somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by CoolPoisons »

Look what these Shiskabab supporters wrote about Rer Mudug.


Walaalayaal waxaan kala tagnay anagoo dalka dibaddiisa ku maqan. Intaan maqnaa waxaa dhacay dagaalo waa wayn oo lagu soo qaaday Imaaraddii Gobolka Gedo. Dagaalkaasi wuxuu socday muddo aan yarayn mar walbana waxaa weererka soo qaadayey gaalo is bahaysatay wayna jabayeen mar kasta.


Dib u noqosho ama Gocasho:


Inta aanan u galin Gedo iyo imaaraddii Islaamka ahayd aan wax yar dib noogu celiyo Gobolka Mudug gaar ahaan Caabudwaaq. Waxaan xusayaa laba arimood oo aan ka tagay markaan ka waramayey Caabudwaaq iyo dhibkii ay dacwadu kala kulantay.

1: Waxaan ammaan balaaran u soo jeedinayaa qabiil ka mid ah qabiilooyinka daga Caabudwaaq. Reerkaasi wuxuu ahaa reer Ilaahay barakeeyay, Waxay ahaayeen ANSAARr u gargaartay Ducaaddii markii cid walbaa dishay oo dhacday.

Waxay dajiyeen guryohoodii, waxay wax ka siiyeen maalkoodii, waxay xabadda isaga dhigeen ama waardiye u noqdeen Ducaaddii dulmiga lagu laynayey, waxay Hoy u noqdeen Diintii Islaamka oo reer Caabudwaaq la collay tameen.

Waa Reer Maxamuud Guuleed. Reerkaas Barakaysan oo noqday ansaartii Ducaaddii reer Caabudwaaq ay ka dhigeen waxay dilaan iyo waxay dhacaan ama dhaawacaan ilaahay ha xifdiyo naftooda iyo maalkooda intaba Aamiin Aamiin.

2: Waxaan ka tagay halyeey meeshaas ku Shihiiday. Wuxuu ka mid ahaa muhaajiriintii socodka ka soo bilowday Dhoobley, wuxuu ahaa hogaamiye ciidan, wuxuu ahaa tababare ciidan, wuxuu ahaa daaci dadka dacwada ugu yeera. Reerkoodaa dagaan ahaan ugu badan Caabudwaaq. (Reer Dalal)

Wuxuu ugu yimid in uu Dacwada gaarsiiyo, waxaa dilay ilma adeeradii, waxay ku dileen magaalada Caabudwaaq bartankeeda. Qabiilkii u ka dhashay oo magaalada haystay aad ayey ugu farxeen geeridiisa halyeygaas marka laga reebo nin la dhihi jiray Ina Bulxan iyo intii Ilaahay u naxariistay. Wuxuu ahaa halyaygaasu Shihiid Abuu Dujaanah. Taqabala hullaah.




Ansaarigii kaligii la dagaalamay reer Cabudwaaq:


Markii ay Abuu Dujaana dileen reer Caabudwaaq ayaa nin lagu magacaabo Ina Bulxan waxa uu dagaal gobeed la galay reer Caabudwaaq iyo magaaladii oo dhan. Bulxan wuxuu galay dagaal uu kali ku yahay ayna ka soo horjeedaan magaaladii Caabudwaaq oo dhan.

Wuxuu isticmaalay Bombooyinka gacanta laga tuuro,wuxuu isticmaalay qoriga Boobaha ah, wuxuu isticmaalay xeeladdii ahayd ku dhufo oo ka dhaqaaq.Wuxuu galay dagaalkii uu Abuu Basiira galay oo kale iyo taatiko ciidan oo asaga u gaar ahayd.

Wuxuu gaystay wax yeelo badan, wuxuu argagax ku riday Suufiyadii Shayaadiinta ahayd ee mu’aamaraadkaan ka dambaysay, waxaa kala cayriyeyy dhagar qabayaashii Islaamka dhibay ee laga tukan waayay.

