Breaking News: Big fight Btw Shabaab and displaced people
Posted: Tue Jan 18, 2011 6:57 am
Waxaa saaka aroortii deegaanka ceel Cirfiid ee duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ka dhacay is risaaseyn dhex martay dadweyne careysan iyo xarakada Al-shabaab kadib markii xabsiga loo taxaabay dad is hortaag ku sameeyay gaadiid siday raashin gargaar ah oo marayay wadada una socday gobolada dhexe.
Shaqaaqadan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay galab iyo xalay ay dibad bax rabshado wata ay dhigeen dadka deegaanka ee Ceel-cirfiid, iyagoo ku doodayay in dadkaasi laga gubay raashin Galley ah oo ay ka soo iibsadeen Suuqyada Muqdisho, iyagoo dhanka kale ku eedeeyay Shabaabka in ay raashin ay leedahay WFP ay u gudbiyaan gobolada dhexe iyagana key soo iibsadeen laga gubo taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay eex sababtay in xabsiga loo taxaabo dadweyne fara badan.
Laba qof oo rayida ayaa la xaqiijiyay in ay saakay ku dhaawacmeen rasaas ay is weydaarsadeen dhalinyarada deegaanka iyo Maleeshiyada Al-shabaab taasoo daba taagan xiisad shalay ilaa xalay ka taagneyd deegaanka Ceel-cirfiid oo ay saakay gaareen ciidamo xooggan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ee Xarakada Al-shabaab.
Lama oga halka ay sal dhigan doonyo shaqaaqadaasoo u muuqata kacdoon bilow ah oo ka dhan ah xarakada Shabaab oo deegaano badan ka mamnuucday gebi ahaamba Raashinka gargaarka ay bixiyaan Hay'adaha samafalka, iyadoo xiliyada qaar la arko gawaari shiraacan oo sida raashin gargaar ah oo maraya Kontoroolada ay fadhiyaan Al-shabaab.