
Halkan ka Dhageyso
Hargeysa(Waaheen) Af-hayeenka Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Muj. Maxamed kaahin Axmed ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay wasiirka arimaha dibada ee dalka Somaliya Maxamed C/laahi Oomaar oo sheegay in markii uu xilka Wasiirnimadaha uu u doonanayey Somaliya ay ku dhiiri galiyeen in uu halkasi xil u doonto 3 mujaahid oo ka mid ah mujaahidiintii Ururkii SNM oo uu ugu horeeyo Muj. Maxamed Kaahin, Muj.Ibraahin Dhagaweyne iyo Muj.Cali Guray.
Muj. Maxamed kaahin ayaa sheegay in aanay aqoonba isku lahayn wasiirka arimaha dibada ee dalka somaliya Maxamed C/laahi Oomaar oo aanu waligii in dhaha saarin, warkaasi uu ka sheegayna uu yahay mid been abuur ah oo sumacadiisa lagu dilayo.
Isaga oo intaasi ku daray in isagu ka qof ahaan aanu waligii istaagin meel arimaha Somaliya lagu hadal hayo, isaga oo intaasi ku daray in warkaasi ka soo baxay wasiirka somaliya aanu garanyenin meesha uu ka keenay, Muj.Maxamed Kaahin waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbaahinta ugu waramayey Hotel Emperial ee Magalada Hargeysa.
S. Maxamed kaahin saaka war ku soo baxay Wargeyska Oogaal oo waraysi la yeeshay wasiirka arimaha dibada ee dawlada ku meelgaadhka ee somaliya Maxamed C/laahi cumar waxa uu leeyahay marka aan xilka dawlada somaliya ka doonanayey waxa igu dhaliyey Maxamed kaahin, Ibraahin Dhagaweyne, Cali Guray oo intuba ka mid ah mujaahidiintii SNM arinkaas maxaad ka leedahay ?
J. Horta marka ugu horeysa waxa fiicnayd in aad i waydiisid in aanu is’naqaano Maxamed C/laahi Cumar, telefoona waligayo kumaanan wada hadlin muqaal aanu is horfadhiisanay iyo aragna kumaanan wada hadlin, dee markaa warkaasi meesha uu ka keenay isagaa garanaya waxa arintas ah oo ku saabsan Xilkaasi loo dhibay oo aan ku dhiiri galintiisa iyo aan kala hadalay midan ma jirto, aniga sidaydaba qof ahaan nin arimaha somaliweynta meel ka soo gala ma ihi, kana soo gali doonan mahi meel alaale iyo meel warkaasi ka yimid anigu garan mamayo


