bossaso police attack terrorist houses
Posted: Sun Jan 23, 2011 9:01 am
Booliska Bosaaso oo la wareegay Guryo la sheegay in ay deganayeen dad geysan jirey falalka amaan darrada
Ciidamada amaanka ee magaalada Bosaaso ayaa la wareegay guryo la sheegay in ay deganayeen dad geysan jirey falal ka dhan amaanka.
Taliye kuxigeenka qaybta Booliska gobolka Bari Col.Cawil Axmed Jaamac oo wareysi siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ay la wareegeen ilaa 7-guri oo ku yaalla magaalada kaas oo uu sheegay in ay deganayeen dad falal ka dhan ah nabadgalyada geysan jirey.
Wuxuu sheegay in guryaha ay calaamedeyeen isla markaana dadkii iska leh aan kireyn karin,wuxuuna tilmaamay in maxkamada ay u gudbin doonaan oo go’aan kasoo saari doonaan.
Howlgalkaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ay Ciidamada amaanka Bosaaso sameyaan isla markaana la wareegaan guryo ay ku eedeyeen in ay deganayeen dad geysan jirey falalka ka dhanka amniga.
Sanadkii tegay ayaa waxaa magaalada Bosaaso ka dhacay falal isugu jira dilal iyo qaraxyo,waxaana la diley Siyaasiyin iyo dad shacab ah.
Horseed Media