Suufiyada waxaa Ansaar u ahaa ama taakulayn jiray laba qabiil oo kala ah. Reer Siyaay Xuseen iyo Qoys lagu magacaabo Celi. Waxaa madax u ahaa laba nin oo midna Reer Siyaad Xuseen yahay midna Reer Celi yahay ama Celi. Waxayna kala ahaayeen labadaas nin Ina Cabdi Jawaan oo ahaa Reer Siyaad Xuseen iyo Ina Macalin Cabdi oo ahaa Reer Celi ama Celi.

Ina Bulxan markuu rag waayay mudana dagalkii ku jiray naftiisiina ay khatar gashay ayuu u hijrooday Gobolka Gado oo markaas Jihaad ka socday.

Wuxuu ka qaybqaatay dagaalo badan oo lala galay kufaartii iyo murtaddiintii. Aakhirkiina wuxuu ku Shihiiday magaalada Ceelwaaq agteeda waxayna isku maalin Shihiideen Al-Waalid Al-Caabid AZ-Zaahid Shiikh Aadam Garwayne. Taqabala humullaahu Ajmaciin.


Gobolka Gado


Gobolka Gado iyo Imaaraddii Islaamiga ahayd.


Sidee ayey ku Bilaabatay Sidee ayaase looga faa’idaystay?


Goorma ayey Burburtay Imaaradaasi Yaase Burburiyay ?


Soomalidu gacan maku lahayd Burburkii Imaaraddaas?


Arimahaas oo dhan iyo arimo kaleba waxaan uga hadli doonaa Qormdaan iyo kuwa kale ee soo socda In shaa Allaahu Tacaalaa.




Akhrista yaalow waxaad ii ogolaataan in aan xoogaa siyaasad ah gogoldhig ka dhigto inta aanan bilaabin ka sheekaynta Imaaraddi Islaamiga ahayd ee Gobolka Gado. Aad ayaad ugu mahadsan tihiin dhagaysigiina. Baarakallaahu fiikum.

Ikhwaanii markii ay burburtay Dowladdii Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991-dii waxaa dhacay musiibooyin fara badan. Waxaa kamid ahaa dhibaatooyinkii dhacay Dil,Dhac, Barakicin.

Dhanka kale waxaa meesha ka baxay oo saaxada banaysay Dowlad faasiqad ahayd oo Diinta iyo dadkaba dhibaato weyn ku haysay laakiin lagu qabay xoogaa kala dambayn ah.

Waxaa kamid ahaa wanaaga lagu qabay Dowladdaas xasilooni dadka dhexdiisa ah, ilaalinta xuduudaha, shaqooyin ay dadka qaarkiis ku haysteen, waxbarasho maadi ah, magac Dowladnimo iwm.

Walaalayaal waxaad ogaataan Soomaliya iyo Itoobiya Dowladihii ka talin jiray isku mar ayaa la riday, isku xili ayaana kursigii xukunka laga qaaday madaxweynayaashii labadaas dali Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Xayla Mariam. Qorshaha loo dumiyey Dowaladdii Soomaaliya waxaa lahaa reer galbeedka ama gaalada ee ma ahayn mid ay wateen Jabhadihii qabiilada ee lakala oran jiray USC,SSDF, SNM,SPM,SNF, IWM.







Waxaad moodaa in aan wali la fahmin balaayadu meeshay nooga timid iyo cidda wadatay. Waxaad moodaa qabiilooyin fara badan oo Soomaali ah in ay la tahay in ay ayagu rideen dowladdii Shuuciyadda ahayd ee Maxamed Siyaad.

U fiirsada shacabka waxaa lagu dagaal galinayay Ina Siyaad Barre ayaan kursiga ka tuuraynaa kadibna wadanka madaxwayne caadil ah ayaan u dhiibaynaa oo qof walba xaqiisa siiya dadkana isu soo dhaweeya oo reer magaal ah.

Waxaa dadka ugu faham xun wadaadada (ICTISAAM) oo u qaba in ay Dowlad tahay Puntlaand waxaadna arkaysaa marar nadam ayaga oo leh. ( waa Dowlad madaxbanaan!!) oo tolow yay ka xoroobeen!?.

