Gaalkacyo (RBC Radio):- Dibadbax balaaran oo lagu taageerayo go’aanka dowladda Puntland ay ka qaadatay xiriirka dowladda FKMG Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Banaanbaxa ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, Nabaddoonada, Waxgaradka, Ururada haweenka, Ururada bulshada rayidka ah, Ardeyda iyo macalimiinta dugsiyada magaalada iyo qeybo ka mid ah dadweynaha magaalada Gaalkacyo.
Rag iyo dumar ku lebisan Calankii Soomaaliya iyo dharka hidaha iyo dhaqanka oo wata calamo iyo warmo ayaa dibadbaxa ka soo qeybgalay kuwaasi oo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin Doolar qaate dooni mayno, Dal iibsade dooni mayno, Daneyste dooni mayno, Dadkiisa ma kalkaale dooni mayno iyo ereyo kale oo xamaasadeysan.
Ururada Haweenka Gaalkacyo Oo Ku Lebisan Calanka Soomaaliya
Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad iyo Duqa magaalada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa waxay madasha dibadbaxu ka dhacayey waxay ka sheegeen in ay ka soo horjeedaan siyaasada Madaxweyne Shariif, isla markaana ay taageerayaan oo ay kalsooni buuxda siinayaan go’aanka Madaxweynaha Puntland iyo Golihiisa Wasiiradu ay gaareen ee ah in xiriirka loo jaro dowladda Shariif.
Odayaasha dhaqanka oo ay ugu horeeyaan Nabaddoonada gobolka Mudug ayaa aad u dhaliilay siyaasada Madaxweyne Shariif oo ay ku sheegeen mid guracan oo ku saleysan qabiil iyo isir neceyb, waxayna qaar ka mid ah Nabaddoonadu ugu baaqeen Madaxweyne Shariif in uu iscasilo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad oo la hadlaya dibadbaxayaasha
Ururada Haweenka ayaa dhinacooda mas’uuliyiin u hadlay waxay ka dhawaajiyeen in ay taageerayaan go’aanka Dowladda Puntland ay ka qaadatay dowladda FKMG Soomaaliya, waxayna eedeyn u soo jeediyeen Madaxweyne Shariif, iyagoo ka dhawaajiyey in lacagaha uu diyaarada ku raaco Madaxweyne Shariif ay ka badan tahay dadka ku dhibaateysan dalka gudihiisa haddii uu wax qabanayo.
Ardeyda wax ka barata dugsiga sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo oo dibadbaxa ka qeybgashay
Ardeydii ka soo qeybgashay dibadbaxa qaar ka mid ah oo dadweynihii banaanbaxa isugu yimid la hadlay waxaa ay ka dhawaajiyeen in danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku jirto in la helo hoggaan caddaaladeed oo aan aqoon qabyaalad, eex iyo hanti lunsasho, taasina aysan muuqan waqtigani sida ay hadalka u yiraahdeen, waxayna intaa ku dareen in ay ku kalsoon yihiin dowladda Puntland ayna uga dambeynayaan aayaha dadka iyo deegaanada Puntland.
Dibadbaxayaasha oo ay horkacayaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug ayaa socdaal dheer ku soo maray wadooyinka waaweyn ee gudaha magaalada Gaalkacyo iyaga oo isla jiibinaya ereyo ay si xamaasadeysan ugu dhawaaqayeen oo ay ka mid ahaayeen Doolar qaate dooni mayno, Dal iibsade dooni mayno, Daneyste dooni mayno, Dadkiisa ma kalkaale dooni mayno.
![]()
Galkayo: demostration against tfg
Moderator: Moderators
- damu
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Galkayo: demostration against tfg
- EastAfrica
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1371
- Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
- Location: Las Anod, SSC-SOMALIA
Re: Galkayo: demostration against tfg
Laba Wasiir...Kaama yeelin Walee Waan Kaa Goosanayaa Somaliya


Re: Galkayo: demostration against tfg
Re: Galkayo: demostration against tfg
Somali-diids 
- damu
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Galkayo: demostration against tfg
garowe demostration...reer nugaal supporting the gov.
dangorayo
Mudaaharaad balaaran oo ka dhan ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shariif Sheikh Axmed iyo Raysalwasaarihiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Banaanbaxa waxaa soo qaban qaabiyey dadweynaha ku dhaqan magaalada iyadoo ay u badnaayeen Haweeenka,waxaana ay socod kusoo mareen waddooyinka magaalada iyadoo ay ku muujinayaan sida ay u taageersanyihin go’aankii Dawladda Puntland ay ka qaadatay Federaalka.
Qaar kamid ah Haweenka banaanbaxa dhigaayay oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan hadalkii kasoo yeeray Raysalwasaare Farmaajo ee ku aadan in shacabka aysan ku raacsaneen Dawladda Puntland go’aanka ay xirrirka ka goosatay Dawladda Federaalka.
Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo kamid ah Nabadoonada ugu caansan Puntland oo ka hadlay mudaharaadka ayaa sheegay in madaxda Dawladda Federaalka ay u cadeynayaan in shacabka iyo Dawladda Puntland ay mideysanyihin.
