Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Xudeyfi)
Horseed Media