Waxaa kuwaas ka sii liita kuwa ku hoos naban maamuladaas ama la shaqeeya una Tatwooda (Ictisaam) Waxaadna maqlaysaa marar badan ayaga oo leh Soomaliland waxay u baahan tahay aqoonsi) oo yaa in kirsan in ay yihiin Soomaali!?

Qoladaan koonfurtu (Ictisaam) waagii hore waxaa dagaalka lagu galiyay Daaroodbaa indin gumaysta ee iska dhiciya oo ka saara magaaladadiina. Ma’aysan oran oo maxay noo dhimeen oo wadanka looga saarayaa!? Ma’aysan oran miyaan kala maaranaa!?



Daarood yaa badalay oo Xamar lagu soo dhaweeyay!?

Mar waa Maraykan, mar waa Xabashi, marna waa Balaayo madow. Qolakastaa markay timaado waxay ka liitaan Ina Siyaad Barre iyo Daaroodkii laga sifeeyay Xamar.

Wax lagu qoslo waxaa ah, bal fiiriya waa macquul in layiraahdo dadkii Xamar daganaa ee Soomaaliyeed waxaa dhibay kuwo meel kale ka yimid. Dadku waxay go’aan ku gaareen in ay xoog isaga saaraan baladaan ku habsatay. Ma xuma arintu haday saas tahay. Laakiin haday taladu adinka idinka timid, maxaa loo boobay wadankii aad ka xorayseen dowladdii dhiig miiratada ahayd!?

Maxaad Daarood markuu cararay uga daba cararteen!?

Maxaad uga qaxdeen wadankii aad ka xoraysateen Daarood!?

Maxaad qoxootiga u noqoteen sidii Daarood oo kale!?

Maxaa wali xabaddu idiinku socotaa gaalana idiinku dhex jirtaa!?

Jawaab u helimaysaan aan ka ahayn Alaylehe dagaalkaas waxaa watay gaalo iyo gaalo raacyo shacabkana waa la khayaameeyay. Gaalana waxay rabtay in ay wadanka qabsato.Waana haysataa ee see isaga kicinnaa!!?

Markaad wadankii banayseen ayaa la idiin soo dabamaray wana dantii gaaladu lahayd. Illaa haddana wax gartay arintaas waxaa ka jira wiilasha yaryar ee gaalada qoriga la hor taagan Soomaliduna leedahay khayrbaad naga hor taagan tihiin oo waxaad wadankii ka erideen Hay’adihii khayriga ahaa!!.

Ogaada gaalo Dowlad idiinkuma maqna mana rabaan in aad Dowlad noqotaan. Xataa ma rabaa middii shuuciyadda ahayd oo kale in ay idiin dhalato.Waxay rabaan in aad aduunwaynaha ku kala firirtaan oo kuwo fara badan oo adinka indin kamid ah ama carruurtiinu ay dib ugu soo celiso Soomaaliya ayagoo gaalo ah. Ciyaadan Billaahi.

Waxay idin la sugayaan oo ay idiinlugaynayaan caruurta wadamada gaalada ku dhalatay in ay qaan gaaraan oo ay wadanka dib ugu soo noqdaan ayagoo badalan. Waxay rabaan in ay dhamaadaan dadkii damiirka lahaa mid diineed iyo mid wadaniyad intaba.

Waxay rabaan. In ay gobol gobol wadanka u kala gooyaan oo xuduudo u yeelaan qola walbana ku dhahaan iska celiya kuwaan oo Xuduudihiina yay imaan. Annagaa idin taakulaynaynee.

Argagixisadana laaya iyo kuwaan diinta ku gabanaya (Shabaab) waa Takfiir qoladaan gaalada la dagaalamaysaa oo arintaas waxaa sheegay Culumada musaalaxada iyo Hay’atul Culamaa’ul Kibaar!.

Walaalayaal Itoobiya isla wakhtigaas ayaa Tigree gacanta loo galiyay wadanka Itoobiya. Wadankana lama burburin oo Mingistu ayaa lagu yiri raac diyaaraddaan oo wadankaas tag.

