TFG government and Somaliland government to have talks

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

TFG government and Somaliland government to have talks

Post by XimanJaale »

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu wada hadalsiinayo dowlada uu ka tirsan yahay iyo maamulka Somaliland isagoo ka hadlayey magaalada Oslo ee dalka Norwey.

Mr. Oomaar oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Norway waxaa uu kulan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalkaas, uu kaga ka hadlay sidii uu sannadkii 2009-kii ugu biiray siyaasadda oo aanu hore ugu jirin iyo jawaabtii uu ka bixiyay markii ugu horaysay ee lagu wargeliyay in xil loo magacaabayo.

Waxa uu sheegay in aakhirkii bishii January ee sannadkii 2009-kii isagoo ku sugan magaalada Hargeysa uu la soo xiriiray Ra’isul wasaarihii hore ee TFG Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dib markii uu maalmo ka hor Jabuuti oo uu socdaal ku soo maray kulan shan daqiiqadood ahi ku dhexmaray Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilligaas dowladda uu madaxda ka yahay lagu dhisay caasimadda Jabuuti.

“Waxan ugu jawaabay maba xumee, laakiinse Somaliland baan joogaaye bal horta waa inaan iyada waydiiyaa, inaan iska soo dhaqaaqo oo iraahdo waa ikan wax caqliga gala ma aha’e,” ayuu yiri Mr. Oomaar oo ka hadlayey jawaabta uu ka bixiyey dalabkaas, wuxuuna soo bandhigay magacyada siyaasiyiin SNM ka tirsanaa, waqtigaasna ku suganaa magaalada Hargeysa, kuwaas oo sida uu yiri la ogaa qorshahaha, kuna dhiirigeliyay inuu xil u qabto dowladda Sheekh Shariif, “Odayaashii iyo Cuqaashii baan u tagay oo aan u bandhigay, saddex saacadood kadib waxay iigu soo jawaabeen ‘adeer haddii aad na weydiisay waad fasaxan tahay.

“Laga bilaabo Cigaal illaa Rayaale oo markaas joogay iyo Axmed Siilaanyo oo markaas ahaa Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye illaa odayaasha Guurtida, qolo waliba waxay laheyd Koonfuri maalintay wax noqoto ayaanu la hadlaynaa, taas macnaheeduna waxay aheyd bal meeshaa intay wax ka unkamayaan in la sugaa, qodobka labaad:- labaatan sanadood baynu sugaynoo waynu iska laalaadnaa, xal meesha jiraana ma muuqdo, aniguna siyaasi ma aheyn, haddii aan siyaasi aheyna kuma dhiiradeen, balse dan baan u arkay” ayuu yiri Oomaar.

Mr. Maxamed Cabdilaahi Oomaar waxa uu soo bandhigay qorshe lagu wadahadashiinayo maamulka Somaliland iyo dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in 8-da bilood ee soo socda wax la isla meel dhigo.
haxxor
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 973
Joined: Thu Oct 28, 2010 2:48 pm

Re: TFG government and Somaliland government to have talks

Post by haxxor »

Translation please? What sort of "Talks" will be they having?
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: TFG government and Somaliland government to have talks

Post by XimanJaale »

haxxor wrote:Translation please? What sort of "Talks" will be they having?
The TFG is about to end in 8 months, basically the TFG cabinet are to speak with Somaliland government to agree with reconcilation so that they can take part in the new constitution, and when 8 months finish every Somalis states can come together and agree with something so that a new PERMANENT government can fucntion properly.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”