African union: More soldiers to Somalia
Posted: Fri Jan 21, 2011 5:26 pm
Midowga Africa oo sheegay in ay kordhin doonaan Askarta ka joogta wadanka Soomalia.
Golaha Nabad galyadda iyo Amaanka Midowga Afirca ayaa waxa khamiistii shaley sheegeen in ay kor dhin doonaan Askarta nabad ilaainta midowga afrika ee haatan jooga Magaaladda Muqdisho.
Midowga Africa ayaa sanadkii 2007- waxa ay isku raaceen Somalia in loo diro 8,000-oo ciidam Xoogan kuwaas oo ka qayb qaata dagaaladda lagula jiro Xoogaga dowladda ka soo horjeedo,Waxa kaloo golaha Amaanka iyo nabad galyadda Midowga Africa ay kordhiyeen waqtiga ciidamadda ee 12-bilood kuwaas oo bilaabanaya 17 January, 201
Golaha waxa ay diiradda saaran dagaaladda wali ka socda wadanka Somalia,kuwaas oo ay dad badan ku dhinteen..
Uganda iyo Brundi ayaa hadda waxa yihiin wadamadda ku deeqay howlgalka AMISOM ay ka wadaan Somalia oo bilowday sanadkii 2007-da,waxa ay maamulaan xarumaha dowladda,garoonka duyuuradaha iyo dekadda Muqdisho.
Si kasta,go'aankan Midowga Africa waxa uu immanaya Xilli golaha Amaanka QM ay ku kordhiyeen 4,000 oo ciidan ciidamadda AMISOM ka joogta wadanka Somalia .
dhinaca kale Gudiga Isku xirka Amaanka ee loo soo gaabiyo (JSC) ayaa kulan waxa shaley kula yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud QM u qaabisan Arrimaha Somalia Augustine Mahiga,kulankan ayaa diiradda waxa lalgu saaray siddii loo xoojin lahaa taageerida dowladda KMG Somalia oo hadda waqtigeeda uu wax yer ka dhimanyahay..
Guddigan oo labo sano ka hor la dhisay ayaa waxa uu yimid kadib markii dowladdii hore TFG-da iyo Midowgii Maxaakiimta ayaa waxa uu taageera dowladda KMG Somalia
Gudigan waxa kaloo ay soo dhaweeyeen in lagaarsiiyo askarta AMISOM ka joogta Muqdisho oo hadda la gaarsiiyay 12,000 Gudigan waxa xubno ka ah dowladda TFG , AMISOM, QM Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Urur gobaleedka (IGAD), Norway, Spain, Sweden, Briton iyo Mareekanka .
Kulankan ayaa sidoo kale waxa diiradda lagu saaray siddii loo balaarin lahaa tababarka ciidamadda Pooliska dowladda loo fidinaayo ,Waxa kulankan dowladda ugu qayb galay ra'iisal wasaare ku xigeenka Somali Abdiweli Mohamed Ali kaa oo soo dhaweeyay wax yaabaha ka soo baxa madasha shirka..
“Waxan u baahanahay in ay xaqiijino Ciidamadda dowladda si ay awood ugu helaan in ay soo celiyaan amaanka dalka oo dhan,” sidaasi waxa kulanka ka sheegay Madaxda AMISOM Bourbacar Diarra.