Shay walbana meeshuu yaalay lagama qaadin Milez ayaa taladii la wareegay gaaladuna waa ku kaal maysay.







Sawirka waxaa iska leh Markacadeey.com






Milezna waxaa lagu yiri qabso Itoobiya iyo Soomaliya, labadiiba waa diyaar, dad kula shaqeeyaana waa kuu diyaar labada wadanba. Soomaaliya iyo Itoobiya laga bilaabo 1991 waxaa maamula Millez iyo mid murtad ah oo magac Soomaaliyeed wata. Waana dantii laga lahaa burburkii ama duulaankii lagu soo qaaday 1991 Soomaaliya.

Rumayso in lagu shaqaysanayay jabhadihii magacyada badan lahaa ee lagula diriray dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Rumayso in lagu shaqaysanayay Dagaal oogayaashii Sagaalka ahaa.

Rumayso in lagu shaysanayo magaca Dowladeed ee karasayga ah.

Rumayso in lagu shaqaysanayo magaca Culamada Musaalaxada.

Rumayso in lagu shaqaysanayo macaga Hay’atul Culamaa’ul Kibaar.

Rumayso in lagu shaqaysanayo magaca Soomaali hebel laaaand.

Rumayso in ay been tahay shabaabku waa Takfiir iyo Khawaarij.



Aan ku soo laabto qormada iyo Imaaraddii Gobolka Gado


Dhibka aan ka soo sheekaynay markii uu dhacay 1991-dii. ayaa qola walbaa waxay u qaxday dagaankoodii ama meeshii reerkoodu u badnaa haday yihiin culumo ama dadkii caadiga ahaa. Gobolka Gado Waxaa u qaxay ninkii dhibkaan sabab u aha oo ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa kaloo qaxay dad fara badan oo Mareexaan ah. Mareexaan wuxuu tagay dhowr magaalo sida: Garbahaaray, Baardheere, Buurdhuubo, Buulo xaawo, Luuq iwm. Ina Siyaad Barre wuxuu fariistay Garbahaaray. Halkaasu marna weerar rogaal celis ah ka sooqaadaa marna isku difaaca.

Dadka qaxay waxaa ku jira culumadii dacwada kawaday wadanka gudahiisa gaar ahaan Xamar. Culumadaas intii dowladdu jirtay dacwadooda hoos ayey u wateen oo dadka waxay wax ku bari jireen guryo qarsoon.

Ninkii lagu ogaado in uu diin faa finayana waa la xiri jiray ayadoon laga hadalsiin. Waxaa lagayn jiray meel lagu magacaabo Godka. Waa dhulaka hoostiisa meel ah oo aan dib bambe laguu arkayn hadii lagu geeyo.

Waxaa tashaday ducaadii Mareexaan, waxay go’aan ku gaareen in laga faa’ iidaysto fursaddaan dahabiga ah mar haday bur burtay dowladdii shaydaanku ku shaqaysanayay Diintana diiday in dadka la gaarsiiyo, culumadiina xabsiyada ka buuxisay.








Bilowgii dacwada Gado




Ducaadii way is qaybiyeen. Qof walbana waxaa loo diray meeshuu ku haboonaa. Waxaa kamid ahaa raggaas ducaada ahaa:

1.Shiikh Yuusuf Sh Maxamuud

2. Shiikh Cumar aw Faarax

3. Shiikh Xasan Xuseen iy culumo kale.

Raggaas waxay galeen loolan dheer oo ka dhexeeyay ayaga iyo mooryaantii Mareexaanka oo difaacayay ama ilaalinaya Maxamed Siyaad Barre oo wali ka rajo qabay in uu ma rkale madaxwayne ka noqdo Soomaaliya.

Waxaa mooryaantaan ka darnaa oo meesha joogay Suufiyo inkaar qabta oo maradatu shayaadhiin ah. Suufiyada waxaa hogaaminayay nin lagu magacaabo Ina Taltaliini. TalTaliini kaligii ma ahayn ee wuxuu wataa Saaxiroolayaal fara badan oo la shaqeeya. Waxaa kaloo meesha ku habsaday ama jooga qoyskii dawladdu ka burburtay oo u qaadan la’ in la jabiyay oo kur sigii lagala wareegay.

