Somalia TFG:We will use airplanes to reach drought affected

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Somalia TFG:We will use airplanes to reach drought affected

Post by Coeus »

Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale oo horay u soo noqday wasiirka macdanta iyo biyaha Soomaaliya, ayaa sheegay isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaareen xilligii gargaarka lagu daadin lahaa diyaarado.

"Abaarta xilligan ka jirta Soomaaliya, waa mid gaarsiisan in gargaarka lagu daadiyo diyaarado," ayuu yiri jen. Cabdi Qaybdiid oo hay'adaha gargaarka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha gurmad ula gaaraan dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

Jen. Qaybdiid, oo ka mid ah guddi loo saaray inay qiimeyn ku sameeyaan abaaraha ka jira deegaannada baratmaha Soomaaliya ku yaalla ayaa sheegay in abaaruhu ay yihiin kuwo daran, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda dadka ku harsan goobaha ay abaaruhu sida ba'an ugu dhufteen ee ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

"Beesha caalamku, waa inay xil weyn iska saarto sidii ay u garaari lahaayeen dadka weli ku sugan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen iyo kuwii ka barakacay intaba. Haddii muddo todobaad ah aan gargaar lagu gaarsiin dadkaas waxay khatar ugu jiraan geeri," ayuu yiri jen. Cabdi Qaybidiid.

Sidoo kale, jen. Cabdi Qaybdiid, wuxuu sheegay inuusan garanyn cidda la siinayo gargaarkii la keeno toddobaadkaas kaddib, isagoo sheegay in abaaraha taagan ay u muuqdaan kuwii ugu darnaa ee ka dhaca Soomaaliya muddo laabatan sano ka badan.

"Dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo dowladda KMG ah, waxaa iyagana kula talinayaan inay gargaar la gaaraan dadka walaalahooda ah ee ku dhibaateysan gobollada ay abaaruhu ku habsadeen, kuwaasoo u baahan kaalmo deg-deg ah," ayuu yiri jen. Qaybdiid.

Abaaraha ka taagan Soomaaliya, ayaa aad looga dayrinayaan, iyadoo lagu barbar dhigay abaartii ka dhacday gobollada dalka Soomaaliya sannadkii 1992-kii, taasoo dishay in ka badan 5,000-qof oo intooda badan ku noolaa koonfurta Soomaaliya.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Somalia TFG:We will use airplanes to reach drought affec

Post by FBISOMALIA »

for galmudug only ..???
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”