Dadweynaha Muqdisho oo u jihaystay dhinaca waxbarashada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee goobaha lagu duubo cajaladaha diiniga ah oo sii kordhaya.
14,Safar,1432,19,Jan,2011
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo u jihaystay dhinaca waxbarashada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee goobaha lagu duubo cajaladaha diiniga ah oo sii kordhaya.
Qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku nool magaalada muqdisho oo xiliyadii ugu danbeeyay laga dareemayay barashada diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda taasoo ay imaatay markii wilaaydaka islaamiga ee ka jira dalka ay u’dhaqaaqen in ay dadka baraan dinta islaamka kana reebaan waxyaabaha aan diinta raadka ku lahayn.
Iyadoona xiligaani magaalada mqudisho laga dareemayo goobaha lagu duubo cajaladaha diiniga dar dar aad u’xoogan oo ay dadku kuu iibasanyaan cajaladaha diiniga iyo kitaabada laga raacdo cilmiga.
Mar aan maanta booqanay goobaha lagu duubo cajaladaha eek u yaala magaalada muqdisho ayaa waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo oo ay dadku ku iibsanayeen kitaabada cilmiga laga raacdo iyo cajaladaha diiniga taasoo muujinaysa in bulshadu ay u’dhaqaaqday barashada diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Daahir cumar macalin waxa uu ka mid yahay hoolwadaynada stero alqalam ee ku yaala gudaha suuqa bakaaraha daahir mar aan ku booqanay xaruntiisa waxa uu Idaacad Alfurqaan ugu harayn ugu warbixiaya qaababka ay u’shaqayaan iyo casharada ay duuban nuucyada ay u’kala baxaan.
Sidoo kale daahir cumara macalin waxa uu sharxay dhaq dhaqaaqa dadku ay ku iibsanayaa cajaladaha diiniga iyo kitaabada cilmiga laga raacdo waxuun sheegay in bulshada muqdisho xiligaani ay u’dhaqaaqday barashada cilmiga waxuuna intaa ku daray holaha steriyaha in ay u’socdaan si dar dar ah.
Si kastaba ha ahaatee tani ayaa muujinaysa ifafaalo bulshadu ay ugu dhaqaaqday barshada cilmiga iyo ku dhaqanka diinteena islaamka.
Bulshada reer muqdisho ayaa kal hore waxaa dul dagay shineemooyin laga daawan jiray aflaanta aan wanaagsanayn goobo lagu duubi jiray muusiga iyo heesaha reer galbeedka taasoo ehayd wayihii adgaa ee bulshada reer muqdisho ay soo martay.
Balse hada taa bilcagsigeeda waxaad ku arkaysaa magaalada muqdisho goobo lagu duubayo cajalado diini iyo iibsiga kitaabada laga raacdo cilmiga.
Meelaha qaar waxaa laga furay maraakiis dadka si lacag la.aan ah wax loogu barayo iyadoona horaantii bishaan magaalada muqdisho wilaayada islaamiga banaadi ka furtay markas si lacga la’aan ah wax loogu barayo dhlinyarada ku nool gobolka banaadir.
wallahi shacabka muqdishu caadi ma'ahan.