Wadaadadu waxay dadka ku wacdiyaan ama uga digayaan waxaa kamid ahaa in aysan galina dagaalka fitnada ah, in ay joojiyaan dadka ay laynayaan shacabka ah, in ay joojiyaan dadka ay xoolohooda boobayaan iwm. Waxay ku guulaysteen dad badan in ay ka soo baxaan furintii dagaalka.


Arintaasi waxay dhibtay sadex qolo:


1: Madaxdii dowladdii dhacday oo uu kow ka yahay Maxamed Siyaad Bare.

2: Suufiyo oo yaqiinsan hadii wadaadadu ku guulaystaan in ay dadka gacanta ku dhigaan in ayaguna ay waayi doonaan mansabkoodii.

3: Qabiilka layiraahdo reer Faarax Ugaas oo uu ka dhashay Maxamed Siyaad Barre in Ilaahay u naxariistay mooyee.

Qoyskii waxay naf iyo maalba u diyaarsadeen in ay soo ceshadaan sharaftii, dowladnimadii iyo karaanadoodii ay dadka dhexdiisa ku lahaayeen hadda ka hor.

Waxay dadka ugu necbaayeen qofkii yiraahda yaan laga qayb qaadan dagaalka ehliga ah, yaan la layn dadka masaakiinta ah, ma banaana in loo hiiliyo mujrim, hala qaato shareecada Islaamka, halaga fogaado qabyaaladda iwm.

Waxaa joogay Gobolka rag fara badan oo ay Maxamed Siyaad hadda ka hor is qabteen oo ku faraxsan in kursigiisii laga tuuray.Waxaa kamid ahaa raggaas:

Ex. Gen: Cumar Xaaji Masale. Cumar wuxuu isku duba ritay wax Alla wixii Ina Siyaad Barre ku kacsanaa ciday rabaanba ha ahaadeen. Wuxuu fursad u helay in ay raacaan sufaho fara badan oo Mareexaan ah.Wuxuu xiriir la yeeshay Tigree.Wuxuu bilaabay dhaq dhaqaaq siyaasadeed.

Intaasoo mashaakilaad ah oo jiray iyo kuwa kale oo fara badan oo dadka dhexdiisa ah, Ilaahay wuxuu wadaadadii makansiiyay magaalooyin sadex ah: Buuloxaawo, Luuq iyo Doolow. Waxay heleen shacab u oomanaa barashada iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka, waxay heleen Ansaar fara badan, waxay heleen oo Dacwadii ajiibay odayaal dhaqameedkii in yar mooyee.

Waxay soo gaareen heer ay ku fakareen in ay dowlad dhisaan. Waxaa abuurmay jawi Islaami ah, waxaa aad u muuqday shacaa’irkii ka muuqday degmooyinkaas aan kor ku soo sheegnay sida: Xijaabkii gabdhaha, dugsi qur’aankii, machadyo diini ah iwm.


Xarakadii Al Itixaad waxay Iclaamisay shir loo dhanyahay in la isugu yimaado maalin hebla iyo meel hebla. Waxaa shirka lagu marti qaaday wax Alla wixii Mareexaan ahaa oo mas’uuliyad qaadi karay sida : Ugaaska, Odayaal dhaqameedka, Culimada, Aqoon yahaynka iyo Hay’adihii madaxa banaanaa.

Waxaa la soo xaadiray goobtii shirka dhamaan dadkii la’islahaa wax tarbay u yihiin bulshada. Waxaa yimid Ugaaskii beesha, waxaa yimid Odayaal dhaqameedkii, waxaa yimid aqoon yahan nadii, waxaa yimid dadkii larabay in ay masiirka ummadda hogaamiyaan.

Culumada meesha joogtay waxaa ka mid ahaa: Shiikh Maxamed Xaaji Yuusuf, Shiikh Maxamuud Macalim Nuur. Shiikh Yuusuf Axmed, Shiikh Cabdiraxmaan Oogle, Shiikh Aadam Beebee iyo culumo kale.

