
Dawlada Maraykanka Oo Fashilaad Ku Tilmaamtay Dawlada Somaliya
Dawlada maraykanka gaar ahaana safiirada u fadhiya bariga Africa ee dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa daboolka ka qaaday sida ay dawladooda uga go’antahay in aanay wakhti xaadirkan haboonayn in mudo kordhin loo sameeyo dawlada uu hogaamiyo Sh. Shariif Sh Axmed.
Safiirada Jabuuti iyo Kan Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay is bedel dhanka maamulka ah oo ka dhaca somaliya, safiirka maraykanka ee Kenya oo u warmaayey Tv-ga Djabuuti ayaa sheegay in aanay dawlada Shariif buuxin kaalintii looga baahnaa, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay waji cusub oo dhanka siyaasada ah.in laga sameeyo soomaaliya
Safiirka ayaa caraba ku adkeeyey in mudooyinkii ay jirtay dawlada Sh Shariif ay soo baxeen murano dhanka siyaasada ah, kuwaas oo si baahsan ilaa hada ugu filiqsan qaybo badan oo ka mida goobaha ay dawladu ka taliso.
Dawlada maraykanka oo u muuqatay awal hore mid aad ugu dhaga nuqul xukumada Sh Shariif ayaa hada u muuqata mid quus taagan, waxaana jira dareeno kale oo ku xeeran cida loo dhiibi karo hogaanka dawlada somaliya.
Maalmihii ugu danbeeyey waxaa isa soo taraaryey warar sheegaya in madaxweynaha maamul goboleedka Puntland in uu dalbanaayo in xilka loo dhiibo, taas oo uu kala hadlay xubno ka mida jimciyada quruumaha ka dhaxaysa mar ay kulan kula yeesheen magaalada Jabuuti.
Isku soo wada duuboo xukumada Sh Shariif ayaa tan iyo markii la soo dhisay uu maamulkeedu dhaafi waayey qaybo ka mida magaalada Muqdisho, iyada wali ay xoogaga mucaaridku ay ka taliyaan qaybo badan oo ka mida somaliya.