Page 1 of 1

Agoomaha iyo Naafada Ciidanka Qaranka

Posted: Thu Jan 20, 2011 2:25 am
by Goljano Lion
Agoomaha iyo Naafada Ciidanka Qaranka oo Banaan-bax sameeyey, eeddo kululna u jeediyey Xukuumada Somaliland


Hargeisa(waaheen) Qaar ka mida ah Mujaahidiinta , Agoomiha SNM iyo Naafada Ciidanka Qaranka ee ku dhaqan Magaalada Hargeisa ayaa shaaca ka qaaday in aanay marnaba aqbali doonin Qorshaha ay Xukuumada Somaliland kaga Reebtay Mushahar kordhinta ay u samaysay Ciidamada iyo shaqaale weynaha kale ee dalka,isla markaana ay ka dhiidhiyi doonaan talabadaasi ay Xukuumadu kula kacday,taasoo sida ay sheegeen ula muuqata Arxan daro kaga timi Ragii Hogaaminayey wakhtigii halganka ee iyaga oo dhaawaca kaga tagay Halka ay Maanta joogaan,kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay abaal uga dhigeen inay Xaqooda duudsiyaan markii ay talada dalka mar kale gacanta ee ay codkooda ku soo saareen.

Mujaahidiintan iyo Hooyooyinka Agoomaha ah ee SNM oo ay weheliyaan Qaar ka mida ah Naafada Ciidanka Qaranka Somaliland oo Maanta banana bax ka hor sameeyey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ee Magaalada Hargeisa waxay sidoo kale Xukuumada Siilaanyo ku Canaanteen,sida ay indhaha uga xidhatay Duruufaha qalafsan ee shacabka la soo darsay Mudaddii koobanayd ee ay dalka ka taalinaysay oo ay ugu weynyihiin dhaqaale Xumada iyo Sixirbararka baahsan ee Bulshada ku habsaday,Sida uu sheegay Mid ka mida Naafada Ciidanka Qaranka Somaliland oo markii ay banan baxa samaaymayeen Warbaahinta la hadlay. “ Bahalka Diibka la yidhaahdaa Masa-cagalayda Ma cuno, bakaylaha Ma Cuno,waraabaha ma Cuno oo Harimacadka ma Cuno,laakiin intii Xukuumada Cusubi dhalatay ayaa intaba la cunay Baahi Awgeed,markaa iyadoo dadkii bakhtiyayaan ayaa annagana taan naluugu daray”.

Muj:C/lahi Aabi oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee waxyeeladu ka soo gaadhay Dagaalkii Hubaysnaa ee ay kula jireen Taliskii Siyaad barre oo isaguna Mujaahidiinta Maanta Cabashada la hortegay wasaaradda Gaashaandhiga ku jiray ayaa si kulul ugu eedeeyey Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada Gaar ahaan Madaxweynaha iyo Hogaanka sare ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,kuwaasoo oo uu sheegay inay ahaayeen Hogaankoodii SNM ee xiligii Halganka,islamarkaanaa markii ay dalka xoreeyeen iyaga oo dhaawaca ay kaga dhaqaaqeen cidla,hadana markii ay talada dalka dib ugu soo celiyeen ee ay cod ku soo saareen ay talaabadaasi Araxan darada ah ugu abaal gudeen,waxaanu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya. “nimanka hada dalka taladiisa la wareegay waxay ahaayeen hogaankayagii SNM,waxaanay markii dalka la xoreeyey nagaga dhaqaaqeen halka aan maanta joogno,annagoo dhaawac ah,markii aanu taladii dalka maanta faryada ugu soo celinayna waxay Abaal nooga dhigeen,inay yidhaahdaan Mushaharka loo kordhin maayo oo dhegahayaga ku soo dhacay,waxaanu ka yeelaynana maaha”.

Qaar kaa mida ah Hooyooyinka Agoomaha Haysta ee Mujaahidiintii SNM iyo Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale Xukuumada ku dhaleeceeyey talabadan ay ku kacday Mushahr kordhin la,aanta,waxaanau Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyada ka Codsadeen inay Go,aankaasi ka noqodaan oo Mushaharka loo kordhiyo,sida shaqaalaha iyo Ciidamada kale ee dalkaba loogu kordhiyey.

Cabashadan muj: Agoomaha iyo Naafada Qaranka ayaa ku soo beegmaysa Xili wasaaradda Maaliyadu ku mashquulsantahay diyaarinta Miisaaniyada Qaranka ee sanadka 2011 oo ay ku jirto mushahar kordhinta shaqaalaha iyo Ciidamada dawlada Somaliland,mana jirto wax Jawaab ah oo ilaa hadda ay Xukuumadu ka bixisay banana baxan ay ku dhaqaaqeen Muj, Agoomaha iyo Naafada Ciidamada Qaranka Somaliland.

Image

Re: Agoomaha iyo Naafada Ciidanka Qaranka

Posted: Thu Jan 20, 2011 2:37 am
by Cali_Gaab
Tell them to shut the fuck up.

Re: Agoomaha iyo Naafada Ciidanka Qaranka

Posted: Thu Jan 20, 2011 3:48 am
by 2ndtoNone
aren't these agoomah going to get free education. waar put a sock in it ku dheh.

Re: Agoomaha iyo Naafada Ciidanka Qaranka

Posted: Thu Jan 20, 2011 9:39 am
by Siciid85
They need help not redicule guys. Show some beer jileec.

Re: Agoomaha iyo Naafada Ciidanka Qaranka

Posted: Thu Jan 20, 2011 9:43 am
by djibsomali
wallahi they should shut the fuck up as the other said!!

Waar meeshaa there are agoomoo of ciidamoo beeleydyaa dadsaan miin zeilac iilaa iyoo las canood!
Hargeisa should not be any different!!!