Shirkii waa furmay, waa la falanqeeyay waana la’isku afgartay. Waxaa kamid ahaa wax yaabihii la’isku afgartay in laqaato ku dhaqanka shareecada Islaamka. Waxaa lawada gaaray heshiis ah in diinta Ilaahay la difaaco oo cadowgeedana meel looga soo wada jeesto. Waxaa la soo gaaray heshiiska qodobadiisii in la saxiixo.



War naxdin leh oo ka yimid meel aan laga filayn.


Akhristayaalow markii la diyaariyay nuqulkii ama waraaqihii la saxiixayey ayaa sida caadadu tahay waxaa loo soo dhaweeyay cidda u mudan in ay saxiixdo ugu horayn waraaqaha.

Wuxuu noqday Ugaas Cumar Ugaas Xirsi. Mareexaan halkaas ugaas buu leeyahay meel uu joogaba sida runta ah.Ugaas Cumar waa diiday in uu saxiixo ku dhaqankii shareecada Islaamka!!.

Afka iyo gacanta ayaa la’isa saaray ama dhabanka iyo gacanta yaab dartii. Waa la is fiirfiiriyay.Hadal hoosaa bilowday wax ku dhiiradaa la waayay la hadalka Ugaaska. Rag kala calool adag kalana geesisan. Ninbaa hadlay wuxuu muqadamo ka dhigtay ama iska hor mariyay maah maah.

Wuxuu yiri “Hadda ka hor ayaa nin waxa uu doonay gabar uu dhalay nin Ugaas ah, waxaa la damcay in ugaaskii la siiyo Sooryo, waxaa la garan waayay ugaaskii wixii sooryo u noqonlahaa oo dadku siday la’ahayd ama dhaqanku yahay ugaasku meel wayn ayuu dadka kaga yaalaa oo waxaa l arabaa wax wayn in lasiiyo.

Cabbaar hadii la’aamusnaa ayaa nin hadlay. Wuxu yiri anaa aqaan ugaas waxa sooryo u ah. Wuxuu yiri waxaa sooryo u ah gabadh aabeheed wixii sooryo u ahaan jiray. Aan si kale u dhoho, wuxuu yiri waxaa sooryo u ah wixii nin gabadh laga guursaday sooryo u ahaan jiray”.

Maah-maahdii markuu dhamaystay ayuu hadalkii sii watay oo wuxuu yiri ugaas hadaad diiday ku dhaqankii shareecada Islaamka waxaan kuleeyahay ugaas waa nin waxaadna tahay nin Mareexaan kamid ah shareecadiina waan qaadanay iyo ku dhaqankeedii.

Waxaana bilowday in ay saxiixaan heshiishkii Odayaashii Mareexaan marka laga reebo ugaaskii oo diiday in shareecada Islaamka la’isku xukumo. Waa la ducaystay shirkiina waa xirmay. Waxaa lagu balamay in si wada jir ah diinta Ilaahay loo difaaco.

Ugaasku muxuu shirka u yimid haduusan doonayn ku dhaqanka shareecada Islaamka!? Muxuuse ku badashay shareecadii uu diiday!? Ugaasku haduu diiday dowladdii Islaamka ahayd ee Mareexaan intiisii kale qalinka ku duugtay dowlad caynkee ah ayuu rabaa!?


Nabadoonka ugaaska u maah-maahay waxaa la oran jiray Xaashi Diiriye Maxamuud (Hudey)

Dowladdii Al-itixaad dhidibada u aastay Mareexaanna ku waafaqay ma hirgashay oo dadkii wax ma’u qabatay oo ma laga faa’iidaystay?

Caydiid oo baacsanaya Haraadigii Daarood ama Mareexaan ma ka nabadgaleen wadaadadii dowladda dhistay?

Ugaaskii xaggee ku dambeeyay?

