New school opened Uur'madag tuulo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
ibrahimcw
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1324
Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys

New school opened Uur'madag tuulo

Post by ibrahimcw »

Image

Image

Image

Tuulada uur’madag ee ismaamulka ithoiphia ayaa waxaa ka furan school ay wax ku bartaan dadka deegaankaas waxaana iskulkaasi gacanta ku haya dadka deegaanka,

Schoolka uur’madag waxaa uu ka mid ayahay meelaha sida aadka ah wax looga barto waxaana iskuulkaasi gacanta ku haya dad degan degmada caabudwaaq kuwasoo dhaqale ahaan iyo maamul ahanaba ka warqaba.

Mid ka mid ah odaaysha tuulada uur’madag ayaa idaacada badbaado u xaqiiiyay in ay yartahay tayadooda waxbarasho laakiin ay dhaanto waxbarasho la’aanta ka jirta tuulooyin badan oo naga hareersaysan.

Sidoo kale tuuladaasi oo booqasho ay ku tageen wariyaal ka tirsan radio badbaado ayaa waxaa ay ku soo arkeen nolosha magaaladaasi tasoo ay ku nool yihiin dad aad u farabadan waaxaaa ka ira ganacsi yar yar oo aad ku dhex arkeysid gudha tuuladaasi waxaana ku badan dadka reer miyiga ah ee iskaga huleelatuuladasi waxaaa sidoo kale aad ka helaysa hilibka xoolaha oo raqiis ah islamarkaasna fresha ah caanaha ayaga xiliga barqada ah waa ay iska dhooban yihii waloow hada ay tahay xili abaareed oo dadka tuulada ay kuu sheegayaa in hada caanuhu ay aad u yaryihiin laakiin marnaba caano la’aan ma noqoto tuuladaasi.

Schoolka uur’madag waxaa macalimiin ka ah laba macalin waxaana ay nosaheegeen in aysan haysan wax mushaar ah islamarkaasna ardeyda waxaa ay ku fadhiyaan oo wax ku bartaan koonbooyin sidoo kale waxaa aad ugu yaraa jeestooyinka wax lagu qoro iyo sidoo kale buugaagta ardeyda ay wax ku qortaan, mana lahan ardeyda tuuladasi wax kabarata yunufoon ama dhar isku ego o ay wax ku bartaan.

Laakiin waxaa gesinimo lagu amaani karo ah shacabka tuulada uur’madag hirgalinta goobtaan waxbarasho tasoo iftiin u noqotay magaaladaasi.

Badbaadonet Tuulada Uur’mada

Siciid Cabdi jaamac
User avatar
BaasAbuur
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2868
Joined: Mon Dec 09, 2002 7:00 pm
Location: Appealing for the release of Volkert van der Graaf.

Re: New school opened Uur'madag tuulo

Post by BaasAbuur »

Anyone has pictures of Neef Kuceshe Town?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”