Hargeysa: Naafadii Iyo Agoomihii SNM Oo maanta Mudaharaaday
Hargaysa(Waaheen) Mudaharaad ay soo abaabuleen qaar ka mid ah naafadii ku waxyeeloobay dagaaladii SNM iyo agoomihii ay ka dhinteen ayaa maanta mudaharaad ka sameeyay magaalada Hargaysa, muadaharaadkaasi oo ay doonayeen inay la hortagaan xarunta Madaxtooyada si ay cabashadoodu u gaadho Madaxweynaha Somaliland.
“waxanu nahay mujaahidiintii dalkan iyo dadkan u soo dagaalamay maanaan helin wixii aanu xaqa u lahayn ilaa hada dawladu waxay naga reebtay korodhsiimada loo sameeyay shaqaalaha kale oo mushaharka aanu qaadanaa waa labadii boqol iyo kontankii hore u qornaa” sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ahaa dadkii mudahaarka samaynayay oo la hadlayay war baahinta.
Mudaharaadkan ay maanta samaynayeen Naafadan iyo dumarkii ay ka dhinteen ayay ku sheegay mudaharaadkooda in ay u samaynayaan iyada oo mushaharooyinka loo kordhiyay Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada laakiin iyaga laga reebay mushaharooyinkaasi la kordhiyay,waxaana ay sheegeen in ay hore cabashadooda ugu gudbiyeen taliska Guud ee ciidanka Qaranka oo ay ka tirsan yihiin mushaharkoodana ay ka qaataan.
Naafadan mudahaarka sameeyay ayaa ku doodayay in yihiin mujaahidiintii dalkan u soo halgamayisla markaana aanay xukuumada cusub ee Madaxwayne Axmed siilaanyo ka filaynin arinta noocan oo kale ah, mid ka mid ahaa dadkii mudaharaadkan soo abaabulay ayaa sidan u sheegay saxaafada “waxa ay xukumada ku dhiiratay oo ay samayso wax ka xishootay dawladii hore ee Daahir Rayaale”.
waxaana ay sheegeen naafadan mudaharaadka sameeyay in laga takooray shaqaalaha dawlada intiisa kale,iyaga oo ugu baaqay goleyaasha qaranka,madaxwaynaha Somaliland iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba in wax laga qabto cabashadooda.
Ciidamada booliska oo uu horkacayay Taliyaha ciidanka Booliska Gen.cilmi Rooble furre ayaa ka hortegay dadkan Naafada ah ee mudaharaadka samaynayay oo kula hadlay meel u dhaw biriijka labaad ee Hargaysa oo ahayd halka ay ciidamada boolisku ku hor istaageen ayaa ka dhegaystay dakan mudaharaadayay waxa ay ka cabanayaan,ka dibna waxaa uu taliyuhu u sheegay Naafadan mudaharaadka samaynayay in loo sheegay war qaldan isla markaana aanay wax cadayn ah u haynin in laga reebay liiska shaqaalaha mushaharka loo kordhiyay,isaga oo taliyuhu u sheegay Naafadan mudaharaadayay in ay wax hubsadaan kuna xisaabtamaan waxa ay arkaan.
Waxaana uu Taliyuhu u sheegay mudaharaadeyaasha in uu cabashadooda gaadhsiin doono madaxwaynaha Somaliland,isaga oo ka dalbaday naafadan mudaharaadka sameeyay in ay u soo qoraan waraaq ay ku saxeexan yihiin magacyada afar qof oo ka mid ah Naafada si uu madaxwaynaha,iyaga oo mudaharaadeyaashu markii uu taliyaha ciidanka Boolisku la hadlay joojiyay mudaharaadkii halkiina ku kala dareeray.
Members of infamous SNM protest in Hargeisa
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 571 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 8 Replies
- 852 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 17 Replies
- 2283 Views
-
Last post by bumps
-
- 2 Replies
- 430 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 11 Replies
- 1312 Views
-
Last post by SayyidUmar
-
- 1 Replies
- 803 Views
-
Last post by mukke
-
- 119 Replies
- 8370 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 7 Replies
- 485 Views
-
Last post by GANG Green
-
- 21 Replies
- 1067 Views
-
Last post by Suga_lumps
-
- 1 Replies
- 579 Views
-
Last post by nomadicwarlord