Su’aalahaas iyo kuwo kalaba waxaan uga jawaabi doonnaa qormadeena dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

http://somalimemo.net/index.php?option= ... &Itemid=28
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by Shift »

Cool,

Wax xun meysan sheegin,actually marexaan weey amaneen.You gotta start from the first article to apreciate this story.Its about itixaad and their long journey.They started it from parti-1 and now on 29.
User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

Re: somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by ibrahimcw »

ina bulxan aun was not part of the terrorist organisation known as alshabab, he was ofcourse not suufi but a mainstream muslim who was teaching diinta in Caabudwaaq, unfortunately the Suufis at that time were less open minded and very reluctant towards different types of development, doctors, educators etc were also targets, this is why a town with such large diaspora was left behind in time.

i dont like to go back to this very dark chaprter in Caabudwaaq's History, we should move on and appreciate how things have changed for the better. :up:
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by CoolPoisons »

Shift wrote:Cool,

Wax xun meysan sheegin,actually marexaan weey amaneen.You gotta start from the first article to apreciate this story.Its about itixaad and their long journey.They started it from parti-1 and now on 29.
see ii amaaneen when they said Rer Siyad Husein and Celi are against Islam
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by The_Patriot »

CoolPoisons wrote:
Shift wrote:Cool,

Wax xun meysan sheegin,actually marexaan weey amaneen.You gotta start from the first article to apreciate this story.Its about itixaad and their long journey.They started it from parti-1 and now on 29.
see ii amaaneen when they said Rer Siyad Husein and Celi are against Islam
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
well the rest are who are the Majority IMO :mrgreen:
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by Shift »

CoolPoisons wrote:
Shift wrote:Cool,

Wax xun meysan sheegin,actually marexaan weey amaneen.You gotta start from the first article to apreciate this story.Its about itixaad and their long journey.They started it from parti-1 and now on 29.
see ii amaaneen when they said Rer Siyad Husein and Celi are against Islam
Dee marexaan o idil ma aha rer siyad iyo celi,even those two qoraaga waxuu ka dacwooday a few people.But over all read where he talks about how all of marexaan agreed to rule by the quran,shirki gedo ka dhacay.Ma amaan intaa ka fiican baa jirta?
Waxaa la soo xaadiray goobtii shirka dhamaan dadkii la’islahaa wax tarbay u yihiin bulshada. Waxaa yimid Ugaaskii beesha, waxaa yimid Odayaal dhaqameedkii, waxaa yimid aqoon yahan nadii, waxaa yimid dadkii larabay in ay masiirka ummadda hogaamiyaan.

Culumada meesha joogtay waxaa ka mid ahaa: Shiikh Maxamed Xaaji Yuusuf, Shiikh Maxamuud Macalim Nuur. Shiikh Yuusuf Axmed, Shiikh Cabdiraxmaan Oogle, Shiikh Aadam Beebee iyo culumo kale.

Shirkii waa furmay, waa la falanqeeyay waana la’isku afgartay. Waxaa kamid ahaa wax yaabihii la’isku afgartay in laqaato ku dhaqanka shareecada Islaamka. Waxaa lawada gaaray heshiis ah in diinta Ilaahay la difaaco oo cadowgeedana meel looga soo wada jeesto.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by CoolPoisons »

^^ adiga ma afsomaliga kugu adag

Maqaalka wuxu maagay beelaha dega Mudug hadi laga reebo Rer Mohamud Gulayd.

Then wuxuu amaanay Rer Gedo. Where do U think the shirka was? it was in Gedo. xaruntii Itihad.

Rer Waqoyi Galgadud hated Itihad thats why these Shiskabab lovers hate Rer Mudug
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by Shift »

Aniga marexanoo dhan baan isku qaaday walaa mudug walaa gedo lakiin hadaad adigu u doodeysid reer mudug waa hagaag,by the way doesnt gedo count for 80% of marexaan?
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: somalimemo maqaal: dhibka Marehan waa Rer Mudug

Post by Voltage »

It is true reer Maxamuud Guuleed were the first Al Itixaad supporters in Marehan Mudug. The biggest doctors in Caabudwaaq were reer Maxamuud Guleed and they were chased out. They practice in Boosaaso now.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”