Page 1 of 1

Somalia´s Parliament: Sheikh sharif, your time is over!

Posted: Fri Jan 21, 2011 5:22 pm
by Coeus
Mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia oo sheegay iney dhamaatay xiligii 2-sano aheyd ee madaxweyne Shariif loo doortay talada dalka kuna baaqay doorasho hogaan cusub


Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka somalia ah isla markaana ka mid ah xubnaha ugu cadcad ee doorka muuqda ka soo qaatay dhismaha Golaha Baarlamaanka iyo Dowladda Somalia ayaa sheegay inuu dhamaaday amaba maalmo kooban ay ka dhiman yihiin xiligii labada sano aheyd ee Madaxweyne Shariif loo doortay inuu hogaamiyo Dowlada Somalia taasoo uu sheegay iney ugu egtahay 1-da Febraayo ee sanadkan 2011-ka oo ku beegan xiligii loo dhaariyey xilkaas

Xildhibaan Seeko ayaa ugu baaqay golaha Baarlamanka Somalia inuu bilaabo qabanqaabada doorasho madaxweyne cusub oo ku aadan madaxweynihii bedeli lahaa Shariif oo sida uu sheegay xiligiisa uu dhamaaday, wuxuuna sheegay in arintaasi ay mid sharci ah oo loo baahan yahay in la dhaqan geliyo.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka inuu isagu ka mid yahay mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee u istaagay inay badbaadiyaan qaranimada wadanka, sidaasi daraadeedna isaga iyo mudanayaal ka badan 50-xildhibaan ay magaalada Nairobi ka soo saareen bayaan ka koobnaa qodobo dhowr ah oo mudanayaashaasi talo ahaan ku soo jeediyeen.

Bayaanka ay soo saareen mudanayaasha Baarlamaanka qaarkood, ayuu sheegay Xildhibaan Cali Seeko inry ku sheegeen in mudada xilka Madaxweynaha ay ku eg tahay 1da Febraayo, sidaasi daraadeedna Golaha Baarlamaanka uu soo dooranayo Madaxweynaha bedelaya, isagoo meesha ka saaray in Madaxweynaha iyo Golaha Baarlamaanka ay meesha ka baxayaan oo wadanku noqonayo dowlad la'aan, taasi oo uu sheegay Xildhibaan Seeko in mudada Golaha Baarlamaanka ay ku eg tahay 22-ka Agosto ee sanadkan.

"Cidii rabta Madaxweyne ama Ra'iisal Wasaare ha isku diyaariso doorasho, bacdamaa aanay suurogal xilligan ahayn doorasho dadweyne Golaha Baarlamaanka ayaa doorashadaas iska leh" ayuu yiri Xidhibaan Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo sheegay in bayaanka ay soo saareen uu tilmaamayo doorka uga aadan Golaha Baarlamaanka xilliga kala guurka ah.

"Haddii Madaxweynaha mudada xilkiisa dhammaato micnaheedu ma aha in Baarlamaankana dhacay, isaga ayaana dooranaya shaqsiga bedelaya" ayuu yiri Xildhibaan Cali Seeko oo sheegay inaysan waxba ka jirin hadallo ka soo yeeray shaqsiyaad aan haba yaraatee waxba ka ogeyn nidaamka dowliga ah, kuwaasi oo uu sheegay inay marin habaabinayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Shirkii u dambeeyey ee Jabuuti waxaa lagu kordhiyey Baarlamanka 275 tasoo ka dhigtay tiradiisa 550 xubnood waxaana wax laga bedelay qodobo ka mid ah axdiga waxaana la kordhiyey mudada jiritaanka Baarlamanka waxaana lagu daray 2 sanadood marka ay dhamaato xiliga TFG-da ee shanta sano oo markaas ay ka harsaneyd ugu yaraan 9 bilood. Madaxweyne ayaa la doortay 31-kii Janaayo 2009-kii waxaana xika loo dhaariyey 1-da bishii febraayo ee isla 2009-ka waxaana loo sheegay in mudada xilkiisa ay tahay 2 sano hadda waa ay ka dhamaaday waxayna ugu egtahay bishan febraayo 1-deeda ee 2011-ka” ayuu intaa ku daray xildhibaan Cali Seeko.

Waxaa uu intaa ku daray xildhibaan Seeko in arintan ay tahay mid sharci ah oo cad isla markaana ay la qabaan kala bar xildhibaanada baarlamanka, xusay in qoraallo arintan ku saabsan ay u diri doonaan wadamada beesha caalamka iyo ururada taageera dowlada haddii buu yiri madaxweynaha uu diido inuu waqtigi ka dhamaaday “anagu qori ma wadano, waxaan nahay xildhibaano waxaana ilaalineynaa sharciga dalka” ayuu intaa ku daray Cali seeko oo qiray waxbaqabad la’aanta baarlamanka iney qeyb ka tahay eedeeymaha loo jeediyo dowlada ee ku adan horumar la’aanta.

Hadalka xildhibaan seeko ayaa ku soo beegmaya Iyadoo maalmo kooban ka dib Madaxweyne Shariif ay u buuxsameyso mudada uu xilka hayey 2-da sano, isla markaana ay jirana dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad horay madax uga soo noqday dowladihii dalka soo maray, laguna doonayo in dalka uu ka dhaco isbedel siyaasadeed oo dhinaca madaxtooyada ah, laga guuro n nidaamka kmg gaar ah laguna bedelayo dowlad rasmi ah

Re: Somalia´s Parliament: Sheikh sharif, your time is over!

Posted: Fri Jan 21, 2011 5:26 pm
by The_Emperior5
they don't decide the future of TFG the international clan does in newyork and they said AUGUST we will see