Ciidamada amaanka ee Puntland oo dad ku qab qabtay Boosaaso

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Ciidamada amaanka ee Puntland oo dad ku qab qabtay Boosaaso

Post by FBISOMALIA »

Image
Boosaaso:(Sh. M. Network) Howlgalo lagu soo qab qabtay kooxo looga shakisanyahay in ay ku lug lahaayeen falal amni dari ah ayaa ciidamada amaanka ee Puntland waxaa ay ka sameeyeen maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgaladaani oo ciidamadu maanta ay ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Boosaaso ee xatunta gobolka Bari ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan kooxo falal amaan dari ah ka waday gudaha Magaalada Boosaaso.

Taliye ku xigeenka Ciidamada boliiska ee Maamul goboleedka Puntland gaashaanle dhexe Cawil Aadan gacal oo maanta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen kooxo uu tilmaamay in ay falal amni daro ah ka wadeen Magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen ilaa 7 guri oo laga kireeyay dadkaasi lala xariirinayo in ay ka dambeeyeen falalka amni daro ee ka dhacay Magaalada Boosaaso, isagoo intaasi ku daray in kooxahaasi ay haatan xabsiga ku jiraan.

Ugu dambeyntii ayaa taliska ciidamada Booliska ee dowlad goboleedka Puntland waxaa ay ugu baaqeen shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada amaanka Magaaladaasi Boosaaso.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”