
Gaalkacyo (RBC Radio):- Dibadbax balaaran oo lagu taageerayo go’aanka dowladda Puntland ay ka qaadatay xiriirka dowladda FKMG Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Banaanbaxa ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, Nabaddoonada, Waxgaradka, Ururada haweenka, Ururada bulshada rayidka ah, Ardeyda iyo macalimiinta dugsiyada magaalada iyo qeybo ka mid ah dadweynaha magaalada Gaalkacyo.
Rag iyo dumar ku lebisan Calankii Soomaaliya iyo dharka hidaha iyo dhaqanka oo wata calamo iyo warmo ayaa dibadbaxa ka soo qeybgalay kuwaasi oo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin Doolar qaate dooni mayno, Dal iibsade dooni mayno, Daneyste dooni mayno, Dadkiisa ma kalkaale dooni mayno iyo ereyo kale oo xamaasadeysan.

Ururada Haweenka Gaalkacyo Oo Ku Lebisan Calanka Soomaaliya
Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad iyo Duqa magaalada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa waxay madasha dibadbaxu ka dhacayey waxay ka sheegeen in ay ka soo horjeedaan siyaasada Madaxweyne Shariif, isla markaana ay taageerayaan oo ay kalsooni buuxda siinayaan go’aanka Madaxweynaha Puntland iyo Golihiisa Wasiiradu ay gaareen ee ah in xiriirka loo jaro dowladda Shariif.
Odayaasha dhaqanka oo ay ugu horeeyaan Nabaddoonada gobolka Mudug ayaa aad u dhaliilay siyaasada Madaxweyne Shariif oo ay ku sheegeen mid guracan oo ku saleysan qabiil iyo isir neceyb, waxayna qaar ka mid ah Nabaddoonadu ugu baaqeen Madaxweyne Shariif in uu iscasilo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad oo la hadlaya dibadbaxayaasha
Ururada Haweenka ayaa dhinacooda mas’uuliyiin u hadlay waxay ka dhawaajiyeen in ay taageerayaan go’aanka Dowladda Puntland ay ka qaadatay dowladda FKMG Soomaaliya, waxayna eedeyn u soo jeediyeen Madaxweyne Shariif, iyagoo ka dhawaajiyey in lacagaha uu diyaarada ku raaco Madaxweyne Shariif ay ka badan tahay dadka ku dhibaateysan dalka gudihiisa haddii uu wax qabanayo.


Ardeyda wax ka barata dugsiga sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo oo dibadbaxa ka qeybgashay
Ardeydii ka soo qeybgashay dibadbaxa qaar ka mid ah oo dadweynihii banaanbaxa isugu yimid la hadlay waxaa ay ka dhawaajiyeen in danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku jirto in la helo hoggaan caddaaladeed oo aan aqoon qabyaalad, eex iyo hanti lunsasho, taasina aysan muuqan waqtigani sida ay hadalka u yiraahdeen, waxayna intaa ku dareen in ay ku kalsoon yihiin dowladda Puntland ayna uga dambeynayaan aayaha dadka iyo deegaanada Puntland.
Dibadbaxayaasha oo ay horkacayaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug ayaa socdaal dheer ku soo maray wadooyinka waaweyn ee gudaha magaalada Gaalkacyo iyaga oo isla jiibinaya ereyo ay si xamaasadeysan ugu dhawaaqayeen oo ay ka mid ahaayeen Doolar qaate dooni mayno, Dal iibsade dooni mayno, Daneyste dooni mayno, Dadkiisa ma kalkaale dooni mayno.