Si kastaba mudaharaadkaan ayaa imaanaya xilli maalinimadi shalay mudaharaad tan lamid ah uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Horseed Media
Dhinaca Kale Degmada Dangorayo ee Gobalka Nugaal ayaa Waxaa ka Dhacay Dibadbax Caynkan ah oo looga Soo horjeedo Dawlada Soomaliya laguna taageerayo Habka ay Xiriirka Dawlada Soomaliya Gonaa,ka uga Qaadatay Puntland.
Dhamaan Dibadbaxyadani ayaa Imaanaya Xilli Malinimadii shalay Deegaano badan oo ka mid ah Puntland ay ka dhaceen Dibadbaxyo Caynkan ah oo lagu taageerayo Go,aanka Dawlada Puntland ay Xiriirka ugu jartay Dawlada Soomaliya.
Last edited by damu on Thu Jan 20, 2011 10:42 am, edited 1 time in total.
- damu
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Galkayo: demostration against tfg
reer bosaso
Nabadoonada,Aqoonyahanada iyo Haweenka ku dhaqan gobolka Bari ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kaas oo ay kaga hadlayeen go’aankii Dawladda Puntland ay ka qaadatay Dawladda Federaalka iyo hadalka kasoo yeeray Raysalwasaare Farmaajo.
Kulanka maanta oo ka dhacay xarunta guriga gobolka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf,Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje iyo masuuliyin kale.
Ugu horeyn waxaa ka hadlay Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim Xarago oo ah Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari,wuxuuna sheegay in shacabka iyo Waxgaradka gobolka ay soo dhoweynayaan go’aankii kasoo yeeray Dawladda Puntland isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalka kasoo yeeray Raysalwasaare Farmaajo oo ku aadan in shacabka Puntland ay go’aankaas la qabin Dawladda.
Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka gobolka Bari Faadumo Nuur (Mama Africa) oo ku hadashay afka Haweenka gobolka Bari ayaa si kulul u cambaareysay hadalka kasoo yeeray Raysalwasaaraha.
”…Waxaa nasoo gaarey hadal aan malaysanaynin oo kasoo yeertay Raysalwasaaraha,waana mid meel ka dhac…”,ayay tiri.
Waxaa ay intaas ku dartay in shacabka reer Puntland iyo Dawladda ay mideysanyihin isla markaana mar weliba shacabka ay taageerayaan go’aanka kasoo yeeray Dawladooda.
Kulanka oo ay ka hadleen Nabadoono iyo Haween kale ayaa si aad ah looga soo horjeestay hadalka Raysalwasaaraha iyadoo si weyn lagu taageeray go’aankii Dawladda Puntland.
Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Puntland aysan ku qanacsanayn go’aanka ay gaartay Dawladda Puntland isagoo sheegay in go’aankaas ay fursad siinayso kooxda Shabaab.
- damu
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Galkayo: demostration against tfg
benelux
north amerikaBAYAAN: Taageerid Jaaliyadda Punland ee Benelux.
Qaymeen Dheer: Jaaliyadda Puntland ee Benelux markii ay aqrisatey, fahantey, qiimeysay qarraarkii ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Waxaan halkaan ku cadeynaynaa in aan taageersanahay qarraarka ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed.
Waxaana dhamaan halbolayaasha dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ee ugu horeeyo madaxweynaha dowlad Puntland Mudane Dr. A.M.M. Faroole, golaha wasiiradda iyo golaha baarlamaanka aan ugu hambelyeynaa goáanka ay dowladda Puntland qaadatey oo ah mid geesinimo ah.
Boorin;Shacabka Puntland ee ku nool Puntland waxa aan ugu baaqeynaa in ay shucuubtooda ku muujiyaan banaabaxyo ay ku taageerayaan goáan ay dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ay qaadatey.
Warsan,
Ahmed Abdi Ali(Cilloon)
Gudoomiyaha jaaliyadda Benelux ee Puntland.
Baaq: Qurba Joogta Puntland ee North America oo Taageerey Goaanka Dowlada Puntland.
Ururka Isku Xirka Bulshada & Dowlada Puntland
Kudayopuntland@Yahoo.com
Jan 18 2011
Waxaa Taageero aad u baaxad weyn ugu taageersanahay hadaanu nahay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland ee ku nool dalalka USA iyo Canada goaankii ay dowlada Puntland ay ka qaaadatay Dowlada kumeel gaarka ah oo ay xiriirka iyo wada shaqeynta ugu goysey
Madaxweynaha Cabdiraxmaan Faroole, Golaha Wasiirada, & Xildhbaanada Puntland waxaanu leenahay waan idinku garab taagan nahay hormarinta danaha Puntland
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 39 Replies
- 3409 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 59 Replies
- 2532 Views
-
Last post by Bagamundo
-
- 0 Replies
- 351 Views
-
Last post by OAF
-
- 96 Replies
- 5233 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 3788 Views
-
Last post by biko
-
- 6 Replies
- 652 Views
-
Last post by ali military
-
- 51 Replies
- 2688 Views
-
Last post by dhuusa_deer
-
- 36 Replies
- 3554 Views
-
Last post by PanSomaliNationalist








