HutuKing whats goin on in guriceel?
Posted: Mon Jan 24, 2011 6:56 pm
Waradhuumale:(Sh. M. Network) Ciidamada Culumaaudiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoo dagaaladaasina ay ka hadleen masuuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca.
Wararka Shabelle ay ka heleyso deegaanka Waradhuumaleh ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in galabta halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, waxaana dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay qoysaskii reer guuraaga ahaa ee deegaankaasi ku noolaa.
Dagaalka ayaa bilowday sida la sheegay Markii Ciidamo ka tirsan Culumaa’udiinka Alu Sunna Waljamaaca ay weerar ku qaadeen fariisimo tuulooyin ku dhow dhow Wardhuumaleh ay ku lahaayeen Ciidamada Al Shabaab, iyadoo xiligaasi kadibna uu halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacado ah socday.
Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Al Shabaab iyo Ahlu Sunna waljamaaca, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in ay jireen tiro dad ah oo ku waxyeeloobay dagaalkaasi, inkastoo aysan tiradooda cayimin.
Sheekh C/risaaq Max’ed Cali Ashcari oo ah afhayeenka gobolada dhexe ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo Caawa wareysi siiyay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay guulo ka gaareen dagaakii galabta ka dhacay deegaanka Waradhuumaleh, isagoo tilmaamay in dagaalkaasi ay qaadeen kadib markii ay soo gaartay cabasho uga timid dadka deegaanka oo ku aadan sida uu sheegay dhibaatooyin ay kula kulmeen Ciidamada Al Shabaab.
Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo ku aadan dagaaladii galabta ka dhacay gobolka Galgaduud, hase ahaatee wararka Caawa laga helayo deegaanka waradhuumaleh ayaa sheegay in halkaasi in xaaladu ay tahay mid degan.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net