Wafti kasocda W/Caafimaadka Puntland booqasho ku tagay sool

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafti kasocda W/Caafimaadka Puntland booqasho ku tagay sool

Post by FBISOMALIA »

Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa saacadihii lasoo dhaafay booqasho isdabajoog ah ku tagay deegaano kamid ah gobolka Sool ee Puntland wafti sare oo kasocda Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Puntland,waxaana ay waftigani booqdeen degmooyin & deegaano kamid ah gobolka Sool iyagoo soo indha-indheeyey xaalada caafimaad ee deegaanadaas islamarkaasna xarumo caafimaad ka hirgaliyey qaarkamid ah gobolka Sool.

Waftigan oo uu horkacayey Wasiir xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee dawlada Puntland Dr.Maxamed Xirsi Ducaale ayaa waxaa kamid ahaa xubno sarsare oo katirsan Wasaaradaas oo uu kamid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan,madaxa la dagaalanka cudurada ee wasaarada caafimaadka,isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Sool & xubno kale oo katirsan wasaarada caafimaadka.

Wafdigu waxaa ay booqdeen deegaano ay kamid tahay Buura-wadal halkaas oo si rasmi ah ay xariga uga jareen xarun balaaran oo caafimaad oo qaabilaysay maalinkasta qeybo badan oo bukaan ah,waxaana ay halkaas geeyeen deeq dawo ah oo ay wasaarada Caafimaadku ugu talagashay in la gudoonsiiyo dadka ay cudurada kaladuwani hayaan,iyagoo sidoo kalena kulan balaaran la qaatay Odayaasha dhaqanka ee Buurawadal oo ay kala xaajoodeen sidii loo hormarin lahaa xarunta cusub ee imika xariga laga jaray oo ay dad badani ka faa’iidaysanayaan.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland Dr.Cabdirsaaq Xirsi Xassan ayaa APL u sheegey in waftigu ay sidoo kale booqdeen deegaanka khaleyryaale ee gobolka Sool halkaa oo uu sheegey inay dhagax dhigeen xarun balaaran oo dhanka caafimaadka ah oo ay Wasaaradu dhistay,waxaana uu sheegey In deegaankaas & agagaarkeedaba ay ka jiraan baahiyo balaaran oo dhanka caafimaadka ah taasina ay rajeynayaan in xarunta cusubi ay soo afjarto dhibaatooyinka jira.

Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xassan waxaa sidoo kale uu sheegey in waftigu ay booqdeen goobo kale ayna tani tahay mid ay wasaaradu ku hirgalinayso siyaasad cusub oo wax looga qabanyo caafimaadka deegaanada fog fog ee aysan awal gaari jirin gacanta wasaarada Caafimaadku,waxaana uu sheegey inay badin doonaan booqashada & wax u qabashada dadka kusugan dhulka miyiga ah ee Puntland gaar ahaana gobolka Sool oo uu sheegey inay deegaano kale booqan doonaan waqtiyada soo socda.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”